Dr. Mustafa M. Ahmed

Dr. Mustafa M. Ahmed

Share

Dhakhtar ku takhasusay cudurada caruurta iyo daaweyntooda.

17/05/2026

Herpetic gingivostomatitis waa caabuq fayras ah oo uu keeno HSV-1, kuna dhaca afka iyo cirridka carruurta. Cudurku wuxuu sababi karaa qandho, xanuun afka ah, boogo gudaha afka ka samaysma, bushimo barara, iyo ilmaha oo diida cunista ama cabitaanka.

Boogaha iyo finanku waxay inta badan ka soo baxaan bushimaha, cirridka, carrabka, iyo gudaha afka, waxayna keenaan xanuun iyo candhuuf badan. Mararka qaar waxaa ku darsama qolof ama caabuq bakteeriyo.

Daaweynta ugu muhiimsan waa cabitaan badan, yareynta xanuunka, iyo nadaafadda afka. Haddii xaaladdu aad u daran tahay ama h**e loo ogaado, dhakhtarku wuxuu siin karaa acyclovir.

Waa in si degdeg ah loo geeyo xarun caafimaad haddii ilmuhu aanu cabin karin, yeesho fuuqbax, ama qandho daran.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

14/05/2026

Xanuunka Jadeecada( Measles) ayaa aad ugu soo badanaya dalka. Wax Ka Baro xanuunkan Jadeecada calaamadihiisa iyo sida uu ku faafo.

13/05/2026

Koritaanka maskaxdu wuxuu si gaar ah u xoog badan yahay sannadaha ugu horreeya nolosha ilmaha, gaar ahaan laga bilaabo uurka ilaa shanta sano ee ugu horreysa. Inta lagu jiro muddadan, maskaxdu waxay samaysataa malaayiin neerfayaal ah kuwaas oo saameeya sida ilmuhu u fikiro, wax u barto, una fahmo deegaanka ku xeeran. Si maskaxdu si caafimaad leh ugu korto, waxay u baahan tahay nafaqooyin muhiim ah oo taageera dhismaha iyo shaqada neerfayaasha.

1. Borotiinka

Waa mid ka mid ah nafaqooyinka ugu muhiimsan ee maskaxdu u baahan tahay. Wuxuu dhisaa unugyada maskaxda iyo jidhka, wuxuuna ka qayb qaataa samaynta xidhiidhada neerfayaasha. Carruurta hela borotiin ku filan waxay yeeshaan korriin wanaagsan iyo awood waxbarasho oo fiican. Borotiinka waxaa laga helaa ukunta, hilibka, kalluunka, caanaha, digirta, iyo lawska. Ukunta gaar ahaan waxay hodan ku tahay maaddooyin muhiim u ah xusuusta iyo fahamka.

2. Birta (Iron)

Waxay door weyn ku leedahay caafimaadka maskaxda sababtoo ah waxay oxygen-ka gaadhsiisaa unugyada maskaxda. Haddii maskaxdu hesho oxygen ku filan, si wacan ayay u shaqayn kartaa. Carruurta Ayroonta (Iron)yari ku dhacdo waxay badanaa yeeshaan daal, feejignaan yari, iyo waxbarasho liidata. Mararka qaar ayroon yaridu waxay keentaa dib u dhac xagga hadalka iyo garaadka ah. Ayroonta (Iron)waxaa laga helaa beerka, hilibka cas, digirta, iyo khudaarta cagaaran.

3. Omega-3
Waa dufan caafimaad leh oo muhiim u ah koritaanka neerfayaasha maskaxda. Nafaqadan waxay taageertaa xusuusta, fahamka, iyo awoodda waxbarasho. Carruurta hela Omega-3 ku filan waxay badanaa yeeshaan feejignaan wanaagsan iyo awood waxbarasho oo sareysa. Waxaa laga helaa kalluunka iyo saliidda kalluunka.

4. Ayoodhinka (Iodine)

Wuxuu muhiim u yahay hormoonnada xakameeya koritaanka maskaxda. Haddii ilmuhu waayo ayoodhin ku filan, waxaa iman kara dib u dhac garaadka iyo korriinka oo gaabis ah. Sidaas darteed, isticmaalka cusbada iodized-ka ah waa muhiim si loo ilaaliyo caafimaadka maskaxda ilmaha.

