Madarasada Ahlu Quraan Online 24

Madarasada Ahlu Quraan Online 24

Share

00252634434521 whatsapp & vipar

18/12/2025

Qiso Gabadh walaalaaha ka mida ah ayaa ka warantay
Qisadan ku saabsan Mucjisooyinka Istighfaarta iyo Salliga Nabiga (NNKH)
Guur, Uur, Shaqo heer sare ah, iyo Isbadal Guriga
Qisadan ku saabsan dikriga waxay bilaabatay sannadkii h**e, markaan bartay fadliga uu leeyahay istighfaarku. Waxaan bilaabay inaan istighfaar sameeyo anigoo aan tirinayn, marmarka qaar waxaan gaari jiray 15 kun oo goor, marmarka qaarna way ka badnaan jirtay – Alle ayaa ku mahadsan.
Ilaahay baan ku dhaartaye, waxaan noqday qof gabi ahaanba isbeddelay; waxaan noqday qof faraxsan oo dadka dhex gala ka dib markii aan ahaa qof isku dhex xiran oo dadka ka fogaada. Waxaan dareemay raaxo layaab leh, dhammaan walwalkaygiina gadaal ayaan ka tuuray, habayna weeye inaan ka fikiro. Waxaa la iga aqbalay heerka labaad ee jaamacadda (Master-ka) inkastoo natiijadayda h**e ay xoogaa daciif ahayd. Alle ayaa mahad leh.
Ka dib istighfaarka, waxaan ku daray Salliga Nabiga (NNKH), Ilaahay baan ku dhaartaye waa mucjiso! Waxaan walaashay ugu duceeyay farac suubban, Rabbina wuu u deeqay afar bilood ka dib uur bay qaadday, Alle ayaa mahad leh.
Walaashayda kale waxaan ugu duceeyay nin saalax ah, Ilaaha weyn baan ku dhaartaye waxaa soo doonay qof sidii ay rabtay iyo ka sii fiican ah. Sidoo kale, walaalkay oo muddo shan sano ah ka qalin-jabiyay jaamacadda oo aan shaqo haysan, Ilaahay wuxuu ku sharfay shaqo uusan waligii nolosha ku xisaabtamin.
Yiraahda (Maansha-Allaah), wali ma dhammaane:
Muddo toddobo sano ah ayaan rabnay inaan guriga beddelno balse xaaladda ayaa noo saamaxmi weyday. Ilaahay ayaan ka baryay inuu dhibka naga qaado oo na arzaaqo si aan guriga u beddelno; Ilaahay baan ku dhaartaye bishii h**e ayaan gurigii beddelnay, Alxamdulillaah.
Ugu dambayn, riyo aanan sheegi karin oo aan sugayay fulinteeda muddo 14 sano ah, Ilaahayga aan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo isaga mooyee, waxay u fulisay sidii aan u rabay. Alxamdulillaah, Alxamdulillaah, Alxamdulillaah, mahad badan oo barakaysan.
Haddaad Qiso hayso Adiga Ah noo soo dir. +252633433327
0633433327

12/12/2025
12/12/2025

macalinfarxaan Quran online WhatsApp +252634434521

21/09/2025

Macallinki Caqli badana

16/02/2024

Fadliga Tasbiixda hurada kahor

26/12/2022

Ma taaban kartaa haweeneyda caadada Qabtaa Qur'aanka taleefanka
Ku jira

08/03/2022

Xifdinta Quraanka Nala baro akhrinta saxda ah (Suuradda Al-Falaq)

14/02/2022

تحفيظ القرآن للأطفال الصغار
Xifdinta Quraanka ee carruurta iyadoo lagu celcelinayo Suuradda An-Nas https://youtu.be/5Dv5v8LvMbE

19/10/2021

Madarasada Ahlu Quraan Online 24
Subscribe dheh kanaalka barashada quraanka
https://youtu.be/KqoxTtVmv48
Madarasada Ahlu Quraan Online 24 CALL US FOR MORE INFORMATION, 0016147540641 / VIBER&WHATSAPP 00252634434521
waa machad online ah oo aad ka barankarto meel walba oo aad aduunka ka joogtid
xifdinta qur’aanka oo tajwiid laguugu dhigaayo iyo dhamaan kutubta shareecada islaamka waxana laguu dhigayaa saacada aad jaaniska
leedahay habeen iyo maalinba adoo gurigaaga jooga ama xafiiskaaga
Duruusta machadka lagu dhigtaa waa sidan
1= xifdinta qur’aanka oo tajwiid laguugu dhigaayo
2= barashada akhrinta iyo qorista carabiga
3=tafsiirka qur’aanka
4= salaada iyo axkaamteeda
5= luuqada carabiga
6= axaadiista rasulka scw iyo caqiidada
7= ducooyinka iyo tarbiyada islaamka hada wac VIBER&WHATSAPP00252634434521

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Waadi Alkhayr
Hargeysa
002526