Guuleed Dalxa

Guuleed Dalxa

Share

Personal thoughts, analysis and most pressing issues.

04/01/2018

Through education, we can lead the world.

03/04/2017

SALMAAN SAMIR BADNAAYE E,
Waa sheekadii Salmaan al Faarisii

Mid ka mid ah waddooyinka ugu habboon ee aadamaha maankiisa wax looga dhaadhiciyo waxa ka mid ah in loo soo tebiyo sheeko dhabnimadeeda aanu shaki ka taagnayn. Salmaan al Faarisi waa mid ka mid ah jaalleyaashii ugu faca weynaa ee Suubbanaha muddo dheer la deggenaa. Sida ku sugan dhigganaha weyn ee Axmad binu Xanbal ku ururiyay axaadiista loona yaqaanno Musnadu Axmed, waxa uu u warramay saxaabigii la odhan jiray Ibnu Cabbaas. Hadalkiisii oo dhammaystiran ayaanu idiin soo tebin doonnaa. “Waxaan ahaa nin u dhashay waddankii Beershiya, gaar ahaan reer Asfahaan ayaan ahaa. Tuulada aan degi jiray waxaa la odhan jiray Jayi. Aabbahay wuxuu ahaa duqa tuulada aan ku noolayn. Waxaan ahaa wiil aabbihii aad u jecelyahay. Wuxuu ii ilaalin jiray sidii gabadh gashaanti ah loo ilaalin jiray.

Dedaalka ugu xoogganaa waxaan dul dhigay diinta Dab-caabudka ama Majuuska illaa aan ka noqday qofka dabka shida. Sidoo kale, aabbahay wuxuu lahaa beer weyn. Maalin ayuu aad ugu mashquulay dhisme uu lahaa. Ka dibna wuxuu ii sheegay inaan beertii tago, soona eego. Waxa kale oo uu i faray inaan hawlo ka qabto. Waan baxay si aan beertii aabbahay u tago. Kolkii aan waddadii marayay ayaan arkay kiniisad ka mid ah kiniisada Nasaarada. Way tukanayeen dadkii ku sugnaa, codkooduna dhagahayga ayuu ku soo dhacayay. Laakiin ma dhaadsanayn waxay ka hadlayaan waayo aabbahay ayaa guri igu hor joogi jiray oo ma ahayn nin ka warqaba waxa dibadda ka dhacaya. Goobtii ayaan gudaha u galay, bal si aan u fiirado waxay samaynayeen. Kolkii aan galay, waxa aad ii soo jiidatay salaadda ay tukanayeen, waxaanan jeclaaday diintoodii. Durbadiiba naftayda ayaan ugu sheekeeyay inay diintani tahay diin ka fiican tii aabbahay iyo dadkayagu ku dhaqmi jireen. Eebbe Weyne ayaan ku dhaartaye, k**a tagin goobtii illaa ay cadceeddii dhacday; beertiina maba tagin. Waxaan intaas ka dib weydiiyay waddanka ay ka soo farcantay diintani. Waxay iigu warceliyeen in diintani ka timid dhulkii la isku odhan jiray Shaam. Waxaan u imid aabbahay. “Inankaygiiyaw xageed tagtay? Saaka maanan kula sii ballamin?”ayuu aabbahay yidhi. Aniguna waxaan ku idhi, “Aabbo saaka waxaan sii maray qolo kiniisad ku cibaadaysanaysa, waxaana aad ii cajabiyay wixii aan ka arkay diintooda.” Aabbahay markiiba wuxuu igu yidhi, “Aabbo diinteenna ayaa ka fiican.” “Mey, aabbo k**a fiicna. Diintooda ayaa teena ka kheyr badan”, ayaan idhi. Lugta ayuu iga xidhay oo weliba silsilad bir ah ayaa la igu xidha, guriga ayaana laygu xabisay mar labaad. Farriin ayaan u dirsaday dadkii kiniisada joogay. Waxaan ka codsaday in ay ii soo sheegaan haddiiba ay arkaan socoto ka timid Shaam. Socoto ayaa Shaam ka timid, arrintiina waa la i soo gaadhsiiyay, waxaanan u sheegay in la ii soo sheego kolka ay dib u noqonayaa ee ay alaabtooda dhammaystaan. Salmaan wuxuu yidhi, “Birtii ayaan lugtayda ka furay, yagiibaan raacay, illaa ay i geeyeen Shaam. Dadkii aan Shaam ugu imid ayaan weydiiyay diintan ay haystaan cidda ugu fadliga badan. Waxa loo sheegay ninkii ugu aqoonta badnaa ee kiniisadda haystay. Waxaan ninkii ku idhi, “ Waxaan jeclaystay diintan, waxaan sidoo kale jeclaystay inaan kuu adeego. Inaan waxkaa barto, isla markaana kula cibaadaysto ayaan rabaa. Wuu iga aqblay, hawraarsan ayuuna ku warceliyay. Saw ninkani waa nin xun – dadka sadaqada ayuu farayaa, kuna dhiiri galinayaa, kolka loo soo ururiyana isaga ayaa dib u qarsada oo qasnado hoose ku aasta. Dadka masaakiinta ahna waxba muu siin jiray. Xaddi badan oo dahab iyo maar ah ayuuna qarsaday. Kolkii danbe aad ayaan u nacay ninkaas, waxaan gebi ahaanba diiday wuxuu samaynayo. Waxa geeriyooday sheekhii Nasaarada ahaa. Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.

