22/11/2025
Maalinta macalinka somaliyeed
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare ee Biyacadde
22/11/2025
Maalinta macalinka somaliyeed
21/11/2025
Hambalyo dhammaan macalimiinta somaliyeed gaar ahaan bahda Biyacadde Primary And Secondary School ee waqtiga adag iyo duruufaha kala dugan kuso shaqeyay. Meelkasto ee aad joogto hambalyo macalin.
Waxaaan rejeyneynaa in aan xaruunteenni dib uga howl geli doonno inshllh.
02/11/2025
Xasuusaha Lama illaabaanka ah ee Biyacadde Primary And Secondary School
21/08/2025
HAMBALYO HAMBALYO
C\RASHIID MACALIN AXMED XUSEN ayaa noqday ardayga dhibcaha ugu badan keenay Natiijada gugsiga Biyacadde Primary And Secondary School oo aay dhowaan shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle.
Hambalyo hambayo
21/08/2025
Waxaan kuso biirnay barta tiktok -gq nalaso mar.
Saadaq Axmed ayaa noqday ardayga labaad ee ugu dibcaha badan dugsiga Biyacadde Primary And Secondary School ee shalay ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle.
Hambalyo hambalyo
21/08/2025
MAXAMED BARRE FAARAX ayaa noqday ardayga galay kaalinta 3aad ee dhibcaha dugsiga Biyacadde Primary And Secondary School
21/08/2025
4-TA QOF EE UGU SAREYSO DHIBCAHA Biyacadde Primary And Secondary School
KAALINTA 4-AAD WAXAA GALAY Farxiyo Cabdi Hassan HAMBALYO
Waxaad soo hooysay guul weyn.
20/08/2025
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
macallimiin sharfan, waalidiin qaaliga ah, bulshada Biyacadde oo dhan, iyo ardayda qiimaha badan,
Maanta waa maalin taariikhi ah oo farxad iyo guul ay isu biirsadeen. Waxaan halkan idiinka jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin dhab ah oo ku wajahan ardayda fasalka 8aad ee ku guuleystay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Guushiinna waa guusha waalidkiin, waa guusha macallimiintiinna, waana guusha guud ee bulshada Biyacadde.
Macallimiinta iyo waalidiinta waxaan uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo dulqaadkooda joogtada ah ee ay ku garab istaageen ubadka, halka bulshada inteeduna ay ka qeyb qaadatay dhiirigelinta iyo abaabulka. Taasi waxay caddayn u tahay in marka aan isku duubnaano aan gaari karno natiijooyin ka weyn sida aan filaynay.
Ardayda guuleysatay waxaan leeyahay: Hambalyo! Waxaa tihiin mustaqbalkii berrito, waxaa tihiin iftiinka deegaanka iyo iftiinka qaranka. Guushiinna maanta waa bilow safar dheer oo aqoon iyo halgan ah. Waxaa naga go’an inaan idin garab istaagno si aad u noqotaan hoggaamiyeyaal iyou aqoonyahanno mustaqbalka u ifiya dalka iyo dadkaba.
Ugu dambeyn, waxaan ku boorrinayaa ardayda aan weli galin heerkan inay ku dayanayaan walaalahooda guuleystay, ayna sii labanlaabaan dadaalka. Bulshadeenna Biyacadde waxaan ugu baaqayaa in aan sii xoojino taageerada waxbarashada, si ubadkeennu uga mid noqdaan iftiinka iyo hormuudka ummadda Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.
Maxamad Fiqi
Maamulaha Biyacadde Primary And Secondary School
Adigo gelinayo kaarkaaga ku dhifo link-gaan
20/08/2025
Guul inshllh
Mid kamid maalmihi wacnaa ee dugsiga Biyacadde Primary And Secondary School
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8yystPmuLFm&_r=1