31/08/2026
HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO QAABILAY ARDAYDA KAALIMAHA H**E KA GALAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA FASALKA 8-AAD
Baydhabo - 31, Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay ardayda kaalimaha h**e ka galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, kaas oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey ardayda ku guuleystay kaalmaha h**e, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, juhdigooda iyo sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaaleen Imtixaanka Shahaadiga ah.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegey in Dowladda Koonfur Galbeed ay ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka siinayso waxbarasho lacag laโaan ah, taas oo ay ku sii wadan doonaan waxbarashadooda ilaa ay ka dhammaystaan dugsiga sare.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dadaala waxbarashada, si loo dhiso jiil aqoon leh oo mustaqbalka hoggaamin kara dalkooda iyo dowladooda.
Qaabilaada ardayda Hogaamiyaha waxaa kala qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji (Jiidow), Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan (Laamey) iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.
โโโ
"DHAMMAAD"
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo taclinta sare ee DKGS.
Abdimalik Mohamed