25/08/2026
WARGELIN
Ku: Waalidiinta, Ardayda iyo Bulshada Aqoonbile Academy
Maamulka Aqoonbile Academy wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bulshada in Dugsiga Aqoonbile dib loo furayo, iyadoo sannad-dugsiyeedka cusub uu si rasmi ah u bilaaban doono:
Taariikhda: 29/08/2026
Maalinta: Sabti
Waxaan dhammaan ardayda iyo waalidiinta ka codsaneynaa inay diyaar garoobaan, si sannad-dugsiyeedka cusub loogu bilaabo si wanaagsan oo nidaamsan.
Maamulka Aqoonbile Academy
Mahadsanidiin.