5. Zinc iyo fiitamiinnada
Waxay muhiim u yihiin shaqada maskaxda iyo difaaca jidhka. Zinc wuxuu taageeraa xusuusta iyo feejignaanta, halka fiitamiinnadu ay ka qayb qaataan shaqada neerfayaasha iyo tamarta maskaxda. Midhaha iyo khudaarta kala duwan ayaa hodan ku ah fiitamiinnada muhiimka ah ee ilmaha u baahan yahay.

Dhanka kale, cuntooyinka sonkorta badan leh iyo kuwa warshadaysan waxay si xun u saameyn karaan caafimaadka maskaxda ilmaha. Cabitaannada macaan, junk food-ka, iyo chips-ka waxay sababi karaan feejignaan yari, cayil, iyo dhibaatooyin waxbarasho. Sidaas darteed waalidka waxaa muhiim ah inay carruurta ku dhiirrigeliyaan cunista cuntooyinka dabiiciga ah sida miraha, khudaarta, ukunta, kalluunka, iyo caanaha.

Waalidka iyo bulshada oo dhan waxaa saaran masuuliyadda ilaalinta nafaqada carruurta. Marka ilmuhu helo cunto isku dheellitiran, hurdo ku filan, jacayl, iyo daryeel wanaagsan, wuxuu leeyahay fursad weyn oo uu ku yeesho garaad wanaagsan, xusuus fiican, iyo caafimaad maskaxeed oo xooggan.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

10/05/2026

Xasaasiyadda cuntadu waa xaalad uu difaaca jidhka ilmuhu si khaldan uga falceliyo cunto gaar ah. Marka ilmuhu cuno cuntooyinka qaarkood, jidhku wuxuu u arkaa wax khatar ah, dabadeedna wuxuu bilaabaa falcelin keenta calaamado kala duwan. Qaar ka mid ah calaamaduhu way fudud yihiin, halka kuwo kalena ay noqon karaan kuwo halis ah oo u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah.

Xasaasiyadda cuntadu waxay ku badan tahay carruurta yaryar, gaar ahaan bilaha iyo sannadaha h**e ee nolosha. Carruurta qaarkood waxay ka falceliyaan xitaa qadar yar oo cuntada ah. Cuntooyinka ugu badan ee xasaasiyadda keena waxaa ka mid ah caanaha lo’da, ukunta, lawska, looska geedaha, qamadiga, kalluunka, iyo cuntada badda laga helo.

Calaamadaha ugu badan ee xasaasiyadda cuntada waxaa ka mid ah:

Cuncun iyo finan maqaarka kasoo baxa, Barar bushimaha, wejiga, ama indhaha, Matag iyo shuban iyo Qufac iyo neef qabatow.

Mararka qaarkood xasaasiyaddu waxay isu beddeli kartaa xaalad halis ah oo loo yaqaan “Anaphylaxis”. Xaaladdan waxaa lagu arki karaa:
Neefsashada oo aad u dhibaysa, Barar cunaha ah iyo Suuxdin ama miyir beel.
Xaaladahani waa kuwo degdeg ah oo u baahan in ilmaha si dhaqso ah loo geeyo xarun caafimaad.

Waalidiintu waa inay fiiro gaar ah u yeeshaan cuntooyinka ilmuhu ka falceliyo. Haddii calaamado soo noqnoqda la arko kadib cunista cunto gaar ah, waxaa muhiim ah in lala tashado dhakhtar.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Dhakhtarka Takhasuska Daaweynta Xanuunada Caruurta
MBBS, MD

09/05/2026

Mararka qaar ilmuhu wuxuu bilaabaa qandho/xumad, qufac iyo indhaha oo casaada, waalidkuna wuxuu moodaa hargab caadi ah. Balse maalmo kadib finan cas kasoo baxaan wajiga oo jidhka ku fidaan, waxa kale oo lagu arkaa dhibco Cadcad oo afka gudihiisa ah. waxaa suuragal ah inuu ilmuhu qabo jadeeco.

Jadeecadu waa cudur si fudud ugu kala gudba carruurta, gaar ahaan kuwa aan tallaalka qaadan. Fayrasku wuxuu hawada ku faafaa marka qof qaba xanuunkan qufaco ama hindhiso. Sidaas darteed hal ilmo ayaa si fudud ugu gudbin kara carruur kale oo badan.

Badanaa cudurku wuxuu ku bilaabmaa qandho/Xumad sare. Ilmuhu wuxuu dareemaa daal, wuxuuna yeeshaa qufac iyo Sanka oo biya/duuf dareeraan. Indhuhu way casaadaan, iftiinkana wuu dhibsadaa.