Intaas ka dib, waxa uu Salmaan soo saaray toddoba kiish oo dahab iyo maari ka buuxdo. Waxayna ku dhaarteen in aanay aasayn weligiiba. Ka dib loox ayay ku daldaleen, waxay na ku ganeen dhagaxaan. Salmaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “ Nin kale ayay Nasaaradii ku soo beddeleen kii h**e booskiisii. Waxa uu ahaa nin salaadda ka adag; habeen iyo dharaarba salaad u taagan, adduunyada ka saahiday, aakhirana jecel. Waan jeclaaday; jaceyl aanan qof la mid ah jeclaanin. Gu’yaal ayaan la joogay, illaa ay u timid geeridii. Kolkaas ayaan ku idhi, “ Waan kula joogay muddo, aad ayaanan kuu jeclaaday, waanad aragtaa inay maanta kuu timid tii Alle, markaa maxaad igula dardaarmaysaa? Maxaad se i faraysaa? Sheekhii wuxuu ku warceliyay, “ Inankaygiiyaw, wallaahi maanta ma garanayo cid ku sugan dhabbada togan ee aan ku taaganahay, dadkii diintii way beddeleen wayna ka tageen. Keliya waxaan xusuustaa nin jooga magaalada Moosil.

Ninkaasi wuxuu haystaa diintii xaqa ahayd ee u tag isaga. Salmaan wuxuu yidhi. Markii uu dhintay waxaan u tagay ninkii Moosil joogay ee uu ii tilmaamay.Waxaan ku idhi, “Hebel ayaa ii kaa soo tilmaamay, iina sheegay inaad diintii xaqa ahayd haysato, wuxuuna ii sheegay inaan kula joogo.” Wuxuu iigu warceliyay, “Ila joog.” Ninkani wuxuu noqday nin dariiqii haya oo wanaagsan, waxyar kaddibna wuu dhintay. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay, ayaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo dardaarmay ina faray inaan kuu imaaddo, haddana waad aragtaa inay geeridii kugu soo xaadirtay, maxaad igula talinaysaa? Wadaadkii wuxuu ku warceliyay, “Inankaygiiyaw, wallaahi ma garanayo cid ku sugan diintii aanu haysannay marka laga reebo nin jooga Nasiibiin. Waxaan u imid ninkii Nasiibiin joogay. Muddo kolkii aan la joogay wuu dhintay. Waxaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo tilmaamay waanan kuu imid, de waa taan oo geeridiina kugu soo xaadirtay, de ii dardaaran, ina tilmaan.” Wadaadkii waxa uu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, maanta cid sii nool oo diintan haysata waxaan garananayaa oo keliya nin jooga Camuuriya.” Waan tagay waxaanan u anbabaxay Camuuriya, anigoo la kulmay ninkii. Waanan u warramay. “Ila joog,” ayuu igu yidhi. Muddadii aan la joogay ninkaas waxaan shaqaystay waxoogaa xoolo ah oo isugu jira adhi iyo lo’. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay ayaan isna intii in le’eg ku idhi. Markaa bal ila dardaaran. Wadaadkii wuxuu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, cid aan kuu tilmaamo ma garanayo; anigaa ugu danbeeya qof haysta diintii saxda ahayd. Laakiin waxa soo dhaw waagii uu soo bixi lahaa Nebi laga soo saarayo dhulka Carabta oo ku abtirsada diintii Nebi Ibraahiim. Nebigaasi wuxuu u soo haajiri doonaa dhul ku yaalla laba dhagax-shiil dhexdooda; laba taag oo leh dhagaxaan madmadow oo timirtu ka baxdo. Sidoo kale, Nebigaasi wuxuu leeyahay summado aanad hilmaami karin. Tilmaamaha aanad gafaynin waxa ka mid ah: hadyadda wuu qaataa, sadaqada ma qaato; labadiisa garab dhexdoodana waxa ku taalla shaanbaddii nebinnimada.

Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.
Intaas ka dib, waxa uu Salmaan soo saaray toddoba kiish oo dahab iyo maari ka buuxdo. Waxayna ku dhaarteen in aanay aasayn weligiiba. Ka dib loox ayay ku daldaleen, waxay na ku ganeen dhagaxaan. Salmaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “ Nin kale ayay Nasaaradii ku soo beddeleen kii h**e booskiisii. Waxa uu ahaa nin salaadda ka adag; habeen iyo dharaarba salaad u taagan, adduunyada ka saahiday, aakhirana jecel. Waan jeclaaday; jaceyl aanan qof la mid ah jeclaanin. Gu’yaal ayaan la joogay, illaa ay u timid geeridii. Kolkaas ayaan ku idhi, “ Waan kula joogay muddo, aad ayaanan kuu jeclaaday, waanad aragtaa inay maanta kuu timid tii Alle, markaa maxaad igula dardaarmaysaa? Maxaad se i faraysaa? Sheekhii wuxuu ku warceliyay, “ Inankaygiiyaw, wallaahi maanta ma garanayo cid ku sugan dhabbada togan ee aan ku taaganahay, dadkii diintii way beddeleen wayna ka tageen. Keliya waxaan xusuustaa nin jooga magaalada Moosil. Ninkaasi wuxuu haystaa diintii xaqa ahayd ee u tag isaga. Salmaan wuxuu yidhi. Markii uu dhintay waxaan u tagay ninkii Moosil joogay ee uu ii tilmaamay.Waxaan ku idhi, “Hebel ayaa ii kaa soo tilmaamay, iina sheegay inaad diintii xaqa ahayd haysato, wuxuuna ii sheegay inaan kula joogo.” Wuxuu iigu warceliyay, “Ila joog.” Ninkani wuxuu noqday nin dariiqii haya oo wanaagsan, waxyar kaddibna wuu dhintay. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay, ayaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo dardaarmay ina faray inaan kuu imaaddo, haddana waad aragtaa inay geeridii kugu soo xaadirtay, maxaad igula talinaysaa? Wadaadkii wuxuu ku warceliyay, “Inankaygiiyaw, wallaahi ma garanayo cid ku sugan diintii aanu haysannay marka laga reebo nin jooga Nasiibiin.

