18/06/2026
π TIJAABI NASIIBKAAGA OO KU GUULEYSO ABAALMARIN! π
Ma dareemaysaa inaad nasiib badan tahay? Hadda waa fursaddaada!
π Abaalmarinno kala duwan oo u dhexeeya 1β500 ayaa la bixinayaa.
Sida looga qayb galo: 1οΈβ£ Like saar bogga. 2οΈβ£ Comment ku qor lambarkaaga nasiibka (1β500). 3οΈβ£ Share garee post-kan.
π Guuleystayaasha waxaa lagu dooran doonaa si caddaalad ah, waxaana lagu shaacin doonaa bogga Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde.
β³ Ha seegin fursaddan β ka qayb gal hadda!
17/06/2026
π OGEYSIIS KU SOCDA ARDAYDA FASALKA 12-AAD EE SCHOOLKA SHEIKH HUSSEIN ADDE
Maamulka iyo Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde waxay ogeysiinayaan dhammaan ardayda fasalka 12-aad ee u fariisanaya Imtixaanka Qaranka 2025/2026 in la shaaciyey goobaha lagu galayo imtixaanka.
Si aad u hubiso goobta laguu asteeyey, fadlan booqo boggan oo geli xogta lagaa rabo
Waxaan dhammaan ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde idiin rajaynaynaa guul, dadaal, iyo natiijooyin aad u wanaagsan. Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idiin waafajiyo hamigiinna.
Dugsiyada iyo Xarumahooda Imtixaanka
15/06/2026
Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde wuxuu hambalyo iyo dhiirrigelin u dirayaa dhammaan ardayda maanta u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, gaar ahaan ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul, nasiib wacan, iyo natiijooyin aad u wanaagsan. Maanta waa maalintii aad miro ka guran lahaydeen dadaalkii, waqtigii, iyo aqoontii aad soo barateen. Ku kalsoonaada naftiinna, u jawaaba su'aalaha si deggan, hana muujisaan kartidiinna iyo dadaalkiinna.
Waxaan si gaar ah ugu kalsoonahay in ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde ay soo bandhigi doonaan anshax, dadaal, iyo aqoon wanaagsan, isla markaana ay sharaf u soo hoyn doonaan dugsigooda.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa maamulka dugsiga, macallimiinta, iyo waalidiinta dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta ardayda.
Alle (SWT) ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwa ku guulaysta natiijooyin heer sare ah.
Guul iyo guul kale ayaan idiin rajaynaynaa, gaar ahaan ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde. Ilaahay ha idin garab galo. π€²π
14/06/2026
Jowhar 14/06/2026
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay shaacineysaa Jadwalka imtixaanka maalinta koowaad.
Guul iyo Nasiib Wacan
Dhamaad
Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde
Sheikh Hussein Adde
13/06/2026
π FARIIN WACYIGELIN AH OO KU SOCOTA ARDAYDA FASALKA 8AAD π
Mustaqbalkaaga maanta ayuu ka bilaabmaa!
Ardayda qaaliga ah ee fasalka 8Aad, waxaa idin sugaya Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda. Waa fursad aad ku muujin kartaan dadaalkii iyo aqoontii aad soo barateen.
β
U diyaargarooba si qorsheysan. β
Ka fogow wax kasta oo waqtiga kaa luminaya. β
Ku kalsoonow naftaada, hana ka quusan. β
Ilaali akhlaaqda iyo anshaxa imtixaanka. β
Hurdo ku filan seexo, kuna dadaal dib-u-eegista casharrada.
Xusuusnow: Guushu ma timaaddo nasiib keliya, waxay timaaddaa dadaal, dulqaad iyo diyaar-garow.
"Maanta dadaal, berri guul."
Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo natiijooyin aad ku faantaan. Ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaanka. π€²π
Sheikh Hussein Adde
Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde
26/05/2026
ππ CIID MUBAARAK ππ
Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.
Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaarsiiyo ciidan teeda kale nabad, caafimaad iyo horumar. π€
β¨ Ciid Wanaagsan β¨
π Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde
π Waxbarasho β’ Midnimo β’ Horumar β’ Mustaqbal