09/09/2025
Qaabdhismeedka Maskaxda Qofka Psychopathka ah
Cilmi-baadhisyo badan oo casri ah ayaa caddeeyay in psychopath aanu ahayn keliya dabeecad xun, balse uu yahay isbeddel ka dhasha isku-darka hiddo-sidaha, qaab-dhismeedka maskaxda, iyo waayo-aragnimada nololeed.
Cilmi-baaridhyo sawir-qaadista maskaxda (brain imaging) ahi waxay muujiyey in dadka leh astaamaha psychopathku ay ka duwan yihiin kuwa kale:
Daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka psychopathyka ahi ay leeyihiin isbeddelo ku yimaada qaab-dhismeedka iyo shaqada maskaxda, gaar ahaan qaybaha maamula shucuurta iyo go'aan qaadashada.
•Amygdala: Tani waa qayb ka mid ah maskaxda oo mas'uul ka ah maaraynta shucuurta, gaar ahaan cabsida. Cilmi-baadhistu waxay muujisay in dadka psychopathy-ga ahi ay leeyihiin amygdala oo aan si fiican u shaqayn ama cabbirkeedu yar yahay. Taas ayaa keenta in aanay dareemin cabsi, naxariis, iyo dareenka dadka kale.
•Prefrontal Cortex: Tani waa qayb ka mid ah maskaxda oo ku taalla xagga h**e ee madaxa, waxayna mas'uul ka tahay go'aan qaadashada, xakamaynta dabeecadaha, iyo fikirka. Dadka psychopathy-ga ah waxay leeyihiin prefrontal cortex shaqadeedu hooseyso, taas oo keenta in ay ku adag tahay in ay xakameeyaan dabeecadooda xun iyo in ay sameeyaan go'aanno sax ah.
Daraasad La Samyey 2011: Daraasad lagu daabacay joornaalka "Archives of General Psychiatry" ayaa lagu ogaaday in dadka psychopathka ahi ay leeyihiin amygdala oo cabbirkeedu yar yahay. Daraasadan ayaa sidoo kale muujisay in shaqada amygdala ay hooseyso marka la barbardhigo dadka caadiga ah.
Daraasad La Samayay 2017: Daraasad kale oo lagu daabacay joornaalka "Journal of Psychiatry & Neuroscience" ayaa lagu ogaaday in prefrontal cortex-ka dadka psychopathka ahi ay u shaqaynayso si ka duwan maskaxda dadka caadiga ah, gaar ahaan xilliyada ay sameynayaan go'aan qaadasho adag.