18/03/2017

HANADKII HILLOOBAY
QAYBTII LABAAD
Sheekadii Sufyaan al-Sawrii
Boqorkii aad ayuu u cadhooday. Waxa uu bilaabay inuu warqado u diro dhammaan badhasaabyadii u joogay Masar, Shaam, Yaman, Xijaas, Najdi. Waxa uu ugu ballan qaaday in haddii ay keenaan Sufyaan oo nool la siin doono abaal marin fiican oo ay ku farxi doonaan. Sufyaan weli waxa uu ku sii jiraa safarkiisii. Bar-tilmaameedkiisu wuxuu ahaa Yaman si halkaas uu muddo ugu negaado. Intii uu dhexda ku sii jiray, waxa ka go’ay saadkii kaddibna wuxuu u tagay nin beer leh. Wuxuu u sheegay inuu beerta uga shaqaynayo kana qaadanayo mushahar yar si uu uga helo kharashka waddo maridda.

Waxa lagu heshiiyay in Sufyaan muddo bil ah ka shaqeeyo beerta. Ninkan beerta lehi wuu ogaa in Sufyaan madaxiisa lacag la dul dhigay laakiin ma oga in ninkani Sufyaan yahay. Sufyaan shaqadii ayuu guda galay wuxuuna muddo ka shaqaynayay beertii. Maalin ayaa ninkii beerta lahaa ku yidhi, “Adeege, ii keen xabbad cinab ah oo macaan.” Sufyaan ayaa u geeyay xabbaddii cinabka ahayd. Mise waa qadhaadh! Mar labaad ayuu ka codsaday xabbad cinab ah oo macaan. Haddana wuxuu u keenay midh qadhaadh! Ninkii beerta lahaa ayaa aad u cadhooday oo yidhi, “War cinabka macaan iyo ka aan bislaan miyaanad kala garanayn?” Sufyaan ayaa durbadiiba ku hal celiyay, “Maan dhadhamin ba.” “Bil baad joogtay hadda welina maad dhadhamin?” “Kaamaan helin oggolaansho aan ku dhadhamiyo sababtaas ayaa keentay inaan baran waayo, waxaanan ka baqay in Maalinta Qiyaame Eebbe ii xisaabiyo.” Ninkii beerta lahaa oo ka yaabban xalaal-miirashada Sufyaan ayaa yidhi, “Xitaa haddii aad tahay Sufyaan al-Sawrii ayaanad sidan samayseen.” Ma garanayo inuu isagiiba yahay, laakiin wuxuu u sheegayaa in xalaal-miirashadiisu qoto dheertahay. Ninkii iska bax oo xaggaas iyo suuqii tag, Sufyaanna shaqadiisii ku hadh.

Ninkii beerta lahaa oo la fadhiya nin ay saaxiib ahaayeen ayay sheekaysteen. Wuxuu uga sheekeeyey in nin xalaal-miirasho badan la joogo. “Hagaag, bal ninka ii sifee,” waxa yidhi saaxiibkii. Kolkii uu tilmaamihiisii bixiyay ayuu yidhi, “Wallee ninka tilmaamahaas lehi waa Sufyan ee inna kici aan soo qabannee si boqorku innoo siiyo abaal-gudkii.” Meeshii ayay ka ordeen yagoo u kacay geestii beertu ka xigtay. Sufyaan wuu iska sii baxay isagoo xak**aha ku xidhay baqashiisii, Yamanna u jihaystay. Labadii nin way ku hungoobeen Sufyaan gacmo madhanna way la soo noqdeen. Sufyaan wuxuu gaadhay waddankii Yaman. Dadka ayuu u adeegi jiray si nolol-maalmeedkiisa uu ku kafeeyo. Dadkii ayaa ku tuhmay tuugannimo. Sufyaan la xidh, waxaana loo geeyay badhasaabkii Yaman. “Ka fura xadhkaha, “boqorkii ayaa ku yidhi ciidankii. Kolkii laga furay ayuu ku jalbeebiyay dhawr weydiimood oo daran-doorri ah. “Qiro inaad wax xadday.?” “Mey, wallaahi waxba ma xadin.”

