01/01/2026
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Dr. Maxamed Bashir, ayaa maanta daahfuray imtixaanka qalin-jabinta ee ay u fadhiisanyeen ardayda dufcadda 6aad ee Machadka Tababarka Umulisooyinka Kismaayo.
Munaasabadda daahfurka imtixaanka waxaa goob-joog ahaa Maamulka Machadka, Marwo Hafsa Xaaji Yuusuf, iyo mas’uuliyiin ka socday Machadka Umulisooyinka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Agaasime Dr. Maxamed Bashir oo kalmad kooban u jeediyay ardayda ayaa kula dardaarmay inay si deggan oo kalsooni leh u galaan imtixaanka, isaga oo u rajeeyay guul iyo nasiib wacan, kuna booriyay inay muujiyaan aqoonta iyo xirfadaha ay soo barteen muddadii tababarka.
Machadka Tababarka Umulisooyinka Kismaayo tan iyo markii la aasaasay waxa uu soo saaray shan (5) dufcadood oo h**e, kuwaas oo ka howlgala deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo gobollo kale oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana si wax ku ool ah uga qeyb qaatay horumarinta iyo badbaadinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay horumarinta tayada iyo tirada shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan umulisooyinka, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, isla markaana gaara dhammaan bulshada.
31/12/2025
Waxaa maanta imtixaanka xulashada(entry exam) ufadhiistey dufcadii 8aad ee ardayda machadka tababarka umulisooyinka ee Kismayo Midwifery Training Institute.
Munaasabada waxaa kasoo qayb galey agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka jubbaland, agaasimaha waaxda caafimaadka qoyska, xubno kasocdey macaahida umulisooyinka qaranka, hay’ada CARE oo taageerta machadka iyo maamulka machadka.
Imtixaanka waxaa si rasmi ah u daahfurey agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka jubbaland isagoo ardayda ucadeeyey in imtixanka cadaalad noqon doono eyna kukalsoonaadaan natiijada soo baxda.
Waxaana ufadhiistey imtixanka arday gaaraysa 80 arday kuwaasoo kakala yimid deegaanada jubbada hoose.
Madaxda kasocotey wasaarada caafimaadka jubbaland iyo maamulka machadkaba waxay kula dardaarmeen ardayda inay ka faaiideystaan fursada hadii ay kasoo gudbaan imtixaanka.
01/12/2025
UJEEDDO: OGEYSIIS QAADASHO ARDAY CUSUB – UMULISO SARE
Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada – Dowladda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada – Dowladda Jubaland
Machadka Qaran ee Tababarka Kalkaaliyaasha & Umulisooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo loo yaqaan Kismayo Midwifery Training Institute, wuxuu bilaabayaa qaadashada arday cusub oo loo tababarayo umulisooyin xirfad sare leh (Qualified Midwives). Barnaamijkan oo soconaya 36 bilood (3 sano) ayaa diiradda saaraya diyaarinta umulisooyin tayo leh oo bulshada u adeega.
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan ardayda ku nool Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, kuwaas oo haysta shahaado dugsi sare islamarkaana daneynaya inay bartaan xirfadda umulisada, inay soo codsan karaan tababarkan. Ardayda doonaysa inay iska diiwaangeliyaan waa inay buuxiyaan shuruudaha hoos ku qoran:
Shuruudaha Codsadaha
1. Inuu haysto shahaado dugsi sare islamarkaana uu ka gudbay imtixaanka qaran ee Wasaaradda Waxbarashada.
2. Inay tahay dumar.
3. in ay diyaar u tahay una hogaansanto heshiiska qaadashadda imtixaanka kaas oo ay qadeeyso Machadka Tababarka Kalkaaliyaasha iyo Umulisoyinka Qaranka, oo hoos yimid Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Dukumiintiyada Laga Doonayo
Waxaa laga doonayaa qofka daneynayo tababarkan inuu soo gudbiyo waxyaabahan hoos kuqoran:
1. Warqad codsi (application letter)
2. Copy shahaadada dugsiga sare ama kaarka imtixaanka dugsiga sare
3. Labo sawir oo nooca teesaraha ah
4. Warqad caafimaad (Medical Certificate)
5. Gal bir ah oo lagu xafido dukumiintiyada
Qabashada Araajida waxay socon doontaa: 1 – 20 December 2025.
