09/10/2025
Qof Kasta oo Wax akhriyi karaa Ma Noqon karo Bare/Macalin.
π Macalin hadda uun ka baxay secondary school, Wax ma u dhigi karaa ardayda primary-ga?
Jawaabta:
β Maya.
Sababta?
Macalinka primary-ga u dhigayaa waa inuu haystaa
π aqoon,
π tababar
π xirfad gaar ah oo uu ku fahmo sida caruurtu wax u bartaan.
Carruurtu wax uma bartaan si la mid ah dadka waaweyn.
waxay u baahan yihiin macalin khibrad leh, dulqaad leh, faham qoto dheerna ka haysta habka wax loogu dhigo, iyo qaababka ugu habboon ee loola dhaqmo ardaydan bilawga ah.
Qof hadda ka baxay secondary school, inkasta oo uu dedaalay, weli waa arday isaguna waxbarasho ku jira.
Wuxuu u baahan yahay inuu marka h**e barto sida wax loo baro (pedagogy), caddaymahana keeno si loogu kalsoonaan karo.
Ardayda bilowga ah waxay u baahan yihiin macalin heerkiisu ka sarreeyo, aqoontiisuna ka fog tahay midda ardayga.
Hanaqaad Home Teaching Service , si aan u hubinno tayada waxbarashada , waxa aan ku dedaalnaa in aqoonta macalinku ka durugsan tahay tan ardayga, isla markaana uu la yimaaddo caddaymaha.