Mohamed Ali Kaahin - Casiir

Mohamed Ali Kaahin -  Casiir

Share

Maareeye.Com Wuxa Uu Idiin Soo Bandhigi Doonaa Maqaalo,Faalooyin Ku Saabsan Waxyaabaha Ka Dhacaya Qaaradda Africa Iyo Adduunka Intiisa Kalaba.

15/02/2017
15/02/2017

Saamaynta Saldhiga Berbera ee UAE la siiyey.

12/01/2017

Waayaha aduunka

Ninba waxa uu jiray 75sano waxaanu uxisabiyay sidan.
Waxa uu noolaa (27375)maalmood
Waxa uu hurday maalinwalba 8sacadood
Waxay noqotay(9125)maalmod=25sano
Waxa uu soo jeday (18250)=50sano
Bal adiguna is xisaabi oo aynu kafaidaysano wakhtiga yar ee aynu haysano
Source.unknown lkn buugayga note ayan kahelay oo an kuqoray laba sano kahor.

11/01/2017

Baro magacyada maalmaha soomaliga ah
1.Sooroga =sabti
2.Koobin = axad
3.Lammin = isniin
4.Lamotoka =salaasa
5.Koodaar =arbaca
6.Hakisa = khamiis
7.Hakis_bila= jimce
F.g magacyada maalmaha ee afsomaliga ah waxa cilmi badhis kusameyay xasan shekh mumin waxanu dodo kulamoba layeeshay aqoonyahano canfar iyo oromo ah waxaana ka xaqiijiyay boobe yusuf ducale waxan kasoo xigatay buuga xili tirsiga soomalida ee uu qoray mxamed axmed badal

Photos 16/03/2016

Talooyinkii Sh.Caa’idul Qarni
1. Ku qaado wakhtigaaga camal suuban digri, tilaawa, xifdi, wax akhris, safar ama wax qorid.
2. Wixii dhacay ee h**e inaad ka fikirto waa doqoniimo, waa sidii laba dhagax oo is ridqaya iyo kuwa dhintay oo quboorohoodii laga soo saarayo.
3. Booqo dhakhtarada si aad u ogaato nimcada caafimaadka, booqo jeelka si aad u ogaato nimcada xoriyadda, booqo cilaajyada si aad u ogaato nimcada caqliga waayo adigu waxaad ku jirtaa nimcooyin aanad ogayn.
4. Ha noqon sida duqsiga oo kale kuma dhaco illaa boogaha dushooda mooyee waxaan kaaga digayaa inaad u dhacdo sharafta dadka iyo inaad xumaantooda sheeg-sheegto iyo inaad ku faraxdo turunturooyinka isla markaana aad raadiso siibashooyinka bani aadamka.
5. Muuminka k**a murugoodo adduunyada markay tagto kumana hamiyo iyada k**ana cabsado dhibaatooyinkeeda maxaa yeelay waa mid suulaysa waana wax liita oo dhamaanaysa.
6. Ka tag cishqiga, qaraamaadka iyo jacaylka xaaraanta ah maxaa yeelay cadaab buu ku yahay ruuxd iyo xanuun qalbiga u argagax xaga ilaahay digrigiisa iyo daacadiisaba
7. Indhaha oo lagu sii daayo xaaraanta waxay dhaxalsiisaa war war iyo murugo iyo dhaacac qalbiga ah qofka liibaanay waa qofka indhihiisa laabta rabina ka cabsa S.W
8. Ku dedaal sadaqada haba yaraatee maxaa yeelay qofkay ka bakhtiiisaa danbiyada qalbigana farxad bay galisaa werwerkana way bi’isaa risiqana way kordhisaa
9. Waxaad ka yeeshaa kaad ku dayanayso iimaamkii muxamed ahaa N.N.K.H maxaa yeelay waa hogaamiyaha liibaanta, tusaha guusha iyo hanuuniyaha xaga badbaadada iyo liibaanta.
10. Risiq xalaal ah shaqayso xaaraanta ka tag kana fogow su’aasha dadka, baayac mushtarkaana ka wanaagsan shaqada maalkaagana ku gacanso noloshaadana dhexdhexaad ka dhig.
11. Ha cadhoonin waayo cadhadu waxay fasahaadisaa akhlaaqadda dhaqanka wanaagsana way badashaa jacaylkana way fasahaadisaa xidhiidhkana way goysaa
12. Qalbigaaga ka daahiri xasadka kana nadiifi xiqdiga cadaawadana ka saar cadhana ha u ogolaanin.
13. Cidna mahadnaq ha ka sugin waxa kugu filan sawaabka ilaahay kuma saarna qof dafiray oo xiqdiyay ama xaasiday.
14. Alla shibmirow liibaan baa kuu sugnaatay wabigaad ku arooraysaa geedaha ayaad iska dul degaysaa midhaha ayaad iska cunaysaa khatarna ma filnaysid saqarana ma maraysid adaa ka liibaan badan in badan oo basharka ah.
15. Ayaamaha waxaa kuugu fadli badan maalintaad siyaadsato cilmi,faham, danbi aad ka joogsato, samirna kuu siyaado.
16. Noloshu waa farxad mana garanaysid ilaa ay kaa tagto caafimaadkuna waa taaj saran madaxyada dadka caafimaadka qaba mana garanaysid illaa aad xanuusato.
17. Ku raaxayso eegmada waaga barigiisa waxa ku sugan qurux iftiin iyo yididiilo.

