Qoys-Kaab

Qoys-Kaab

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qoys-Kaab, Academic camp, Airport roud, Hargeysa.

Qoys -Kaab Academic waa xarun loogu tala galay barashada arrimaha qoyska, si loo helo nolol deggen oo dareen farxadeed iyo xasillooni waarta wadata, sidoo kale waa xarunta tobobarrada arrimaha qoyska Qoys-Kaab Academic waa xarun u taagan u hiilinta iyo hagaajinta qoysaska Muslimka ah, tobobaridda dhalinyarada aan wali guursan iyo talo bixinta amuuraha qoyska,

06/04/2022
28/01/2020

Haddii Alle yıdhaa waa innoo Caawa 8deeda. Mawduuc muhiima ayaan ka hadli doonnaa. Live ayaan ku soo galaynaa

24/01/2020

Dharaartii Dheemanta ahayd!!

Ka socota Q😍😍😍albi
Kuna socota Q😍😍😍albi

Haa! waa dharaar dahabiya innaga xaggeena, xaqiiq waa dahabi, oo waa dheeman, waa dharaar aad u qaali ah, oo aanan garanahayn wax alla wax aan ku masaalo oo aan ahayn dharaar tii Dheemanta ahayd.

"Ma waxa aad hooyo odhanaysaa carruur aanan anigu aabbo u noqon!!"

Waa weedhii ibo furka u noqotay barashadeenna. Waa weedha sabab u noqotay xidhiidhka qiimaha badan, ee dhabta ah ee innaga dhexeeya.

Maalin bilan oo boqran ayay ahayd, maalin qurux badan ayay ahayd, maalin gun dhig u ah wada jirka iyo xidhiidhka lammaane nimo ee aynu ku naaloonayno ayay ahayd.

Maalintan waxa ay sabab u noqotay midaynta qalbiyo daacad ah, qalbiyo khiyaano iyo xumaan ka maydhan, qalbiyo aan maalintan hortood cidi la soo wadaagin xidhiidh iyo sheeko toona.

Bilawgii aragtideenna waynnu iska helnay oo waynagii isku dhaygagnay mid walibana isaga oo ka kale u qushuucsan qalbigiisa inta uu la hadlay ku yidhi " Qofkani waa qoyfkaygii"

Maalintan ayaan barannay jacayl, jacaylka dhabta ah, maalintan ayaan helnay kolsooni , maalintan ayaan helnay lahaansho qalbiyeed. Qalbigayga ayaan maalintaa ku siiyay adna kaaga ayaad isiisay.

Maalintani wanaagsanaa, oo wanaag badanaa Alllihii malintaa nasiiyoow adiga ayaan ku leenahay waa mahaddaa.

24/01/2010. Axad, 10:30AM waxa ay ahayd barqo ka duwan barqooyinkii h**e, sidii caadada ahayd ayaan hawl maalmeedkeennii iska wadannay, si kadis ah ayaad ii soo wacday, telka markii aan kaa qabtay way nagii is bariidinnay, innaga oo is rabna balse aan waxba isu sheegan ee qalbiyada ku kala haysta.

Waxa sabab innoo noqday carruutii iga ag hadlaysay, kadibna waxa Alle innagu caawiyay hadalkii uu kaa soo saaray ee ahaa, " caruurtan kaa ag hadlaysaa waa'ayo".? "Waa ciyaalkaygii"
"Ma waxa aad hooyo odhanaysaa carruur anan anigu abbo u noqon"?

Samada ayaa furnayde Alle ayaa innoo aqbalay hadalkaa.

Isla galabnimadii maalintaas 24/01/2010. 4tii iyo dheeraad, ayuu Alle hirgaliyay kulankeennii koowad ee aan isugu soo bandhignay dareenkeenna dhabtah ah.
Alle ayaa mahadleh. maalinkas ayuu bilaabmay xidhiidhkeennu.

Malintaas qiimaha badan ee qalbiyadeenna qaadirku ku qoray waxa ka soo wareegay, Toban gu' ( 10 sanno)

Inkasta oo aynnu soo marnay waayo iyo xilliyo kala duwan oo midiba sideeda u adkayd, dharaaruhu inna kala fogeeyeen, haddana qalbiyada midaysan, qaadirkood hadday kaalmo way diistaan hubaal waa ku wii is hela.

Istikhaaradii aan tukannay, Alle barigii joogtada ahaa iyo tawfiiqda Rabbii ayaynnu ku noqonnay lammaane dib isu calfada oo Alle noloshoodi iyo farxaddoodi u rumeeyay.

Jacaylka dhabtii ma wiiqmo
Daruufaha kuma dhantaalmo
Intuu dhicisoobo goorna
Dharaar xumi doorin mayso

Dhibaato hadday haleesho
Dabiib dhakhtaroo daweeya
Ma waayo dhabtii jacaylku

Innana dhaawacii asiibay
Kalsoonidii noo dhaxaysay
Wakhtaa dhayay oo ilownay
Ahaanay lammaane dhawrsan
Mataano is dhaarsadoo
Naftiyo dhuuxaba wadaaga

Jacaylki dhexdeenna yaaley
Mar kale dhidibnoo adkaynay
Dhisnoo aqal wayn u taagnay
Dhalnoo ku ildoogsigooda
Dhallaankeennii jaleecnay
Dhaayaha saarnoo qushuucnay

Tagtadu maalinkay dhammato
Dharaarta danbe qiyaame
Rabboow dambigeenna dhaafo
Jannada dhex dabbaalannaa

Xasan Hanad waxa aad tahay halyay rabbi samada iiga dooray. Waan kugu xamdiyayaa ee Xaakim ha isu keen xafido.
Rafiiqii Fil jannah. 😍😍Saaxiibkaygii Jannada😍😍

Nada Yuusuf Cumar
Qoys-Kaab

18/01/2020

Dhammaan intii ku xidhnayd casharradii aan ka bixinjiray groupka Hargeisa iyo Hablo, waxa aan casharadii ka bilaabayaa page ka aan Facebook ku leeyhaay ee Qoys-Kaab haddii Alle ydihaa.

Caawa waxa aan ka hadlayaa sida ahdaafta nololeed loo qorsheeyo. Waa innoo 8:00pm habeennimo haddii Alle ydihaa.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Airport Roud
Hargeysa
448855