Maalmo kadib ayaa finan cas/gaduud ah kasoo baxaan wajiga, kadibna waxay ugu fidaan jidhka intiisa kale.

Carruurta qaarkood si fiican ayay uga bogsadaan, laakiin qaar kale jadeecadu way ku adkaan kartaa, gaar ahaan carruurta yaryar ama kuwa nafaqo-xumadu hayso. Waxaa dhici karta: Neef-qabatin, fuuqbax, qandho aad u daran, daal badan, Oof ama nfekshan sambabada ku dhaca

Haddii ilmuhu neefta dhibsado, cuntada ana cabbida diido, ama noqdo mid hurdo badan oo aan firfircoonayn, waa in si degdeg ah loo geeyo xarun caafimaad.

Waxa ugu muhiimsan ee jadeecada looga hortagi karo waa tallaalka. Tallaalku wuxuu badbaadiyaa carruur badan, wuxuuna yareeyaa faafitaanka cudurka bulshada dhexdeeda.

Waalidku waa inuu ogaadaa in jadeecadu aanay ahayn finan keliya. Waa cudur halis noqon kara haddii aan si degdeg ah loo daryeelin.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

07/05/2026

Marka ilmuhu gaadho 6 bilood, caanaha hooyadu keliya mararka qaarkood kuma filna korriinkiisa iyo baahidiisa nafaqo. Sidaas darteed waxaa muhiim noqota in si tartiib ah loogu bilaabo cuntooyin jilicsan oo fudud. Cuntada ugu horraysa waa inay noqotaa mid si fiican loo shiiday, jilicsan, isla markaana si sahlan ilmuhu u liqo.

Muusku waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu habboon ee loogu bilaabi karo ilmaha.Moosku waa cunto jilicsan oo nafaqo leh, kuna habboon ilmaha 6 bilood ka weyn. Wuxuu siiyaa tamar, wuxuu caawiyaa dheefshiidka, wuxuuna taageeraa korriinka iyo caafimaadka maskaxda ilmaha. Sidoo kale wuxuu xoojiyaa difaaca jirka, waana cunto fudud oo si sahlan loo shiidi karo loona diyaarin karo.

Isku-dhafka Muuska ee U Fiican Ilmaha

1. Moos iyo Canbe

Isku darkani wuxuu siiyaa ilmaha tamar iyo nafaqo badan. Canbuhu wuxuu leeyahay fitamiinno muhiim ah oo taageera korriinka iyo difaaca jirka.

2. Moos iyo Avocado

Avocado-gu wuxuu hodan ku yahay dufan caafimaad leh oo muhiim u ah koritaanka maskaxda iyo jirka ilmaha.

3. Moos iyo Tufaax

Tufaaxu wuxuu leeyahay fitamiin C iyo fiber, kuwaas oo ka caawiya dheefshiidka iyo caafimaadka guud.

4. Moos iyo Babaay

Babaaygu wuxuu taageeraa dheefshiidka, wuxuuna leeyahay fitamiin A oo muhiim u ah indhaha iyo difaaca jirka.

5. Moos iyo Karooto La Kariyey

Karootadu waxay hodan ku tahay beta-carotene iyo fitamiin A, kuwaas oo muhiim u ah aragga iyo caafimaadka maqaarka.

6. Moos iyo Bariis si fiican loo kariyay

Bariiska jilicsan wuxuu siiyaa ilmaha tamar, gaar ahaan marka la bilaabayo cuntada.

Waalidku waa inay si tartiib ah u kordhiyaan noocyada cuntada, iyagoo eegaya sida ilmuhu uga falceliyo cunto kasta.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician

05/05/2026

Horumarka dhaqdhaqaaqa ilmaha waa marxalad aad muhiim u ah oo ka mid ah koritaanka guud ee ilmaha. Waa habka uu ilmuhu u barto inuu jidhkiisa u adeegsado si tartiib tartiib ah, isagoo xoojinaya murqaha waaweyn sida gacmaha, lugaha iyo jidhka dhexe. Horumarkan ayaa saldhig u noqda fadhiisashada, gurguurashada, istaagga iyo ugu dambayn socodka.

Labada bilood ee ugu horreeya, ilmaha waxa uu ku jiraa marxalad uu si tartiib ah u bilaabayo xakamaynta dhaqdhaqaaqiisa. Ilmuhu waxa uu si kooban u qaadi karaa madaxiisa marka caloosha loo seexiyo (tummy time)
Gacmaha iyo lugaha ayuu si aan nidaam lahayn u dhaqaajiyaa. Madaxana dhinac dhinac ayuu u rogi karaa
Marxaladdan waxa muhiim ah in ilmaha la siiyo waqti uu caloosha ku jiifo si murqaha qoorta iyo dhabarka u xoogaystaan.

