23/06/2026
Masha Allah barnaamij mug leh
Allah abwaanadeena ha inoo barakeeyo
Dhawaan Filo "TIX IYO TAARIIKH"
Waxaa inagu soo fool leh, barnaamijkan magaciisu xagga sare ka muuqdo, oo ka bixi doona, Raad Raac TV , haddii Rabbi ogolaado.
Waa kalkii koowaad, waxaa lagu falla guray, saddexda ciwaan ee boodhka ka muuqda, ee kala ah:
1- Waa maxay Suugaani ?
2- Qaybaha Suugaanta.
3- Kaalinta ay Suugaantu ugu jirto Soomaalida.
Waxaa faaqiday abwaano kaalin gal ah, hal abuur korran iyo maansayahaniin lagu kuunyo, oo ka qayb qaatay koboca afka iyo kaydintiisaba.
Waa barnaamij da'yarta iyo inta suugaanta danaysaaba ay wax badan ka dheefi doonaan, macluumaad dhumuc wayna ay kala kulmi doonaan inshaa Allaah.
Waan bogaadinaynaa Abwaanada kala ah:
Cabdi Wahaab Faysal Maxammed ( Baydari ).
Cabdalle Maxammed Sigad.
Maxammed Maxamuud Muxummed ( Cilmi Samatar )
Maxammed Mawliid Ismaaciil ( Qurayshi ).
Maxammed Xuseen Colaad.
Rabbi dhammaantood ha barakeeyee, waxa aanu leenahay ka Raad Raac TV ahaan, mahad ballaadhan iyo mudnaan badaniba korkiina ha ahaato.
Filasho wacan iyo faham wanaagsan inshaa Allaah, mahadsanidiin.