RAAD - Research & Development

RAAD - Research & Development RAAD โ€“ Research and Development Center is an independent think tank dedicated to producing evidence based research and knowledge to address societal challenges

๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐๐š๐š๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‘๐€๐€๐ƒ, waa markas fikir, aqoon iyo arrimo bulsheed. waa markas madax bannaan oo hadafkiisu yahay in uu soo gudbiyo wax soo saar aqooneed oo xal u noqda dhibaatooyinka bulshada muslimka ah. Raadinta xalkaas waxa uu markasku u marayaa hab gorfayn iyo diraaseyn ah, isaga oo sees uga dhigaya ahaanshaha muslinnimo iyo dhaxalka islaamku inoo dhiteeyay. aragtida markaska waxa se

es u ah hagaajinta dhammaan laamaha nolosha oo dhan, inta laga gaadhi karo. RAAD Waxa uu ku shaqaynayaa kana dhaqaaqayaa deegaan soomaaliyeed, baadhitaanadiisa iyo diraasaadkiisana waxa uu u marayaa manhaj seeskiisu yahay midhiftir, kaas oo aan soo gudbinayn xogo iyo macluumaad kaliya, balse kala hufaya, aragti ka dhalinaya, fikir iyo faalana ku lamaanaynaya. Xaruntu waxa ay ku waajahan tahay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

23/01/2026

Muuqaal guud | Qaabkii uu u qabsoomay kulankii lagaga faaloonayay mawduuca ah "Beyond Recognition, What Does International Recognition Really Hold?".

Sawiro: Kulan aqooneedkii ka qabsoomay caawa Xarunta Cilmi baadhista Raad Center "Beyond Recognition, What Does Internat...
21/01/2026

Sawiro: Kulan aqooneedkii ka qabsoomay caawa Xarunta Cilmi baadhista Raad Center "Beyond Recognition, What Does International Recognition Really Hold?"

Madashii waa idiin diyaarWaxyar ka dib waxa xarunta RAAD ka bilaabmaya barnaamijka "Beyond Recognition, What Does intern...
21/01/2026

Madashii waa idiin diyaar

Waxyar ka dib waxa xarunta RAAD ka bilaabmaya barnaamijka
"Beyond Recognition, What Does international Recognition Really Hold" oo uu marti ku yahay Dr. Abdiqani Muse Hassan.

Xarunta RAAD Research, waxa ay idinku casuumaysaa kulan aqooneed muhiim ah oo si qoto dheer u falanqaynaya mawduucan hoo...
20/01/2026

Xarunta RAAD Research, waxa ay idinku casuumaysaa kulan aqooneed muhiim ah oo si qoto dheer u falanqaynaya mawduucan hoos ku xusan
"Beyond Recognition, What Does international Recognition Really Hold"

Martida Barnaamijka:
Dr. Abdiqani Muse Hassan

Taariikhda: 21 January 2026 (Habeenka khamiistu soo galayso)
Waqtiga: 7:30 PM (Fiidnimo)
Goobta: Raad Center โ€“ Waddada Madaarka, Star Area

Kasoo qayb gal wanaagsan

Lix bilood ka dib furitaankii RAAD Research Center, maxaa u qabsoomay?
11/01/2026

Lix bilood ka dib furitaankii RAAD Research Center, maxaa u qabsoomay?

Halkan ka daawo muuqaalka dhamayska tiran ee barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Ge...
07/01/2026

Halkan ka daawo muuqaalka dhamayska tiran ee barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospects"
https://youtu.be/1t-mqyFypw8?si=VpLt4tGcC_ef-K5s

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

06/01/2026

Muuqaal guud | Qaabkii uu u qabsoomay kulankii xalay lagaga faaloonayay mawduucan "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospects".

Sawiro | Qaybta labaad: Barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes an...
05/01/2026

Sawiro | Qaybta labaad: Barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospects" ayaa ka qabsoomay Xarunta cilmi baadhista Raad Center

Sawiro: Barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospec...
05/01/2026

Sawiro: Barnaamijka "Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospects" ayaa ka qabsoomay Xarunta cilmi baadhista Raad Center

RAAD Research, waxa ay idiin soo bandhigaysaa kulan aqooneed muhiim ah oo si qoto dheer u falanqaynaya, Mawduucan hoos k...
03/01/2026

RAAD Research, waxa ay idiin soo bandhigaysaa kulan aqooneed muhiim ah oo si qoto dheer u falanqaynaya, Mawduucan hoos ku xusan
"Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes and Future Prospects"

๐ŸŽ™ Martida Barnaamijka:
Mohamed Abdirahman iyo Guleid Jama

Taariikhda: 05 January 2026 (Isniin)
Waqtiga: 7:30 PM (Fiidnimo)
Goobta: Raad Center โ€“ Waddada Madaarka, Star Area

Kasoo qayb gal wanaagsan

Farriim Muhiim ah Dhammaan akhyaarta ku xidhan xarunta Raad Center, ee ka war hayay ballankii Barnaamijka caawa, waxa aa...
26/12/2025

Farriim Muhiim ah

Dhammaan akhyaarta ku xidhan xarunta Raad Center, ee ka war hayay ballankii Barnaamijka caawa, waxa aan ogaysiinaynaa in uu baaqday kulankii, duruufa jira awgood

Madhaafaanka akhlaaqdu waa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso shakhsiyadda Biniโ€™aadamka iyo horumarka Bulshada guud, Q...
25/12/2025

Madhaafaanka akhlaaqdu waa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso shakhsiyadda Biniโ€™aadamka iyo horumarka Bulshada guud, Qurโ€™aanka Kariimka ahina waxa uu xambaarsan yahay nidaam dhammaystiran oo anshax iyo akhlaaqeed, kaas oo si isu lammaan u hagaya ficilka iyo fikirka qofka Muslimka ah, isla markaana xoojinaya cadaaladda, wanaagga iyo wada noolaanshaha Bulshada.

Xarunta RAAD ee Cilmi baadhista iyo Horumarintu waxa ay idinku martiqaadaysaa kulan aqooneed cinwaankiisu yahay โ€œMadhaafaanka Akhlaaqda iyo Aragtida Qurโ€™aankaโ€, kaasoo uu soo jeedin doono Sheekh Almis Yaxye.

Munaasabaddan waxa ay dhici doontaa Jimcaha, 26-ka December, Salaadda Cishe ka dib. Goobtuna waa Xarunta RAAD โ€“ Waddada Madaarka (Star Area)

Address

9. 535073, 44. 075039
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAAD - Research & Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share