Isnay Biyaso Primary And Secondary School

Isnay Biyaso Primary And Secondary School

Share

DUGSIGA HOOSE DHEXE IYO SARE EE ISNAY BIYASO JOWHAR.

15/05/2026

Muuqaalka Ardayda Q:2aad ee Tartanka.

14/05/2026

Tartankii sanad dugsiyeedka 2025–2026 ee dugsiga Isnay Biyaso si guul leh ku soo dhammaaday. Hambalyo dhammaan ka qeybgalayaasha iyo guuleystayaasha.

Photos from Isnay Biyaso Primary And Secondary School's post 14/05/2026

Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Isnay Biyaso ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-5-2026, hadiyado qaali ah guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartankii aqooneedka ahaa ee ka socday dugsiga.

Kooxda Cabdiraxmaan Binu Coof ayaa ku guuleysatay kaalinta 1-aad, halka kooxda Abuubakar Sidiiq ay gashay kaalinta 2-aad.

Hambalyo iyo bogaadin gaar ah ayaan u diraynaa dhammaan ardayda ku guuleysatay tartankan aqooneed.

Waa guul muujineysa dadaal, karti iyo aqoon. Waxaan idiin rajeynaynaa horumar iyo guulo kale oo badan.

Isnay Biyaso Primary And Secondary School

Photos from Isnay Biyaso Primary And Secondary School's post 14/05/2026

Sawiradda Tartanka Q: 2aad

Photos from Isnay Biyaso Primary And Secondary School's post 14/05/2026

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Ugu horreyn waxaan u mahadcelinaynaa Alle SWT oo inoo suurtageliyay in si guul iyo nabadgelyo leh uu noogu soo dhammaado tartankii aqooneedka ahaa ee ka socday dugsiga Isnay Biyaso.

Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan ardaydii ka qeybgashay, macallimiintii, garsoorayaashii iyo taageerayaashii dadaalka weyn muujiyay, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo guusha tartankan.

Tartankan wuxuu ahaa mid xambaarsanaa aqoon kororsi, isdhexgal, tartan hufan iyo kobcinta kartida ardayda, taasoo muujineysa heerka dadaalka iyo horumarka waxbarasho ee dugsiga.

Waxaan rajeynaynaa in tartamada iyo qeybaha xiga ay noqdaan kuwo ka sii heer sarreeya, xiiso badan, isla markaana horseeda guullo waaweyn Insha Allah.

Mahadsanidiin dhammaantiin, guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajeynaynaa.

22/04/2026

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Tacsi Tiiraanyo Leh
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Isnay Biyaso Primary And Secondary School waxay tacsi u dirayaan ehelka iyo dhammaan dadkii uu ka baxay Marxuum Ustaad Cabdullaahi Nuur Barrow, oo maanta ku geeriyooday dagmada Jowhar.

Marxuumku wuxuu ahaa haldoor lagu xasuusto waxbarashada, akhlaaqda iyo bulsho-jacaylka.

Ilaahay ha u naxariisto, qabrigana ha u waasiciyo, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo. Samir iyo iimaan ha ka siiyo ehelka iyo asxaabta.

اللهم اغفر له وارحمه واسكنه فسيح جناتك

16/04/2026

Hambalyo iyo Soo Dhaweyn Sharaf Leh

Mudane Agaasime Nur Hassan Muse , Bahda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Isnay Biyaso oo ka kooban Maamulka, Macallimiinta, Waalidiinta, Ardayda iyo Shaqaalaha waxay si kal iyo laab ah kuugu hambalyeynayaan magacaabistaada xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabelle.

Magacaabistaada waxay astaan u tahay kalsoonida lagu qabo hoggaankaaga, kartidaada iyo waayo-aragnimadaada, taas oo door muuqda ka qaadan doonta horumarinta waxbarashada.

Waxaan kuu rajeyneynaa guul, horumar iyo in aad si hufan u gudato mas’uuliyadda laguu igmaday. Alle ha kuu fududeeyo waajibaadkaas culus.

19/03/2026

Ciid Wanaagsan!
تَقَبَّلَ اللهُ مِنَّا وَمِنكُم صَالِحَ الأَعْمَال

Waxaan hambalyo diirran oo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneed ee aan soo gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, in uu inaga cafiyo dembiyadeenna,

Qalbiyadeennana ku beero naxariis iyo isxilqaan.

Ilaahay ha inagu gallado Ciiddaan kheyr, nabad, caafimaad iyo farxad waarta.

Aamiin.

08/03/2026

Maadada jirdhiska iyo arts 🎨
.

08/02/2026

Soomaali Waa Kuma ...?

Nasteha Hassan Ibraahim

13/03/2025

Mascuud Abdikareim Nour

Hogaamiyaha koooxda Abuu Hureyra

Isnay Biyaso Primary And Secondary School

Want your school to be the top-listed School/college in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Horseed
Jowhar