Sufyaan oo amakaagsan ayaa yidhi, “Hagaag, haddii ay sidaas tahay, berri aan soo diyaar garoobo.” “Haye, ee ha soo habsaamin,”ayuu boqorkii ugu hal celiyay. Intaas ka dib, Sufyan degdeg ayuu uga huleelay madashii lagu jirrabay isagoo u anba-baxay dhankaas iyo gurigiisii. Aminkii is-beddel. Kolkii mugdigii soo kordhay, qiyaastii habeen badh na ay ku beegan tahay, Sufyan inta uu alaabtiisii soo urursaday ayuu fuulay baqal. Sufyaan goor habeen ah ayaa ka guureeyay Kuufa iyo Ciraaq ba isagoo la baxsanaya diintiisa. Kolkii uu waagu baryay, boqorkii Abuu Jacfar al Maansuur wuxuu ka dhursugayay Sufyaan. Muddo haddii uu sugay, Sufyaanna la laayahay weli, ayaa boqorkii dhawr jeer yidhi, “Sufyaan mee, Sufyaan mee?” Kolkii uu iman waayay ayuu diray koox Sufyaan gurigiisii ugu tagta. Markii ay soo gaadheen gurigii Sufyaan, waxa ay waayeen isagii; dadkii jaarkuna waxay u sheegeen in xalay saqdii dhexe uu Sufyaan guureeyay kana baxay gurigiisa.

