Barnamijka dibloomka Af-Soomaaliga ee Jaamacadda Al-Bayaan guud ahaan waxa uu xoogga saaraa laba qaybood oo waaweyn:
1. Cilmi-afeedka Af-Soomaaliga (Linguistics):
Qaybtani waxay diiradda saartaa daraasadda qaab-dhismeedka iyo isticmaalka afka,sida:
Naxwaha,Codadka,Erey-dhiska.
Ujeeddadu waa in ardaygu si qoto dheer u fahmo sida af-Soomaaligu u shaqeeyo.
2. Cilmi-suugaaneedka Soomaaliyeed (Literature):
Qaybtani Waxay ardayga baraysaa falanqaynta suugaanta, fahamka fariimaha ku jira, iyo qiimeynta hal-abuurka Soomaaliyeed.
Al-Bayan I. University - Hargeisa جامعة البيان العالمية
مرحبا بكم في صفحتنا على الفيسبوك! 🔖 ابق على اطلاع بأحداث الحرم الجامعي والأخبار والفرص الأكاديمية.
Xafladda baal-furka buugga “Danjire Koongo"
.
02/05/2026
- Q2aad- Xaflada bandhigga buugga "Danjire Koongo".
02/05/2026
- Q1aad- Xaflada bandhigga buugga "Danjire Koongo".
📍Warbixin- dawro tababar oo loo qabtay macallimiinta Qur’aanka Kariimka.
01/05/2026
Jaamacadda Al-Bayan faraceeda Jigjiga-yar ayaa qabatay dawro tababar oo loogu talagalay macallimiinta Qur’aanka Kariimka.
📍Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray maaraynta fasalka, kor u qaadista xirfadaha waxbaridda qur'aanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha macallimiinta.
29/04/2026
📌 ارتقِ بمهاراتك التعليمية، واصنع أثرًا يبقى
فالمعلم المتميز يصنع جيلًا متميزً.
28/04/2026
Jaamacada al-bayan waxay kugu martiqaadaysaa ka soo qaybgalka bandhigga buugga "Danjire Koongo" oo uu qoray Cumar Cabdullaahi , kaas oo lagu qabanayo Jaamacadda Al-Bayan habeenka Sabtida, 1-da May 2026.
📍Mawduuca diiradda la saarayo:
Tacliinta iyo doorka waalidku ku leeyahay korinta iyo waxbarashada ubadka.
🗓 Taariikhda: 1-da May 2026
📍 Goobta: Jaamacadda Al-Bayan
⏰ Waqtiga: Habeenka Sabtidu soo galyso.
Kaalay oo ka faa’iidayso barnaamij aqooneed muhiim ah!
21/04/2026
دورة علمية تدريبية تطبيقية متميزة، تهدف إلى تأهيل الباحثين وطلبة العلم، وتنمية مهاراتهم في إعداد وكتابة البحث العلمي وفق المعايير الأكاديمية المعتمدة في الجامعة، مع التركيز على الجوانب النظرية والتطبيقية لضمان جودة المخرجات البحثية.
Ardayda kulliyadda Af Soomaaliga ee Jaamacadda Bayaan oo safar gaaban ku tagey duleedka magaalada.
Socdaalkaasi muu ahayn mid caadi ah, balse waxa ku ladhnaa farxad, damaashaad, aqoon iyo waayo-aragnimo ay wadaagaan qalbiyo isku jiho u socdaa.
18/04/2026
Ardayda kulliyadda Af Soomaaliga ee Jaamacadda Bayaan oo safar gaaban ku tagey duleedka magaalada. Socdaalkaasi muu ahayn mid caadi ah, balse waxa ku ladhnaa farxad, damaashaad, aqoon iyo waayo-aragnimo ay wadaagaan qalbiyo isku jiho u socdaa.
Goobta la tegay qudheedu, ayaa noqotay goob farxada dhammaystirtay. Hawo nadiif ah iyo muuqaal dabiici ah oo maskaxda dejinaya, oo qayb laxaad leh ku lahayd xiisaha kulanka. Barnaamijku qudhiisa ayaa ahaa mid si habsami leh loo qorsheeyey, oo mudanta kulliyada ka qallin jiidataa isugu tagtay, kuna qotoma isu dheellitirnaan u dhexaysa madadaalo iyo aqoon. Goobtaas waxa lagu soo bandhigay suugaan kala jaad ah—gabayo, geeraarro iyo maansooyin xambaarsan dareenno kala duwan. Sidoo kale, sheekooyin kala duwan ayaa la is dhaafsaday; qaar xambaarsan duruus nololeed, iyo kuwo kale oo kaftan ah oo qosol iyo raynrayn geliyey dhammaan ka qaybgalayaasha.
Heesaha la qaaday waxa ku jilnaa dareen iyo xasuus, murugo tegay iyo mahadhooyin quluubta kaga tegay xasuuso lama ilaawan ah. Halka tartamada iyo ciyaaro dhaqameedku ay soo nooleeyeen hiddaha iyo dhaqanka baadisoocda inoo ah, isla markaana ay abuureen tartan xiiso leh iyo is-dhexgal iyo isbarashana weheliso . Waxa ay ahayd meel uu qof walba ku muujiyey hibooyinka uu Alle ku abuuray—qaar ayaa aftahamo yaableh lasoo baxay, qaar suugaan, halka kuwo kalena ay ciyaar iyo kaftan ku muujiyeen kartidooda uu godliyey kullankan qiimaha lihi.
Kulanka waxa bilay macallimiin qiimo weyn ku leh kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta ardayda: Mustafe Qaraami, Mohamed Ali Shaacir , Maxamed Dareem, iyo Cabdikhaalaq.
Doorkoodu muu ahayn oo keliya kormeer, balse waxay ahaayeen laf-dhabarta barnaamijka, iyo meesha ay kasoo burqanaysay farxada dhammaantayo na maashaysay. Sidoo kale waxay kaalin mug leh ka qaateen hagidda iyo xoojinta jawiga waxbarasho ee madadaaladu ku lammaan tahay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa