17/02/2026
Ramadan Kareem
madal wax barasho
๐ Islamic & Arabic Teacher
๐ Teaching Qurโan & Basics
๐ฒ Message me to learn
17/02/2026
Ramadan Kareem
28/12/2025
Timir Academy
Fasalo Cusub
29/09/2025
Xirfda Xallinta Mashaakilka,
Waa midka middaa xirfaddaha ugu wanaagsan ee qofku barto
Sida Loo Xaliyo Dhibaatada
1. Fahan dhibaatada ku haysata marka horre ๐
Is weydii: Waa maxay dhibaatadu? Maxaa ka dhigay dhibaato?
2. Raadi sababta ๐
Ogoow waxa keenay dhibaatada.
3. Ka fikir xalal ๐ก
Qor fikrado kala duwan oo xal noqon kara.
4. Dooro xalka ugu fiican โ
Dooro fikradda ugu fudud oo ugu waxtarka badan.
5. Tallaabo qaad ๐
Bilow inaad fuliso xalkaas, talaabo talaabo.
6. Natiijada hubi ๐
Fiiri haddii dhibaatadu xalantay. Haddii kale, isku day xal kale.
๐ Tusaale:
Dhibaatada: Waqti ku filan ma helo si aan u barto.
Sababta: Waqti badan ayaan ku luminayaa telefoonka.
Xalka: Samee jadwal maalinle ah oo yaree isticmaalka telefoonka.
Tallaabo: Habeen kasta 2 saac waxbaro.
Natiijo: Waxaan wax badan baranayaa oo waxaan dareemayaa farxad.
22/09/2025
-MA-NABADBAA
08/09/2025
Wanaagsan
Su'aal Barbaarrinta iyo Korrinta kee muhiimsan; sababtana raaci
Shiikh Maxamed Haybe
ุญูุธู ุงููู
Macalin May Icaawin Kartaa?
01/09/2025
Oday waayeela oo beeraleey ah ayaa wiilkiisii oo xabsi ku jira u qoray warqaddan:
"Wiilkaygii qaaliga ahaayoow, sannadkan ma awoodo in aan beero baradhadii ,waayo ma awoodo in aan qodo beerta, waan ogahay haddii aad ila joogi lahayd in aad I caawin lahayd."
Wiilkii ayaa ugu soo jawaabay:
"Aabbo haku fekerin in aad qoddo beerta ,sababta oo ah waa halkii aan ku aasay dhammaan lacagtii aan xaday"
Booliiskii ayaa akhriyay warqaddii, maalintii xigtayna dhammaan beertii ayay qodeen iyaga oo raadinaya lacagtii ,laakiin waxba k**a ay helin.!
Maalintii xigtay ayaa uu wiilkii usoo qoray aabbihii: "Iminka beero baradhadii aabbo, intaasi waa waxa ugu fiican ee aan ku tari karo aniga oo xabsiga ku jira "
Isku day inaad fahamto dulucda sheekada !
TALOOYIN DHAXALGALAA OO KU SOCDA WAALIDKA
09/08/2025
5 qodob oo kugu dhiirrigelinaya inaad barato luqadda Carabiga
Luuqada Carbigu waa luqadda ugu hodansan uguna fiican luuqadaha aduunka in kastoo lagu hayo duulaano badan hadana marnaba luuqada lahubo weeye in aanay dabar go ayn
Halkan waxaan kula wadaagayaa 5 qodob oo ku gu dhiirinaaya in aad barato Luuqada Carabiga:
1. Qurโaanka iyo Diinta Fahamkeeda โ Luqadda Carabigu waa luqadda Qurโaanka, haddii aad barato waxaad si toos ah u fahmi kartaa Qurโaanka iyo Xadiiska adigoon turjumaan u baahnayn,
Waa luuqada diinta.
2. Fursado Shaqo iyo Ganacsi โ Carabigu waa luqad ay ku hadlaan in ka badan 400 milyan oo qof, taasoo kuu fureysa albaabyo shaqo iyo ganacsi waddamada Carabta.
3. Xidhiidhka Muslimiinta Dunida โ Barashada Carabiga waxay kuu fududaynaysaa inaad la xiriirto Muslimiin badan oo dunida ku kala nool, gaar ahaan xajka iyo cumrada.
4. Hiddaha iyo Dhaqanka Hodanka ah โ Carabigu wuxuu leeyahay taariikh, suugaan, iyo dhaqamo qani ah oo aad ka faaโiidi karto marka aad barato.
5. Xusuusta iyo Maskaxda Kobcinta โ Barashada luqad cusub waxay xoojisaa xusuusta, fikirka degdega ah, iyo awoodda aad ku xallinayso
Majeclaan lahayd lahayd in aad barato Luuqada Carabiga ku xidhnow
Hoyga Tacliinta Iyo Wax Isbarista Casrigaa Ee Timir Academy