18/05/2026
Ardaydu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo xambaarsanaa farxad, mahadnaq iyo xushmad. Waxaana qeyb ka ahaa ciyaaro iyo tartamo badan sida xarig-jiid, caagadda biyaha, tixidda midabada isku eg, saar iyo madadaalooyin kale oo soo jiitay ka qeybgalayaasha.
Sidoo kale ardaydu waxay soo jeediyeen gabayo iyo erayo mahadnaq ah oo ay ku muujiyeen qaddarinta ay u hayaan macallimiintooda iyo maamulka dugsiga, iyagoo sidoo kale guddoonsiiyey hadyado mahadcelin ah oo astaan u ahaa xusuus iyo qadarin ku aaddan dadaalkii iyo hagitaankii ay ka heleen muddadii waxbarashadooda.
18/05/2026 | Aqoonbile Academy
18/05/2026
Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Aqoonbile Academy waxay maanta markhaati ka noqdeen munaasabad sagootin ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda fasalka 4-aad sare.
18/05/2026
18/05/2026 – Dugsiga Aqoonbile Academy
Ardayda fasalka 4-aad sare ee Aqoonbile Academy ayaa saaka u sameeyey macallimiintooda iyo maamulka dugsiga sagootin aad u qiimo badan oo xusuus reeb ah. Ardaydu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo muujinayey ixtiraam, mahadnaq iyo farxad, iyagoo sidoo kale macallimiintooda ku maamuusay hadyado mahadcelin ah si ay ugu muujiyaan kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen waxbarashadooda iyo tarbiyadooda. Xafladdan ayaa ahayd mid xambaarsan dareen, xushmad iyo xusuus aan si fudud loo illaawi karin.
16/05/2026
Ardayda fasalka 3-aad sare ee dugsiga Aqoonbille ayaa muujiyey qadarin iyo ixtiraam ay u hayaan macalinkoodii marna Formaster-koodii, Ustaad Shiillow, iyagoo u sameeyey munaasabad abaalmarin ah. Tani waxay ahayd tallaabo ka tarjumaysa jacaylka, mahadnaqa, iyo qiimaha ay siinayaan dadaalka iyo juhdiga uu macalinkoodu geliyey waxbarashadooda iyo tarbiyaddooda.
Ustaad Shiillow wuxuu si hagar la’aan ah ugu dadaalay kor u qaadista aqoonta iyo anshaxa ardayda, isagoo mar walba tusaale wanaagsan u ahaa hoggaamin iyo wacyigelin. Abaalmarintan ay ardaydu guddoonsiiyeen waxay caddayn u tahay in wanaagga iyo dadaalka wanaagsan aan la illoobin, isla markaana macallinku yahay iftiinka hagaya jiilka mustaqbalka.
02/05/2026
Saaka, Axad 02/05/2026, waxaa Dugsiga Aqoonbile Primary and Secondary School nagu soo booqday guddiga dhalinyarada xaafadda Guulwade, kuwaas oo ardayda u soo bandhigay barnaamij wacyigelin ah oo muhiim ah. Barnaamijkan wuxuu si gaar ah diiradda u saaray khatarta tahriibka iyo dhibaatooyinka culus ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay kala kulmaan marka ay isku dayaan inay u safraan dalal shisheeye iyagoo raadinaya nolol ka duwan tan ay hadda ku jiraan.
Ardayda waxaa la siiyay xog iyo tusaalooyin dhab ah oo ka tarjumaya halista safarrada sharci darrada ah, iyada oo lagu booriyay in ay qiimeeyaan waxbarashada, xirfadaha, iyo fursadaha ka jira dalkooda gudihiisa.
Maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxay si weyn u bogaadinayaan dadaalka guddiga dhalinyarada Guulwade, iyagoo ku tilmaamay mid wax ku ool ah oo kaalin muhiim ah ka qaadanaya badbaadinta iyo mustaqbalka dhalinyarada.
— Maamulka & Macalimiinta
Aqoonbile Primary and Secondary School
27/04/2026
Sidoo kale, xafladda waxaa sharaf noo ahayd inay kasoo qayb galaan xubno ka tirsan maamulka Jaamacadda Accord, kuwaas oo ka qeyb qaatay dhiirrigelinta ardayda iyo xoojinta xiriirka waxbarasho ee u dhexeeya dugsiga iyo jaamacadda.
Munaasabaddan waxay ahayd mid muujisay horumar, dadaal, iyo iskaashi wax ku ool ah oo ku saleysan kobcinta aqoonta iyo anshaxa ardayda.
27/04/2026
Saaka subaxnimadii, waxaa dugsiga Aqoonbile ka qabsoomay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusay ardaydii ku guuleysatay tartamada kala duwan ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Xafladda waxaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino ardaydii ku guuleysatay tartankii aqooneed, tartankii kubadda cagta, iyo sidoo kale ardaydii muujisay dadaal, akhlaaq wanaagsan, iyo hufnaan intii lagu jiray sanadkan.
Waxay ahayd munaasabad dhiirrigelin iyo bogaadin u ah ardayda, taasoo sare u qaadaysa hamiga iyo tartanka wanaagsan ee ka dhex jira bulshada dugsiga. Maamulka iyo macallimiinta dugsiga Aqoonbile waxay u rajeeyeen dhammaan ardayda mustaqbal ifaya iyo guulo sii waara.