Marka ilmuhu gaadho 3 ilaa 4 bilood, waxa si muuqata u kordha awooddiisa xakamaynta jidhka. Madaxa si fiican ayuu u xajin karaa isaga oo aan taageero u baahnayn. Gacmaha ayuu ku istaagi karaa marka caloosha loo seexiyo. Wuxuuna bilaabaa inuu isku rogo (caloosha ilaa dhabarka)
Tani waa marxalad muujinaysa in murqaha jidhku si wanaagsan u horumarayaan, isla markaana maskaxda iyo jidhku ay si wadajir ah u shaqaynayaan.

Marka ilmuhu gaadho 5 ilaa 6 bilood, dhaqdhaqaaqiisu waxa uu noqdaa mid nidaamsan: Wuxuu isu rogi karaa labada dhinac (dhabar iyo calool). Wuxuu bilaabaa fadhiisashada isagoo la caawinayo, mararka qaarna kaligiis muddo kooban. Lugaha ayuu xoog ku riixaa marka cagaha dhulka taabtaan
Tani waa bilowga diyaar garowga gurguurashada iyo dhaqdhaqaaqyada waaweyn ee xiga.

In kasta oo carruurta ay kala duwanaan karaan xawaaraha horumarka, haddana waxaa jira calaamado u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho:

1. Ilmaha oo aan madaxa xajin karin marka uu gaadho 4 bilood

2. Ilmaha oo aan is rogi karin marka uu gaadho 6 bilood
3. Dhaqdhaqaaq aad u gaabis ah ama aan horumar muuqda lahayn

Xaaladahaas, waa muhiim in lala tashado dhakhtarka carruurta si loo qiimeeyo horumarka ilmaha.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician

04/05/2026

Soo bixida ilkuhu waa marxalad ka mid ah koritaanka ilmaha, badanaana waxay bilaabataa qiyaastii 6 bilood marka ilmuhu jiro, inkastoo carruurta qaarkood ay ka hor Mari karaan ama ka dib dhici karaan. Marka ilkuhu soo riixayaan cirridka, waxay keenaan cadaadis iyo xanuun yar, taas oo sababta calaamado kala duwan oo waalidiintu arkaan.

Mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya waa candhuuf badan, sababtoo ah qanjidhada candhuufta ayaa firfircoonaada marka ilkuhu soo baxayaan. Isla markaana, cirridku wuu bararaa ama wuu xanuunaa, maadaama ilkuhu ciridka soo riixayaan.
Arrintan awgeed, ilmuhu wuxuu bilaabaa inuu wax kasta afka geliyo oo uu calaliyo, si uu u yareeyo cadaadiska cirridka. Xanuunkaas ayaa sidoo kale keeni kara in Ilmuhu mar walba xanaaqo iyo oohin badana yeesho, maadaama ilmuhu aanu si kale u muujin karin dareenkiisa.

Mararka qaarkood waxaa la arkaa qandho/Xumad fudud (heer hoose), taas oo ka dhalata bararka cirridka iyo jawaabta jidhku Ka bixinayo isbadalkaa. Sidoo kale, ilmuhu cuntada ayuu diidayaa , sababtoo ah cunista ayaa ah mid xanuun leh oo ciridka dhibaysa.

Mar kasta afka ayuu galinayaa Caagad ama marada Si uu u calaliyo oo uu nafis Ka dareemayo. Waxa kale oo uu xoqayaa dhabanka ama dhegaha, sababtoo ah dareenka xanuunka cirridka ayaa ku fida aaggaas, maadaama neerfayaashu wadaagaan xidhiidh.
Waxa xusid mudan in waalidku fahmaan in qandho sare, shuban daran, ama matag joogto ah aanay ka mid ahayn calaamadaha caadiga ah ee ilkaha soo baxaya, waxaana habboon in xaaladahaas lala xidhiidho dhakhtar.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician

03/05/2026

Barnaamijka Caafimaadka Radio Hargeisa oo aan kaga hadlayay Shubanka, fuuqbaxa iyo hababka looga hortagi Karo.
Ka faa'idaysi wanagsan.