Boqorkii aad ayuu u cadhooday. Waxa uu bilaabay inuu warqado u diro dhammaan badhasaabyadii u joogay Masar, Shaam, Yaman, Xijaas, Najdi. Waxa uu ugu ballan qaaday in haddii ay keenaan Sufyaan oo nool la siin doono abaal marin fiican oo ay ku farxi doonaan. Sufyaan weli waxa uu ku sii jiraa safarkiisii. Bar-tilmaameedkiisu wuxuu ahaa Yaman si halkaas uu muddo ugu negaado. Intii uu dhexda ku sii jiray, waxa ka go’ay saadkii kaddibna wuxuu u tagay nin beer leh. Wuxuu u sheegay inuu beerta uga shaqaynayo kana qaadanayo mushahar yar si uu uga helo kharashka waddo maridda. Waxa lagu heshiiyay in Sufyaan muddo bil ah ka shaqeeyo beerta. Ninkan beerta lehi wuu ogaa in Sufyaan madaxiisa lacag la dul dhigay laakiin ma oga in ninkani Sufyaan yahay. Sufyaan shaqadii ayuu guda galay wuxuuna muddo ka shaqaynayay beertii. Maalin ayaa ninkii beerta lahaa ku yidhi, “Adeege, ii keen xabbad cinab ah oo macaan.” Sufyaan ayaa u geeyay xabbaddii cinabka ahayd. Mise waa qadhaadh! Mar labaad ayuu ka codsaday xabbad cinab ah oo macaan. Haddana wuxuu u keenay midh qadhaadh! Ninkii beerta lahaa ayaa aad u cadhooday oo yidhi, “War cinabka macaan iyo ka aan bislaan miyaanad kala garanayn?” Sufyaan ayaa durbadiiba ku hal celiyay, “Maan dhadhamin ba.” “Bil baad joogtay hadda welina maad dhadhamin?” “Kaamaan helin oggolaansho aan ku dhadhamiyo sababtaas ayaa keentay inaan baran waayo, waxaanan ka baqay in Maalinta Qiyaame Eebbe ii xisaabiyo.” Ninkii beerta lahaa oo ka yaabban xalaal-miirashada Sufyaan ayaa yidhi, “Xitaa haddii aad tahay Sufyaan al-Sawrii ayaanad sidan samayseen.” Ma garanayo inuu isagiiba yahay, laakiin wuxuu u sheegayaa in xalaal-miirashadiisu qoto dheertahay. Ninkii iska bax oo xaggaas iyo suuqii tag, Sufyaanna shaqadiisii ku hadh. Ninkii beerta lahaa oo la fadhiya nin ay saaxiib ahaayeen ayay sheekaysteen. Wuxuu uga sheekeeyey in nin xalaal-miirasho badan la joogo. “Hagaag, bal ninka ii sifee,” waxa yidhi saaxiibkii. Kolkii uu tilmaamihiisii bixiyay ayuu yidhi, “Wallee ninka tilmaamahaas lehi waa Sufyan ee inna kici aan soo qabannee si boqorku innoo siiyo abaal-gudkii.” Meeshii ayay ka