05/04/2026
Saaka oo ay taariikhdu ahayd 05/04/2026, maalin Axad ah, waxaa Dugsiga Aqoonbille Primary & Secondary School ka qabsoomay mid ka mid ah tartanadii aqooneed ee si joogto ah uga socday iskuulka.
Tartankan oo ahaa mid xiiso iyo xamaasad gaar ah lahaa, ayaa waxaa ku loolamay labada kooxood ee kala ah Group B iyo Group C. Labada dhinacba waxay soo bandhigeen dadaal, feejignaan iyo faham aqooneed oo sare, taasoo ka dhigtay tartanka mid aad u soo jiidasho leh.
Ugu dambeyntii, guusha waxay raacday Group C oo ku guuleystay 12 dhibcood, kadib tartan adag oo ay si weyn ugu loolameen labada kooxood.
Maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ardaydii ka qayb gashay tartankan, gaar ahaan kooxda guusha gaartay ee Group C. Sidoo kale, waxaan adkeyneynaa in tartamada noocan oo kale ah aysan ahayn kuwo lagu kala badnaado dhibco, balse ay yihiin fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo aqoonta, lagu dhiirrigelinayo is-dhexgalka, isla markaana lagu horumarinayo kartida ardayda.
Ugu dambeyn, waxaan rajaynaynaa in tartamadan ay sii socdaan, isla markaana ay ardaydu ka faa’iidaystaan si ay u gaaraan heerar sare oo aqooneed iyo anshax wanaagsan.
30/03/2026
Waxaa si sharaf iyo xushmad leh loo qabtay xaflad ay ardayda Fasalka 12-aad ee Iskuulka Aqoonbile u hibeeyeen Formaster-kooda, Maxamed Aaden Maxamed (AbwaanJarmal), taas oo ka dhacday gudaha iskuulka. Xafladdan waxay ahayd mid ka tarjumaysay mahadnaq qoto dheer, jacayl, iyo qadarin ay ardaydu u hayaan macalinkooda oo door weyn ka qaatay hagiddooda iyo kobcintooda aqooneed iyo akhlaaqeed.
Ardaydu waxay si qiiro leh u soo bandhigeen hadallo iyo maansooyin muujinaya kaalinta muhiimka ah ee uu Ustaadku ku lahaa noloshooda waxbarasho, iyagoo xusay dulqaadkiisa, dadaalkiisa, iyo sida uu mar walba ugu dhiirrigeliyey inay gaaraan himilooyinkooda. Waxaa sidoo kale goobta laga dareemayay farxad iyo midnimo, taas oo muujinaysay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda iyo macalimiintooda.
Dhanka kale, maamulka iyo macalimiinta Iskuulka Aqoonbile waxay ardayda siiyeen waanooyin qiimo leh, iyagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalka, ilaashadaan anshaxa wanaagsan, kana faa’iidaystaan fursadaha horyaalla maadaama ay u diyaar garoobayaan qalin-jabinta. Waxay si gaar ah u xuseen in guushu ay ku timaaddo sabir, joogteyn, iyo kalsooni nafeed.
Ugu dambayn, xafladdan waxay noqotay mid xusuus reeb ah oo muujisay qiimaha macalinka iyo doorka ardayda ee mahadcelinta, isla markaana iftiimisay rajada mustaqbal ifaya ee sugaysa ardayda Fasalka 12-aad.
15/02/2026
🗓️ Axad | 15/02/2026
Saaka oo ay taariikhdu ahayd 15/02/2026, kuna beegan maalin Axad ah, waxaa Dugsiga Aqoonbille Primary and Secondary School si habsami leh ugu qabsoomay tartankii aqooneed ee Final-ahaa, kaas oo u dhexeeyay Group B iyo Group C.
Tartankan oo ahaa mid si hufan, caddaalad leh, uguna dhacay jawi waxbarasho oo wanaagsan, ayaa ardaydu ku muujiyeen dadaal, feejignaan, edbin iyo is-ixtiraam, taas oo muujinaysa horumarka tacliimeed ee ay gaareen.
Ka dib tartan xiiso iyo xamaasad leh, guushu waxay raacday Group B, iyagoo helay 19 dhibcood, halka Group C ay heleen 14 dhibcood. Labada group-ba waxay soo bandhigeen aqoon, karti iyo dadaal mudan bogaadin, taas oo muujinaysa in dhammaan ardaydu ay yihiin kuwo isku heer ah dhanka dadaalka iyo barashada.
Maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay si isku mid ah u jecel yihiin dhammaan ardayda, waxayna mar walba ku dadaalaan in ay helaan fursad siman, dhiirigelin iyo hagid sax ah, si mid walba uu u gaaro heerkiisa ugu sarreeya.
Ugu dambayn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Group B oo ku guuleystay tartanka, iyo sidoo kale Group C oo muujiyey tartan adag, edbin iyo akhlaaq wanaagsan. Waxaanna ku dhiirrigelinaynaa dhammaan ardayda in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, maadaama aqoontu tahay furaha guusha nolosha.
Aqoonbille – Hoyga aqoonta, akhlaaqda iyo mustaqbalka ifaya.