16/06/2023
Waad salaaman tihiin waalid, macalim iyo ardayba
Ugu horreyn Alleh SWT ayey mahadi u sugnaatay nagu simay in aanu soo gaadhnay gabogabada hayaanki aanu soo wadnay mudadi dheerayd Alxamdullilah.
Hanbalyo, Hanbalayo waxaad muujiseen mar kale inaad tihiin hormuudka Somaliland. Waad mudan tihiin guusha.
Waxaanu idinku ducaynaynaa ka maamul ahaan iyo macaliminba in alleh SWT idiin fududeeyo imtixaanka Shahaadiga ah waxan sidoo kale idinku ducaynayaaa in Rebbi idin suuro galiyo inaad ka soo hoysaan guulo faro-badan mid adduunyo iyo Mid aakhiroba.
Waanu idinku kalsoonahay inaad kaso hoyn doontaan guulo wax-ku-ool ah
16/06/2023
Xaflada sagootinta.
Waxaan hawada u marinaynaa “Duco iyo dardaaran” Dufcadii 2aad ee fasalada 8aad Dugsiga Ibnu Taymiya Primary And Kg schools ee baxaysa sannad dugsiyeedka 2022-2023.
Alle ha idinku guuleeyo oo haydin kala kulmiyo natiijo farxad galisa naftiina, waalidiintiin, macalimiintiinii wax idin soo bartay iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland eed wax u baranayseen.
15/09/2022
Bismillah
Go'aanka imtixaabka shahaadiga ah ee fasalka 8aad Sannad-dugsiyeedka : 2021/2022.
Ardayda dugsiga Ibnu-Taymiya
1. Hoodo Jama Ibrahim Cali : 558
2. Abdirahman Mohamed Abdi : 535
3. Ahmed Ibrahim Hussein: 512
4. Abdirisaq Mohamed Abdi : 499
5. Abdifais Mohamed Abdisamed: 481
6. Badra Jama Ibrahim: 479
7. Sadam Mohamed Abdisamed : 469
8. Hana Khadar Abshir : 451
9. Istahil Ibrahim Hussein : 417
10. Hamse Khadar Aden : 415
11. Fadxi Mursal Muhumed : 410
12. Mutas Hassan Abdilahi : 396
13. Hussein Ibrahim Hussein : 386
14. Huda Mohamed Hassan : 321
Alleh SWT ayey Mahad oo dhami usugnaatay noo suurogaliyey in dhaman ardaydi noo fadhiisatay imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2021-2022 ay dhamaantood ku gudbaan dhibco wanagsan.
Maamulka guud ee Dugsiyada Ibnu-Taymiya waxay Hambalyo iyo duco ay Hawada u marinayaan Hormuudka Dugsiga waxaanu u rajaynayaa guulo farabadan mid adduun iyo mid Aakhiro ahba.
Waxa sidoo kale dhamaan maamulka dugsiga Ibnu-Taymiya ay hambalyo u dirayaan dhamaan ardayda dugsiga, waxa ay sidoo kale mahadnaq iyo Bogaadin u dirayaan dhamaan waalidka dugsiga gaar ahaan waalidka ay ka ubadkoodu ka aflaxeen dugsiga Ibnu-Taymiya.
Ugu danbayn waxa maamulk dugsigu u mahad-celinaya dhamaan barayaasha( teachers) dugsiga oo alleh kasokow mooye aanay suuro gasheen guusha ay maanta gaadheen ardayda dugsiga iyo dugsiguba, waxa ayna ugu ducaynayaan in alleh SWT Abaalkooda janno ka dhigo.
Mahadsanid.
14/09/2022
Bismillah.
Dhaaman ardaydi nagu matelaysay imtixaanka shaahadiga ah waxaanu idin rajaynaynaa guul wanagsan iyo kaalma h**e.
Waanu idinku kalsoonahay. Rebbi ha idinku guuleeyo.
31/08/2022
Bismillah
Dhaaman maamulka guud ee dugsiyada Ibnu Taymiya Primary Schools waxay hanbalyo iyo duco u dirayaan macalimiinta dugsiga ee ka qalin jabinaysa University Of Hargeisa.
Waxanay ugu ducaynayaan cilmigay bareen in Alleh uga dhigo kii aakhiro iyo addunba anfaca.
Magacyada barayasha qalin qabinaya:-
1. Mamule Abdikarem Hassan Ismail
2. Barre Abdirashid Ismail Ali
3.Barre Nimcan Abdi Mouse.
Hanbalyo Hanblayo Hanbalyo Hanbalyo
31/07/2022
Kuso dhawoow gacmo-Furan.
Dugsiga hoose/dhexe iyo Barbaarinta ee IBNU-TAYMIYA waxa uu qaadanaya fasalo cusub sida Halka hoose ku xusan( sawirka) waxa aanu bulsho waydata dagan xaafada 31 MAY gaar ahaan xaafada Fajuula la socodsinayaa inay socoto is qorista fasalada cusub ee ayaan laga horbuuxin ee h**e u gaadh.
Wixii faahfaahina kala xidhiidh:
+252634152729
+252634417729
+252634023654
10/06/2022
Waxaan idin rajaynaya inaad kaso hoysaan guulo faro-badan insha allah.
07/06/2022
Xaflada sagootinta Dufcadda koobaad ee fasalada 8aad.
07/12/2021
Waxa saaka oo bishu ahayd 07/12/2021 kuna beegnayd maalin salaasa ah waxa ka bilaaamay dugsiga hoose/dhexe ee IBNU TAYMIYA PRIMARY AND KG SCHOOLS imtixaanki yaraa( mid-term) sannad dugsiyeedka 2021-2022