Untitled album 16/03/2016
Untitled album 02/03/2016

qiso xikmad xanbaarsan oo u baahan in la fahmo..
Shimbirka galeyrka waxaa uu noolaadaa 70 sano.
Marka uu gaaro 40 sano ayuu qaata laba go'aan midkood, kan h**e inuu waajaho wadka uu dhinto, mida labaad inuu ku dhaqaaqo talaabo si uu u noolaado 30-ka sano ee u hartey, subxaanalaah Ilaahayoow adaa abuurtey makhluuqaad waxaa saaran koonka adaana u sahla hab ay u nool yihin.
Hadaba muxuu sameeyaa.
** wuu duulaa, waxaa uu fuulaa buurta fiinta sare waxaa uu galaa 150 casho oo is baddel dhib ah, marka h**e waxaa uu iska jabiyaa afka dheer, marka uu jabiyo kadib, waxaa u soo baxa af yar oo qurxoon oo af-leh.
** waxaa uu hadana iska bixiya cidiyaha dhaman wuu sugaa inta ay uga soo baxayaan, waxa u soo baxa cidiyo afleh oo uu wax ku qabsan karo.
** kadib waxaa uu usoo jeestaa garbaha waaweyn, baalasha wuu iska tifaaa waxaa u soo baxa baalal fudud culeyska ayaa ka yaraada. Waxeey ku qaadataa mudadaas 5 bilood.
Kadib ayuu hawada sare soo galaa asaga oo aad moodid inuu hada dhashey!. Subxaanalah
xikmadda sheekadu wa samee isbaddal xataa hadi uu dhib yahey XIGASHO ABDIRAHMAN ALI

Untitled album 10/02/2015

Kubar baari ubadkaaga akhriska si ay hadhaw ula qabsadaan islamrkaana ay dhaqan iyo caado unoqoto waana fursad aad siisay ilmahaaga .

Photos 09/02/2015

Biyaha maskaxdaadu waa akhriska

Untitled album 09/02/2015

jacaylka akhriska waxa uu kamidyahay wax yaabaha la jeclaado kuwa ugu qiimaha badan!!!

09/02/2015

Akhriskaaaga guul ka gaadh
hawl kasta oo aduunyada laqabanayaa waxay leedahay hab iyo nidaam loo qabto sidaa awgeed akhriskuna waxa uu kamid yahay hawlaasi,sidaa awgeed waa inaad usamaysaa jadwal iyo waqti islamarkaana aad ogaataa oo aad qeexdaa ujedada aad kaledahay iyo hiigsiga aad rabto si uu xiiso iyofa idaba uyeeesho.

Untitled album 26/01/2015

Waamaxay akhris wadareed?
Guud ahaanba akhrisku waa nolol aad uwanaagsan,oojawi macaan iyo ray-raynba leh .waana nonol farxad iyo naruuraba leh iyadoona daerrnkaagu ku xidhan yahay hadba nooca qoraal ee aad akhrinayso sida ,sheeko xanuun badan oo waayeheega le iyomid farxad iyo jacayl ka sheekaynaysa .taa badal keeda hadba dareen kaagu waxa uu ku xidhan yahay waxaad akhrinayso .akhriska la akhrinayo bugaag kalduwan oo faa iido leh waa saxibka ugu fican dunida oo aad lawadaagayso aqoon iyo waayo aragnimo waana balwad fiicn hadii aad la qabsato
waxaanad arkaysaa mararka qaar kood adigoo u hiloobaya buug aad maqashay iyadona ku xidhan hadba siday fariinta maqalka buugu kugu soo gaadho.
Hadaba akhris wadareed ku muxuu kaga duwan yahay ka shakhsiga ah????
wuxu kaga duwan yahay waa mid ay akhris tayaal kaladuwani ay kuwadaagayaan akhriska iyo waayaha ayksaoo heleen buugag kalduwan iyadoo mid kastaa usoo bandhigayo waxyaabaha uu ku arkay buugaasi isagoo si guud mara mid waliba usoo kobaya waxyaaba uu koob saday buugu iyo faa idoyinka uu ku dhex arkay taasina waxay kenaysaa inaad si fudud go aan uga gaadhid buugaasi laguu so kooabay adigoo ku lumin lahaa waqti badan. si kale hadaynu udhigno waa akhris uusameyay walaalkaa/walaashaa oo ay uga faa idaynayaan inta kale ee goobta ku sugan waana hab aad u wanaasan haddi ay is helaaan dadka isku balwada ah/ akhristayaasha ah amma jecel is lamar kaana ay kusoo bandhigi karaan awooda akhris ee ay sameeyeen laakin waxaa laakin waa mid ku yar bulshadeena inta is ku daydaana ay khaati katagan yihiin wax yaabo inoo caado ah oo marka laysku yimaado sheeko iyo kaftan gundaha lays daro waana marka mudo yar la joogo ee ay isla qabsadaan waana dhibaatoyinka hortaagan akhris wadareedka .taa badal keedana in laysku yimaadaana kulan akhriskubilaab mo ayaa iyana waqti qaadata si kasta ha ahaatee waa qodob muhiima oo u baahan in xooga lasaaro.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Hargeisa