Tirada la qaadanayo oo kooban, sidaas darteed waxaa lagu dhiirigelinayaa codsadayaasha inay si degdeg ah u soo gudbiyaan dukumiintiyada.
Goobaha Araajida Lagu Qabanayo
1. Xarunta Machadka Umulisooyinka Qaranka ee Kismayo
2. Xafiisyada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ee dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo, Degmada Dhobley iyo Degmada Afmadow
3. Codsadayaasha degmooyinka kale waxay sidoo kale xogtooda ku soo diri karaan emailka:
[email protected]
Faahfaahin dheeri ah kala xiriir:
📞 615808078
📞 615835742
📞 619811113
Mahadsanidiin.
Wada shaqayn wacan.
20/11/2023
Waxaa maanta imtixaankii udanbeyey (exit exam)ee machadka tababarka umulisoyinka kismaayo ufariistey dufcadii 5aad ee kabaxday machadka.
Imtixanka waxaa nagala soo qeybgalay oona furey agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka jubbaland iyo xubno kale oo wasaarada kasocday sidookale xubno kale oo kumatalaayey wasaarada caafimaadka somalia.
Agaasimaha oo madasha kahadley fureyna imtixaanka ayaa ardada kula dardaarmey iney si hufan ugu shaqeeyaan bulshada .
10/10/2023
Waxaa maanta imtixaankii qubuulka (entry exam) ufadhiistey dufcadii 7aad ee ardayda machadka tababarka umulisooyinka ee Kismayo Midwifery Training Institute .
Imtixaanka waxaa daahfurey wasaarada caafimaadka jubbaland iyo maamulka machadka tababarka umulisoyinka jubbaland
Waxaana ufadhiistey imtixanka arday gaaraysa 70 arday kuwaasoo loo tababari doono umuliso bulsho.
Madaxda kasocotey wasaarada caafimaadka jubbaland iyo maamulka machadkaba waxay kula dardaarmeen ardayda inay ka faaiideystaan fursada waa hadii ay kasoo gudbaan imtixaanka.
12/09/2023
Ogeysiis.
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulshada ree Jubbaland in mac-hadka tababarka umulisooyinka ee Kismayo Midwifery Training Institute uu qaadanayo arday cusub oo loo tababarayo umuliso bulsho (community midwife) taas oo socondoonta muddo 3sano ah.
Shuruudaha hoos kuxusan waa inuu buuxiyaa codsadahu:
1) waa in dhaddig tahay(dumar)
2) shahaado Dugsi sare wadato.
3) waa inay u hogaansanto heshiiska qaadashada oo ay lagalayso wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
4) warqad codsi ah
Qabashada araajidu waxay socon dontaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 13 september 2023 illaa 29september 2023. Waxaana araajida lagaysanaya xarunta machadka oo kutaala xaafada faanoole agagaarka Hotel madiina.
Tirada laqaadanayo oo aad u kooban darteed dagdag ugudbiso decumentiga sare kuxusan
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
0615568400
0615939665
Kafaaiideysi wacan.
07/09/2023
Waxaa maanta imtixaankii semesterka labaad soo gabagabeeyey dufcadii lixaad ee ardayda waxkabarata machadka tababarka umulisooyinka ee Kismayo Midwifery Training Institute .
18/02/2023
Sawirada ardayda kaqalinjabisay machadka tababarka umulisoyinka kismaayo.🎓
18/02/2023
Waxaa sitoos ah uga socota Hotel Rotana xaflada qalinjabinta ardayda machadka tababarka umulisooyinka kismaayo.
Sawirada qaybta 1aad.
25/09/2022
Waxaa maanta imtixaankii udanbeyey ee machadka tababarka umulisoyinka kismaayo ufariistey dufcadii 4aad ee kabaxday machadka.
21/08/2020
Ogeysiis.
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulshada ree Jubbaland in mac-hadka tababarka umulisooyinka ee Kismaayo (Midwifery training institute) uu qaadanayo arday cusub oo 50 arday ah.
Shuruudaha hoos kuxusan waa inuu buuxiyaa codsadahu:
1) waa in dhaddig tahay(dumar)
2) shahaado Dugsi sare wadato.
3) 2sawir oo taysaro ah
4) warqad codsi ah
Codsi qabashadu waxay ku egtahay 23/8/2020 inshaAllah
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
0615568400
0615808078
Kafaaiideysi wacan.