Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus

Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus

Share

waa page-ka rasmiga ah Ee ururka Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam faraceeda jowhar, waxaad kala soco doontiin waxqabadka Ardayda

Photos from Zamzam University of Science and Technology - Jowhar Campus's post 05/03/2026
21/11/2025

𝟐𝟏-𝐤𝐚 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
GUDOONKA Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam University of Science and Technology WAXEEY HAMBALYO UDIRAYAAN DHAMMAAN MACALIMIINTA SOOMAALIYEED SI GAAR AH MACALIMIINTA JAAMACADDA Zamzam,
Macalinku waa jiheeye gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah, kana badbaadiya bulshadiisa mugdiga iyo Jahliga sidoo kale u horseeda ummadda baraare cilmi iyo aqoon heerkoodu sareyo.
𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗮𝗸𝗶 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝘁𝗶𝗶𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮, 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮 𝗮𝗿𝗱𝗮𝘆𝗴𝗮.
𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗸𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗿𝗶𝘆𝗼 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗼 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗻𝘀𝗮𝗯 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰 𝗹𝗲𝗵.
. كادالمعلم ان يكون رسو لا
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa dhamaan bahweeynta barayaasha Soomaliyeed meel walba oo aduunka kaga sugan yihiin.

Macalinka Soomaaliyeed waxa uu mar walba ahaa geedka kaliya ay heeysteen bulshada Soomaaliyeed sanadihii burburka iyo dagaalada dalkeena ka jireyn iyagoo waliba u dhabar adeegay waxbarista iyo badbaadintii carruurta Soomaaliyeed. Waayo baruhu waa tilmaamaha, taageeraha, toosiyaha & tusiyaha nolosheena.
Ugu dambayntii macalimiinta Soomaaliyeed waxaan u rajeyneeynaynaa barwaaqo iyo horumar waara insha Allaah.
______________________________________________
WAXII FAAH-FAAHIN AH KALA XIRIIR MADAXA WARFAAFINTA & XIRIIRKA Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus : Hassan Zahnuuni.

.

16/11/2025

Dhawaan jamaacada Zamzam faraceeda magaalada Jowhar waxaa ka dhici doonto Doorasha, oo aay ardayda ku doora doonaan hogaanka cusub oo Ee Midowga Ardayda wax ka barata jaamacada, iskuna xeri doono ardayda iyo maamulka Jaamacadda.
---------------------------------------------------------------------
WAXII FAAH-FAAHIN AH KALA XIRIIR MADAXA WARFAAFINTA MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA ZAMZAM: Hassan Zahnuuni



06/11/2025

Xafladdda qalinjebinta dufcadda 3aad Ee Jaamacadda Zamzam faraceeda magaalada Jowhar.


Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus,
Hassan Zahnuuni.

Photos from Zamzam University of Science and Technology's post 04/11/2025
04/11/2025

Waxa aan si rasmi u shaacineynaa in xafladda qallinjebinta fasalka 2025 la qabanaayo khamiis, 6 Nov 2025, waxa ayna ka dhaceysaa Fathi Hotel.
Waxa aan sugeynaa kasoo qeybgalkiina maalin aan si wadajir ah u xusi doono dadaalka, guulaha iyo mustaqbalka ifaya ee ardaydeenna qalinjabineysa.
📍 Venue: Fathi Hotel
📅 Date: 6 Nov 2025

Photos from Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus's post 20/10/2025

Ardayda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Zamzam faraceeda Jowhar, fasalka labaad ee General Nursing (Batch 4) iyo Public Health (Batch 3), ayaa maanta ka qayb galay tababar ku saabsan cabirka calaamadaha nolosha.
Tababarkaan oo qeyb ka ah barnaamijka gargaarka degdega ah iyo xirfadaha aasaasiga ah ee caafimaadka waxaa bixiyay Dr. Sharif Farah Mohamoud.

24/09/2025

WARGELIN
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda Jaamacadda Zamzam Jowhar-Campus in maalinta Sabtida ah, taariikhduna ku beegan tahay 27 September 2025, si rasmi ah dib loo furayo Jaamacadda, waxaana muhiim ah in ardaydu ay u diyaar garoobaan biloowga sanadka cusub ee waxbarasho.

Midowga Ardayda Jaamacadda Zamzam wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ardayda in ay si firfircoon uga qayb qaataan safarka aqooneed, islamarkaana ay muujiyaan dadaal iyo xilkasnimo si loo gaaro guulo waxbarasho iyo horumar mideeya dhammaan ardayda.
______________________________________________
WAXII FAAH-FAAHIN AH KALA XIRIIR MADAXA WARFAAFINTA MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA ZAMZAM: Hassan Zahnuuni


23/09/2025

Ardayda kuliyadda Culuumta beeraha Ee Jaamacadda Zamzam faraceeda Magaalada Jowhar ayaa soo bandhigay Tijaabo cilmi baaris oo ay ku sameyeen Dalaga Moxoga.

Ardayda ayaa in muddo ah ku howlnaa tijaabada dalagan oo ku cusub tacabkiisa Magaalada Jowhar.

Hassan Suxufi

20/07/2025

Thesis Defense Day Coming Soon Class of 2025

Want your school to be the top-listed School/college in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

City Street
Jowhar
JOWHAR,