20/06/2015
Saxariirka nolashiyo
surmi iyo dhibaatada
subaxdaan utaagnaa
adaa saydhay gacantoo
sahwiyayna arinkee
samir daranidaayeeye
saakana cagtaydiyo
waxaad soo joogsatay
hoostayda sow maaha
samir daranidaayeeye
sulufka iyo colaadaha
kala seexo magaalka
qayrkaa sidan maaha
umana soo dhawaadaan
samir yeeloo adiguna
subaxii yimaadaba
arimaha sifeeyoo
subxaankana kaashoo
samir yeelo waligaa.