03/05/2026

Korriinka ilmaha waa mid ka mid ah tilmaamaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo caafimaadkiisa guud. Miisaanku si gaar ah ayuu muhiim u yahay, maadaama uu muujinayo in ilmuhu helayo nafaqo ku filan iyo in jidhkiisu si caadi ah u korayo. Inta u dhaxaysa dhalashada ilaa 9 bilood, ilmuhu wuxuu maraa marxalado degdeg ah oo korriin ah, waxaana la filayaa in miisaankiisu si tartiib ah u kordho bil kasta.

Marka ilmuhu dhasho, miisaankiisu inta badan wuxuu u dhexeeyaa qiyaastii 2.5 ilaa 3.6 kg, iyadoo wiilasha badanaa wax yar ka culus yihiin gabdhaha. Bilaha ugu horreeya ee nolosha, gaar ahaan 3-da bilood ee ugu horreeya, korriinku waa mid aad u degdeg badan. Ilmaha caafimaadka qaba wuxuu kordhiyaa miisaankiisa si joogto ah, waxaana la arkaa in badanaa miisaankiisu labanlaabmo marka uu gaadho qiyaastii 5 ilaa 6 bilood.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in tirooyinkan ay yihiin qiyaaso guud, balse ilmo kasta wuxuu leeyahay xawaare u gaar ah oo uu u koro. Qaar ka mid ah carruurta waxay noqon karaan kuwo ka hooseeya ama ka sarreeya celceliskan, taas oo mararka qaar caadi noqon karta haddii ilmuhu si joogto ah u kordhayo miisaankiisa, firfircoon yahay, isla markaana aanu jirin calaamado kale oo muujinaya cudur ama nafaqo darro.

Nafaqada ayaa door weyn ka ciyaarta miisaanka ilmaha. 6-da bilood ee ugu horreeya, caanaha naaska ama caanaha buddada ah (formula milk)haddii loo baahdo waa cuntada ugu muhiimsan ay qaadanayaan. Marka ilmuhu gaadho 6 bilood, waxaa bilaabma cuntooyin dheeraad ah oo nafaqo leh sida khudradda la shiiday, midhaha, iyo cuntooyinka borotiinka leh, taas oo sii taageerta korriinkiisa.

Sidoo kale, caafimaadka guud ee ilmaha, sida ka hortagga cudurrada, nadaafadda, iyo daryeelka joogtada ah, waxay si toos ah u saameeyaan miisaankiisa. Cudurrada sida shubanka ama caabuqyada soo noqnoqda waxay keeni karaan in miisaanku hoos u dhaco ama uu istaago.

Waxa ugu muhiimsan ee ay waalidiintu ogaadaan waa haddii ilmuhu si tartiib ah oo joogto ah u koro, uu firfircoon yahay, si fiican u Naaska u qaato ama cuntada u qaadanayo, inta badan waa calaamad caafimaad wanaagsan.

Haddii:
- Miisaanku istaago 2 bilood ama ka badan
- Ilmaha uu noqdo mid aad u caato ah
- Ama uu jiro fuuqbax / daal daran
Waa in si degdeg ah dhakhtar loo arkaa

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

01/05/2026

Marka ilmaha la siiyo tallaal, jidhkiisu waxa uu bilaabaa inuu sameeyo difaac ka hortaga cudurrada. Tani waa sababta ay u muuqan karaan calaamado yar yar oo badanaa caadi ah, isla markaana muujinaya in jidhku si fiican uga jawaabayo tallaalka.

Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid ah qandho fudud, hurdo badan, oohin waqti gaaban ah, iyo barar yar ama casaan ka muuqda goobta tallaalka. Calaamadahani badanaa ma aha kuwo khatar ah, waxayna si dabiici ah u baaba’aan 1 ilaa 2 maalmood gudahood iyadoo aan wax dhibaato ah reebin.

Dhanka kale, waxaa jira calaamado aan caadi ahayn oo u baahan feejignaan dheeraad ah. Kuwaas waxaa ka mid ah qandho sare oo aan si fudud u degin, barar weyn ama xanuun sii kordhaya, matag soo noqnoqda ama cunnasa oo uu diido, iyo oohin joogto ah oo aan joogsayn. Calaamadahan waxay tilmaami karaan in ilmaha u baahan yahay qiimeyn caafimaad oo degdeg ah.

Waxa haboon in waalidku la socdaane ilmaha xaaladiisa talaalka kadib, h**ena ugu geeyan dhakhtar marka calaamadahaa aan caadiga ahayn ay ku arkaan.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

MERCY MEDICAL CENTER
Hargeisa