05/05/2026
Tomorrowπ
Page_ka rasmiga ah ee Dugsiga Goobweyn Primary School
05/05/2026
Tomorrowπ
22/03/2026
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS.
Dhammaan Macalimiinta, Ardeyda iyo Waalidiinta Sharafta leh waxaa la ogeysiinayaa in Iskuulka dib loo furi doono Maalinta Talaadada Nagu soo Aadan Taariikhdana ku beegan tahay 24 __Maarso___2026.
Fadlan Ardeydu hasoo xaadiraan Waqtigooda si joogta ah.
09/03/2026
Bismillah
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo!
Marka koowaad, waxa ay mahad oo idil u sugnaatey ALLAH (SW) oo noo suurta geliyay in aan manta si rasmi ah usoo gabagabeeno tartan aqooneedkii bisha barakeysan ee Ramadaan .
Marka labaad, waxaan Hambalyo diiran u direynaa Fasalka 8aad oo ku guuleystay tartankii bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib dadaal, karti iyo hufnaan ay muujiyeen intii uu tartanka socday. Guushiinnu waa mid aad ku muteysateen juhdiga iyo dedaalkiinna aan kala harin.
Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa fasalka 7aad, kuwaas oo iyaguna dadaal badan bixiyay una dhabar adeegay tartanka in kastoo guusha cid gaar ah raacdo, haddana waxqabadkiinna waa mid mudan in la idinku amaano.
Ugu dambeyn, waxaan ugu mahadcelinaynaa Guddiga tartanka ee dugsiga oo juhdi badan ku bixiyay abaabulka iyo maareynta tartanka waxay muujiyeen dulqaad, hal_abuur iyo dhiiro_gelin joogta ah taas oo horseeday guulaha aan marqaati ka nahay manta.
Natiijada uu kuso idlaatay K**a dambeysta tartanka
Fasalka 8aad: 24
Fasalka 7aad : 18
Hambalyo Fasalka 8aadππ
π
Su'aalihii dheeriga ahaa ee lagu kala baxay
Guushana ay ku raacdey Fasalka 8aad.
05/03/2026
Bismillah
GOBWEYN PRIMARY SCHOOL
Arbaco Taariikhduna ay aheyd 04_March_2026.
Tartankii aan ku maa muuseeno Bisha Barakeysan aan Qabanay Waxaa ku Tartamay Fasalka 8aad iyo Fasalka 5aad Fasalladaas oo Soo bandhigay Tartan aad iyo aad u xamaasad badan kadib markii su'aalihii aan ugu talagalnay ay isku mari waayeen oo barbaro ay galeen ayaa waxaan u baahanay (Extra_Questions )su'aallo dheeri ah kadib su'aallihii dheeriga ahaa waxaa guusha hantay fasalka 8aad oo ah (Role_model_ka)Dugsiga.
Maamulaha,Maamule ku xigeenka iyo dhammaan Maclliminta dugsiga Goobweyn ayaa hambalyo u diray Fasalka 8aad oo iska xaadiriyay k**a dambeysta tartanka ( Final ).
Hambalyo Hambalyo Fasalka 8aad.π
HAMPALYO Fasalka 7aad Ee Dugsiga GOBWEYN π
Maalintii isniinta aan soo dhaafnay Taariikhduna ku beegneed 02/03/2026 Waxaan daahfurnay Tartan Aqooneedka aan ku maamuuseeno Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
Tartanka Waxaa aan ku furnay Fasalka 6aad iyo Fasalka 7aad . Labadaas fasal waxaa dhex maray Tartan ku dhisan aqoon is weedaarsi iyo Cilmi Kala Faaiideysi.
Haddii Laba fasal ay tartamaan Guushu Hal Cid Unbey ka Qosol siinaysaa.Guushana waxaa hantay Fasalka 7aad kuwaas oo ka guuleystay Fasalka 6aad .
Maamulaha, macllimiinta iyo dhamaan Bahda Waxbarashada ee Dugsiga GOBWEYN PRIMARY SCHOOL Waxay Hampalyo U dirayaan Fasalka 7aad.
Sidoo kale Fasalka 6aad isagana waxaa loo rajeeyay Guul tartamada kale ee La qaban doonno insha Allah.
Isku Aadka Tartan Aqooneedka ee Dugsiga GOOBWEYN
Arbaco 25_ febraayo_2026, waxaa si rasmi ah u qabsoomay Qori_tuurka tartan aqooneedka ee fasallada dhexe ee dugsiga.
Ujeedka guud ee laga leeyahay Tartanka ayaa ah in lagu kobciyo garaadka ardeyda, kor u qaadidda tayada dugsiga,helidda aqoon_wadaag iyo kor u qaadidda kaalinta waxbarashada ee ardeyda.