๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐‘ป๐’†๐’‚๐’„๐’‰๐’†๐’“ ๐‘ป๐’“๐’‚๐’Š๐’๐’Š๐’๐’ˆ ๐‘ช๐’๐’๐’๐’†๐’ˆ๐’† ๐‘ต๐‘ป๐‘ป๐‘ช

  • Home
  • Somalia
  • Hargeisa
  • ๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐‘ป๐’†๐’‚๐’„๐’‰๐’†๐’“ ๐‘ป๐’“๐’‚๐’Š๐’๐’Š๐’๐’ˆ ๐‘ช๐’๐’๐’๐’†๐’ˆ๐’† ๐‘ต๐‘ป๐‘ป๐‘ช

๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐‘ป๐’†๐’‚๐’„๐’‰๐’†๐’“ ๐‘ป๐’“๐’‚๐’Š๐’๐’Š๐’๐’ˆ ๐‘ช๐’๐’๐’๐’†๐’ˆ๐’† ๐‘ต๐‘ป๐‘ป๐‘ช ๐‘ฉ๐’๐’ˆ๐’ˆ๐’‚ ๐‘น๐’‚๐’”๐’Ž๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’‰ ๐‘ฌ๐’† ๐‘ด๐’‚๐’„๐’‰๐’‚๐’…๐’Œ๐’‚ ๐‘ป๐’๐’ƒ๐’‚๐’ƒ๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’„๐’๐’๐’Š๐’Ž๐’Š๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ธ๐’‚๐’“๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฑ๐‘บ๐‘ณ

Xafladda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyadeedka 2025-2026 ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhex...
24/08/2026

Xafladda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyadeedka 2025-2026 ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasallada afraad ee dugsiga sare ayaa maalinta berri ah ee ay taariikhdu tahay 25 August 2026, si rasmi ah lagaga dhawaaqi doonaa xarunta xafiiska imtixaanaadka Qaranka ee gobollada Bari ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

23/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa guddoomiyey shir lagu qabtay xafiiskiisa kaas oo lagu soo Bandhiggay Natiijada Qiimaynta Maamul-daadejinta Waxbarashada ee Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

22/08/2026

Khudbaddii Agaasimaha Waaxda Tabobarka Macallimiinta ee wasaaradda waxbarashada JSL, Nasra Axmed Aadan maanta ka jeedisay munaasibadda Qalin-jabinta 48 Maamule, kuwaas oo dhammaystay tabobar muddo hal sano ah soo socday.

22/08/2026

Khudbadda Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Galleydh uu u jeediyay Maamulayaasha dhammastay tababarka.

22/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐–๐–๐&๐’ ๐‰๐’๐‹ ๐Ž๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐ ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง ๐€๐ก ๐Ž๐จ ๐‹๐จ๐จ ๐๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐Ÿ’๐Ÿ– ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ž ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Galleydh, oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada, masuuliyiin ka tirsan hay'adda Pharo Foundation iyo madaxda Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta ka qayb-galay xaflad qalin-jabin ah oo loo qabtay 48 maamule oo ka tirsan maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee Hargeysa.

Maamulayaashan oo muddo hal sano ah tabobar ku qaadanayey xarunta guud ee Jaamacadda Hargeysa ayaa lagu tabobaray hannaanka toolmoon ee maamulka dugsigada hoose dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay iska kaashadeen hirgelintiisa Wasaaradda Waxbarashada iyo hayโ€™adda Pharo Foundation, waxaanay masuuliyiintii ka soo qayb-gashay halkaa ka soo jeediyeen, khudbado kala duwan oo dardaaran iyo duco iskugu jirtay, kuwaas oo ku wajahan maamulayaashan maanta qalin-jabiyey si ay wax uga qabtaan baahiyaha maamul ee dugsiayadaa ay kala yimaadeen.

Ugu danbayn, wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Galleydh ayaa 48 maamule halkaa ku guddoonsiiyey shahaado sharaf ay ku mutaysteen sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen muddadii tabobarku u socday.

19/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, oo maanta ka qayb-galay munaasibadda qalin-jabinta dufcaddii 11-aad ee Jaamacadda Culuunta Badda iyo Kalluumaysiga ee Magaalada Berbera, ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin-jabisay, waxaanu ku dhiirrigeliyey in ay aqoonta iyo xirfadahaa ay barteen uga faaโ€™iideeyaan dalka iyo dadka-ba, si looga faaโ€™iidaysto khayraadka baddeena.

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐.Barnaamijkan dhiirigelinta macal...
19/08/2026

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐.

