Midowga Ardayda Uganda ee Jubbaland

Midowga Ardayda Uganda ee Jubbaland

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midowga Ardayda Uganda ee Jubbaland, Education, Alanley, Kismayo.

14/05/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayna anago ah bahda Midowga Ardayda Uganda ee Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen qaaliga ahaa Abdinajib Musse Elmi oo Mudooyinkii dambe ku xanuusanayi Dhawac kaso gaaray Qaliin si qaldan lagu sameyay Mindhiciraha yar yar( Small intestines) Isbitaal ku yaal gudaha Dalka Uganda ee Casiimadiisa Kamapla🇺🇬🏥🩺

Marxuumku wuxuu ahaa qof wanaag badan, afgaaban, akhlaaq wanaagsan leh, dadka oo dhanna si sharaf iyo ixtiraam leh ula dhaqmi jiray. Wuxuu lahaa qalbi wanaagsan iyo dabeecad deggan oo qof walba soo jiidan jirtay, waxaana lagu xusuusan doonaa wanaaggiisii iyo dadnimadiisii suubbaneyd.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu janatul firdowsa ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo. Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan ka rajeynayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Geeridu waa xaq, qof walbana wuu dhadhamin doonaa. Ilaahay samir haka siiyo dhammaanteen. Aamiin.

Photos from Midowga Ardayda Uganda ee Jubbaland 's post 02/05/2026

Waxaa shalay si rasmi ah uga qabsoomay magaalada Kismaayo kulankii ugu horreeyay ee ay isugu yimaadeen Aqoon-yahanada wax ku soo bartay dalka Uganda. Kulankan taariikhiga ah wuxuu ahaa mid muhiimad weyn u leh xoojinta xiriirka, iskaashiga, iyo mideynta ardayda iyo aqoonyahannada kasoo baxay jaamacadaha Uganda.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah, waxaa diiradda lagu saaray:-
1-Joogteynta kulamo joogto ah oo mustaqbalka la qaban doono.
3-In la xoojiyo iskashika iyo xiriirka ka dhaxeeyo Aqoon-yahanada Midowga iyo Ururada kale.
4-In la dhiirrigeliyo aqoonta iyo akhriska, iyadoo la qorsheynayo bandhigyo book-akhris ah.
5- in loo fududeeyo ardaya Cusub Helista Ruqsada jamacada (admission) iyo Qibrada dheerad ah( internship) dhaman jamacada Dalka uganda.

Sidoo kale, waxaan si diirran u soo dhaweenay Ugaas Mohamed Hassan Sirat.oo ah madaxa madasha Kasmaal ee ka dhisan Uganda,Kaso Nala wadagay wax u qabsoomay intuu Xilka haayay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka shaqeeyay abaabulka iyo qabanqaabada kulankan qiimaha badan, iyo sidoo kale hal-abuurayaashii lahaa fikradda mideynta iyo isu keenista ardayda wax ku soo bartay Uganda.

Kulanku wuxuu ahaa bilow wanaagsan oo horseedi kara mideynta, wada shaqeynta, iyo horumarinta bulshada.


Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Alanley
Kismayo
252