Dugsiga Hoose/Dhexe Sheekh Yuusuf Al-kowneyn

Dugsiga Hoose/Dhexe Sheekh Yuusuf Al-kowneyn Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee dhisidda bulshadda iyo horumarinta aqoonta jiilka soo socda.

๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ/๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฆ๐—›๐—˜๐—˜๐—ž๐—› ๐—ฌ๐—จ๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—™ ๐—”๐—น-๐—ž๐—ข๐—ช๐—ก๐—”๐—ฌ๐—ก ๐˜„๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ถ ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ iyo ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ถ...
22/03/2026

๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ/๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฆ๐—›๐—˜๐—˜๐—ž๐—› ๐—ฌ๐—จ๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—™ ๐—”๐—น-๐—ž๐—ข๐—ช๐—ก๐—”๐—ฌ๐—ก ๐˜„๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ถ ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ iyo ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑd๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ถ ah ๐Ÿฎ๐Ÿด-๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ-๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ.

๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑd๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ.

FASAX!Salaadda roob-doonta ee berri dalka laga oogayo awgeed, waa fasax dugsigu, berri oo bishu tahay 22.02.2026, Axad.
21/02/2026

FASAX!

Salaadda roob-doonta ee berri dalka laga oogayo awgeed, waa fasax dugsigu, berri oo bishu tahay 22.02.2026, Axad.

Waxaa si rasmi ah u ibo-furmi doona bisha barakeysan ee Ramadaan tartan aqooneedkii dugsiga, kaas oo ardaydu ku muujin d...
15/02/2026

Waxaa si rasmi ah u ibo-furmi doona bisha barakeysan ee Ramadaan tartan aqooneedkii dugsiga, kaas oo ardaydu ku muujin doonaan aqoontooda iyo heerka ay waxbarashadda ka joogaan.
Tartan aqooneedku waa mid ka qayb qaata horumarinta aqoonta ardayda, kobcinta kartidooda iyo dhiirrigelinta tartan caafimaad qaba oo aqooneed.
Maamulka dugsiga oo uu hormuud ka yahay Khaalid Cabdiraxmaan Muxumed, Khaalid Shaacir ayaa lahaa qorshaha hirgelinta tartan aqooneed heer sare ah oo ka bilaabma dugsiga, kaas oo lagu maamuli doono hab System casri ah si loo hubiyo hufnaan, caddaalad iyo tayo tartan.

" Marka aad ogaataan yoolashiinna, u bixiya dadaalkiinna sidii aad u baran lahaydeen jidka ugu sahlan, uguna degdega bad...
06/02/2026

" Marka aad ogaataan yoolashiinna, u bixiya dadaalkiinna sidii aad u baran lahaydeen jidka ugu sahlan, uguna degdega badan ee aad ku gaadhaysaan yoolashan."

๐——๐—จ๐—š๐—ฆ๐—œ๐—š๐—จ ๐—•๐—˜๐—ฅ๐—œ ๐—ช๐—”๐—” ๐—™๐—”๐—ฆ๐—”๐—ซ  [ 17/02/206, Sabti ] 27 Rajab 1447 H.๐€๐ฅ-๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐š ๐–๐š๐ฅ-๐Œ๐ข๐œ๐ซ๐š๐š๐ฃ____________________Quraanku wuxuu tilm...
16/01/2026

๐——๐—จ๐—š๐—ฆ๐—œ๐—š๐—จ ๐—•๐—˜๐—ฅ๐—œ ๐—ช๐—”๐—” ๐—™๐—”๐—ฆ๐—”๐—ซ [ 17/02/206, Sabti ] 27 Rajab 1447 H.

๐€๐ฅ-๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐š ๐–๐š๐ฅ-๐Œ๐ข๐œ๐ซ๐š๐š๐ฃ
____________________

Quraanku wuxuu tilmaamay safar cajiib ah oo uu Nebigeennu ๏ทบ ku baxay habeen mugdi ah, safar-kaasoo lagu magacaabo Al-Israa Wal-Micraaj. Aayaddan Qurโ€™aanka ah ayaa si cad uga hadashay dhacdadan:

ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽ ุงู„ูŽู‘ุฐููŠ ุฃูŽุณู’ุฑูŽู‰ ุจูุนูŽุจู’ุฏูู‡ู ู„ูŽูŠู’ู„ู‹ุง ู…ูู†ูŽ ุงู„ู’ู…ูŽุณู’ุฌูุฏู ุงู„ู’ุญูŽุฑูŽุงู…ู ุฅูู„ูŽู‰ ุงู„ู’ู…ูŽุณู’ุฌูุฏู ุงู„ู’ุฃูŽู‚ู’ุตูŽู‰ุŒ ุงู„ูŽู‘ุฐููŠ ุจูŽุงุฑูŽูƒู’ู†ูŽุง ุญูŽูˆู’ู„ูŽู‡ูุŒ ู„ูู†ูุฑููŠูŽู‡ู ู…ูู†ู’ ุขูŠูŽุงุชูู†ูŽุง ุฅูู†ูŽู‘ู‡ู ู‡ููˆูŽ ุงู„ุณูŽู‘ู…ููŠุนู ุงู„ู’ุจูŽุตููŠุฑู

Dhacdadan waa mid ka mid ah mucjisooyinka waaweyn ee u gaarka ah Nebi Muhammed ๏ทบ. Waxaana ku jira laba safar oo muhiim ah:

1. Al-Israa: Nebigu ๏ทบ waxaa laga qaaday Masjidka Xaramka (Makka) illaa Masjidka Al-Aqsaa (Qudus) habeen qudha.

2. Al-Micraaj: Safar kale oo cajiib ah oo uu ku gaadhay sammadda sare, halkaas oo uu la kulmay Malaa'igta, lana tusay Jannadda iyo Naarta, ugu dambeynna uu la kulmay Allah oo uu ka helay hadiyadda Salaadaha shanta ah ee waajibka ah.

๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐š๐๐š ๐š๐ฒ๐ง๐ฎ ๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก:

โ€”Waa xasuusin ku saabsan awoodda Rabbi iyo qiimaha gaarka ah ee Nebi Muxammed ๏ทบ lahaa.

โ€” In Salaadda oo ah mid ka mid ah tiirarka Islaamka, ay ku timid dhacdadan barakaysan, taasoo muujinaysa muhiimaddeeda.

โ€”Barakada dhulka ku xeeran Masjidka Al-Aqsaa waxayna ina xasuusinaysaa muhiimada iyo xurmaynta uu leeyahay dhulka barakaysan ee Falastiin.

_______________________________________________
Allaah ha inagu sugo diinta, hana ina waafajiyo in aynu ku dayanno Nebigeennii suubanaa ๏ทบ.

Waxaad tihiin mustaqbalka dalkiinna iyo rajada berri. Waxbarashadu waa furaha guusha, waana iftiinka nolosha.  Ku dadaal...
02/01/2026

Waxaad tihiin mustaqbalka dalkiinna iyo rajada berri. Waxbarashadu waa furaha guusha, waana iftiinka nolosha. Ku dadaala barashada cilmiga, edebta, iyo akhlaaqda wanaagsan, maxaa yeelay saddexdaas ayaa idin gaadhsiin doona horumar iyo sharaf.
Ha ka cabsanina caqabadaha; dadaal, samir, iyo is-aaminaad ayaa ka adkaan kara wax kasta. Maalin kasta oo aad wax barato waa tallaabo aad u qaadday guul weyn. Ku ixtiraama macallimiintiinna, is-caawiya saaxiibbadiinna, kana faaโ€™iidaysta waqtigiinna. Ku riyooda riyooyin waaweyn, kuna shaqeeya si dhab ah. Ilaahay ha idin waafajiyo cilmiga, hana idinka dhigo arday tusaale u ah bulshadeenna.

"๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—ฌ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ณ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐˜„"Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bahda isku duuban ee Dugsiga faca weyn ee ...
02/01/2026

"๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—ฌ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ณ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐˜„"

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bahda isku duuban ee Dugsiga faca weyn ee ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—ฌ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ณ in Sabtida, ๐ŸŽ๐Ÿ‘/๐ŸŽ๐Ÿ/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, dib loogu soo noqonaayo dugsiga Idamka Alle.
Alle ha inoo barakeeyo bilowga cusub, hana naga dhigo kuwo aqoon iyo anshax ku suntan.

31/12/2025

โœจ Hambalyo Sanadka Cusub 2026 โœจ

Maamulka iyo macalimiinta Dugsigu waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda ,waalidiinta iyo umadda muslinka ah oo dhan meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan idiin rajeyneynaa sanadkan cusub nabad, caafimaad, horumar, midnimo iyo guulo waaweyn. Waad ku mahadsan tihiin dedaalka waxbarasho ee sanadkaa tagay aad beerateen.

Sanadka 2026 ha noqdo mid dedaalkaa,tacabkii aad barbilowgiisii aan unkateen aad ka dhabeysaan.

Sannad Wacan โ€“ Hambalyo 2026

09/12/2025

KALKA KOOWAAD
Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž/๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐€๐ฅ-๐ค๐จ๐ฐ๐ง๐ž๐ฒ๐ง imtixaanka Kalka 1aad ee Sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Munaasabadda daahfurka waxaa sharaf noo ahayd in uu furitaanka hoggaamiyo Maamulaha dugsiga Khaalid Shaacir, oo ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaalkii ay soo sameeyeen, ayna la yimaadaan niyad, xasillooni iyo dulqaad.

Maamule Khaalid wuxuu carrabka ku adkeeyay in imtixaanku yahay midhihii dadaalka, waana masrax uu ardaygu ku iftiimin karo aqoontiisa, muujin karana hufnaanta kartidiisa dhabta ah.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan ardayda dugsiga guul, iftiin iyo horumar!

"๐‘ซ๐‘จ๐‘ซ ๐‘ณ๐‘จ ๐‘ซ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘บ๐‘จ๐‘จ ๐‘ซ๐‘จ๐‘ณ๐‘ฒ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ซ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘บ๐‘จ"

Maanta oo bisha milaadigu ay tahay 09/12/2025,  bisha hijriga ahna ay t๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ูกูจ-ูฆ-ูกูคูคูง ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ฎlaasa  ๐—ฎ๐—ต waxa si toos ah...
09/12/2025

Maanta oo bisha milaadigu ay tahay 09/12/2025, bisha hijriga ahna ay t๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ูกูจ-ูฆ-ูกูคูคูง ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ฎlaasa ๐—ฎ๐—ต waxa si toos ah uga billaabmay dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kowneyn guud ahaan imtixaankii kalka 1aad ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Dhammaan ardayda waxa aanu u rajeynaynaa guul iyo in Illaahay imtixaanka u fududeeyo.

Address

Road No.1
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dugsiga Hoose/Dhexe Sheekh Yuusuf Al-kowneyn posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category