Barnaamijkan dhiirigelinta macallimiinta oo kalkii waxbarasho-ba (Semester) hal mar qabato Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka JSL ayaa aalaaba lagu soo casuumaa xubnaha mudanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana maanta oo ay taariikhdu ahayd 19-August-2026-ka, ku qabsoomay xarunta Kuliyada Tababarka Macalimiinta Qaranka ee magaalada Hargeysa, qaybtii labaad ee Barnaamijka dhiirigalinta hablaha Kulliyadda Tababarka Macalimiinta, kaas oo lagu soo casuumay labada aqoon-yahan ee (๐Ÿ) ๐…๐ข๐ฅ๐ฌ๐š๐ง ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐Š๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ข๐Ÿ ๐ข๐ฒ๐จ (๐Ÿ). ๐ˆ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ.

Labadan Aqoon-yahan ee maanta Barnaamijkan lagu soo casuumay ayaa ardaydii kulankaa ka soo qayb-gashay u soo jeediyey laba mawduuc oo aad muhiim u ahaa, kuwaas oo kala ahaa:-

1. ๐‘พ๐’‚๐’™๐’ƒ๐’‚๐’“๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฎ๐’‚๐’ƒ๐’…๐’‰๐’‚๐’‰๐’‚ & ๐‘ฏ๐’๐’ˆ๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’Ž๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘บ๐’Š๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‚๐’…๐’…๐’‚ &

2. ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’Ž๐’‚๐’“๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’˜๐’‚๐’™๐’ƒ๐’‚๐’“๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฎ๐’‚๐’ƒ๐’…๐’‰๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘บ๐’๐’Ž๐’‚๐’๐’Š๐’๐’‚๐’๐’…, ๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’‚ ๐’๐’ ๐’Œ๐’๐’“ ๐’๐’๐’ ๐’’๐’‚๐’‚๐’…๐’‚๐’š๐’ ๐’•๐’‚๐’š๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐’‚๐’’๐’๐’๐’๐’•๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’„๐’‚๐’๐’๐’Š๐’๐’๐’Š๐’Ž๐’ ๐’†๐’† ๐’ƒ๐’‚๐’“๐’‚๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‰๐’‚ ๐’…๐’–๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’‚๐’‰.

Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta guud ee Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka JSL ee magaalada Hargeysa ayey ka soo qayb-galeen badiba madaxda iyo masuuliyiinta Kulliyadda iyo Macalimiinta hablaha ah ee loo soo jeedinayey mawduucyadan muhiimka ah, waxaanay arrintaasi u dhacday si aad u heer saraysa.

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐‡๐š๐›๐ฅ๐š๐ก๐š๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.Madaxda iyo masuuliy...
18/08/2026

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐‡๐š๐›๐ฅ๐š๐ก๐š๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

Madaxda iyo masuuliyiinta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka JSL, oo ka duulaya kobcinta iyo kor u qaadista aqoonta iyo wadciga guud ee ardayda wax ka barata Kulliyadda ayaa halkii Kal-waxbarasho-ba (Semester) hal mar ku soo casuuma xarunta guud ee Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa, xubnaha aqoon-yahanka iyo hal-doorka Somaliland ka tirsan, si ay ardayda hablaha ah ee loo carbinayo macallinnimada u siiyaan kelmado wacyigelin iyo dhiiri-gelin ah.

Haddaba, maanta oo ay taariikhdu ahayd 18- August-2026, waxa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka JSL booqasho ku yimi labada aqoon-yahan ee kala ah:
1. Fadumo Siciid Ibraahim
2. Safia Jibriil Cabdi, oo labadooduba ka mid ah hablaha hal-doorka ah ee wax bartay ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Barnaamijkan oo loo qabtay 300 oo macallin oo wax ka barta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka, ayey labadan Aqoon-yahan u soo jeediyeen khudbado wax ku ool ah oo ay ku dhiirigelinayeen gabdhaha macaliinta ah ee ku jira Kulliyada.

Barnaamijkan oo ay maamulka iyo madaxda Kulliyadu qabato kalkii waxbarasho-ba (Semester), ay hal-mar ku soo casuunto hablaha aqoon-yahanka ah ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa daaran sidii ardayda loo siin lahaa dhiirigelin iyo ashkhaas ay ku daydaan (Road Models) oo ay higsadaan mustaqbalka, si ay ardeyda ugu noqdaan hotmuud tusaale fiican u noqda.

17/08/2026

๐…๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š:- "๐‘จ๐’’๐’๐’๐’ ๐‘ณ๐’‚'๐’‚๐’‚๐’๐’Š ๐‘พ๐’‚๐’‚ ๐‘ฐ๐’‡๐’•๐’Š๐’Š๐’ ๐‘ณ๐’‚'๐’‚๐’‚๐’".

Address

150
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐‘ป๐’†๐’‚๐’„๐’‰๐’†๐’“ ๐‘ป๐’“๐’‚๐’Š๐’๐’Š๐’๐’ˆ ๐‘ช๐’๐’๐’๐’†๐’ˆ๐’† ๐‘ต๐‘ป๐‘ป๐‘ช posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share