Ileys Primary School

Ileys Primary School

Share

Aqoon la,aani waa iftiin la,aan

19/07/2026

World cup 2026
Ee Spain iyo Argentina
Ayaa caawa si habsami leh looga daawanaya xarunta dhexe e dugsiga hoose dhexe iyo sare ee ileys
Ileys primary school

08/06/2026

๐Ÿ† GABAGABADII TARTANKA AQOONTA DUGSIGA HOOSE IYO DHEXE EE ILEYS ๐Ÿ†
Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Tartankii Aqoonta ee isku dhafka ahaa ee u dhexeeyay fasallada Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Ileys, kaas oo soo socday muddo dhowr bilood ah, laguna soo bandhigay tartan aqooneed xiiso badan, dadaal iyo iskaashi ardayeed.
Markii la isku dhafay fasallada, ardaydu waxay u kala baxeen afar kooxood oo loogu magac daray Khulafaa'u Raashidiinta:
๐Ÿ”น Abuubakar Al-Saddiiq
๐Ÿ”น Cumar Binu Khadaab
๐Ÿ”น Cusmaan Binu Cafaan
๐Ÿ”น Cali Binu Abii Daalib
Kadib wareegyo badan oo adag iyo tartan aqooneed heer sare ah, waxaa ciyaarta k**a dambaysta ah (Final-ka) isugu soo haray kooxaha:
๐Ÿฅ‡ Abuubakar Al-Saddiiq
๐Ÿฅˆ Cali Binu Abii Daalib
Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay labada kooxood soo bandhigeen aqoon, feejignaan iyo tartan wanaag kadib, waxaa guusha qaaday kooxda Abuubakar Al-Saddiiq iyadoo natiijadu noqotay:
๐Ÿ“Š Abuubakar Al-Saddiiq: 22 dhibcood
๐Ÿ“Š Cali Binu Abii Daalib: 20 dhibcood
Natiijada guud: 2 โ€“ 0
Hambalyo kooxda Abuubakar Al-Saddiiq oo ku guuleysatay koobka tartanka aqoonta, sidoo kalena bogaadin gaar ah waxay mudan yihiin dhammaan kooxihii ka qaybgalay tartanka, macallimiinta soo agaasimay iyo maamulka dugsiga oo ka shaqeeyay hirgelinta tartankan qiimaha badan.
Aqoontu waa furaha horumarka, tartankuna waa kobcinta hibada iyo kartida ardayda.

19/04/2026

Ileys primary school
Hooyga Aqoonta iyo Xirfadaha degmada jalalaqsi

24/03/2026

SOOLAABASHO WACAN!

Dhammaan ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta Waxaa la ogeysiinayaa in dib loogu soo laabanayaa waxbarashadii dugsiga.
Fadlan aan la imaano diyaar-garow buuxa, anshax iyo nidaam, si waxbarashadu ugu bilaabato si habsami leh.

24/02/2026

โ€œQof kasta oo Ramadaanka u sooma si iimaan leh oo ajar Alle ka doonaya, wuxuu helayaa cafis iyo nadiifin dhan oo uu Rabbigiisu u yaboohay.

Ramadaanku waa fursad dahabi ah oo loogu soo noqdo Eebbe.
#ุฑูŽู…ูŽุถูŽุงู†

17/02/2026

Ramadan Mubarak ๐ŸŒ™
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Ileys Primary School waxay dhammaan ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeynayaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan idiin rajeynaynaa Ramadaan caafimaad, cibaado suuban, dambi dhaaf iyo barako badan leh. Alle ha inaga dhigo kuwii ka faaโ€™iideysta khayrka iyo ajarka badan ee bishan weyn.
Ramadan Kariim ๐ŸŒ™
Ileys Primary School

16/02/2026

Qeybo ka mid ah Ardayda Dhameysay Barashada Buuga 1aad iyo 2aad oo Galay Imtixanaadka Bugagta ay dhameyen
Dhaman waxan idin Rajeyneyna Natiijo Qurux badan insha allah
Ileys Primary School

04/02/2026

Waxaa si guul ah kusoo gabagaboobay tartankii aqooneed ee socday muddo 2 bilood ah, kaas oo ay ku wada tartamayeen dhammaan fasallada dugsiga hoose iyo dhexe ee Ileys Primary School.
Tartankan oo ay dhiirrigelisay maamulka iyo macallimiinta Iskuulka Ileys, isla markaana lahaa xiiso, xamaasad, madadaalo iyo abaalmarino qaali ah, ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleystay Fasalka 5aad, oo muujiyay dadaal, karti iyo aqoon sare muddadii uu socday tartanku.
Hambalyo Fasalka 5aad ๐Ÿ‘๐Ÿ“š

01/02/2026

Ileys Primary School โ€“ Degmada Jalalaqsi
Ileys waa iskuul diiradda saaraya kobcinta aqoonta, tayaynta waxbarashada, iyo horumarinta garaadka ardayda. Waxaan si gaar ah uga shaqeynaa madadaalo waxbarasho oo xul ah (educational activities) kuwaas oo kor u qaada fahamka, hal-abuurka, iyo kartida maskaxeed ee carruurta.
Iskuulka Ileys waxa uu abuuraa jawi ay carruurtu ku bartaan aqoon, edbin, iyo madadaalo isku dheelitiranโ€”si ay u noqdaan jiil maskax furan oo mustaqbal leh.
๐Ÿ“Œ Nagala soco & nala xiriir:
๐Ÿ”น TikTok: Ileysprimaryschool
๐Ÿ”น Facebook: Ileys Primary School
๐Ÿ”น Gmail: ileysprimarys
๐Ÿ”น WhatsApp: 619139013

Photos from Ileys Primary School's post 18/01/2026

Ileys Primary School wuxuu si weyn ugu hambalyeynayaa ardayda kaalinta 1aad ka galay fasaladooda.
Guushan waa natiijo ka dhalatay dadaal, adkaysi, iyo juhdi joogto ah.
Waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.
Ileys Primary School โ€“ Hoyga Aqoonta.
Ileys Primary School

Want your school to be the top-listed School/college in Jalalaqsi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Jalalaqsi
Jalalaqsi
252