ordeen yagoo u kacay geestii beertu ka xigtay. Sufyaan wuu iska sii baxay isagoo xak**aha ku xidhay baqashiisii, Yamanna u jihaystay. Labadii nin way ku hungoobeen Sufyaan gacmo madhanna way la soo noqdeen. Sufyaan wuxuu gaadhay waddankii Yaman. Dadka ayuu u adeegi jiray si nolol-maalmeedkiisa uu ku kafeeyo. Dadkii ayaa ku tuhmay tuugannimo. Sufyaan la xidh, waxaana loo geeyay badhasaabkii Yaman. “Ka fura xadhkaha, “boqorkii ayaa ku yidhi ciidankii. Kolkii laga furay ayuu ku jalbeebiyay dhawr weydiimood oo daran-doorri ah. “Qiro inaad wax xadday.?” “Mey, wallaahi waxba ma xadin.”
Boqorkii: Ii sheeg magacaaga. Sufyaan oo ka warwareegaya inuu magaciisa u sheego boqorka ayaa yidhi, “Magacaygu waa Cabdullahi – addoonkii Ilaahay. Boqorkii ayaa degdeg ugu warceliyay Sufyaan, “Dhammaanteen waxaan nahay addoomadii Ilaahay ee sheeg magacaaga, Ilaahay baan kugu dhaariyee.” Sufyaan haatan waxa lagu riday dhabbo ay adag tahay ka soo noqodkeedu. Waxa uu yidhi, “Magacaygu waa Sufyaan.” Boqorkii ayaa haddana weydiiyay, “Sufyaan ayo.” “Sufyaan Cabdullahi.” “Dhammaanteen waan wada nahay addoomadii Ilaahay ee sheeg magaca aabbahaas Ilaah baan kugu dhaariyee.” Sufyaan oo aan haatan joogin meel uu ka baxo ayaa yidhi, “Sufyaan binu Saciid al Sawrii.” Boqorkii waxa uu si buuxda u ogaaday in ninkani yahay ninkii la doon-doonayay ee Abuu Jacfar al Mansuur u baahnaa. Sufyaan ayuu ku yidhi, “Ma adigaa ninkii amar-diiddada ku sameeyay boqorka?” “Haa, waa aniga.” “Ma adigaa ninkii ka soo baxsaday Abuu Jacfar al Mansuur.?” “Haa, waa aniga.” “Ma adigaa ninka madaxiisa la dul dhigay abaal-gud ka?” “Haa, waa aniga.”Intaas ka dib, waxa is eegay labadoodii. Kolka uu qofku si fiican u abbaaro dhabbadii Eebbe Weyne u jeexay kana fogaado wax kasta oo ka marin habaabinaya taas waxa u sahlanaada hawlo kakan.

Sufyaan weli aan ka dhaqaaqin madashii ayaa Boqorkii ku jalbeebiyay xadiis Suubbanuhu sheegay kuna jira Kitaabka Musnadu Axmed darajo ahaanna sugan. Xadiiskaas oo odhanaya: Ilaahay ogaada kolka aad badhaadhaan wuu idin ogaani kolka aad dhibaataysan tihiin e. Boqorkii oo aad ugu dhawaa Sufyaan hadallada uu tibaaxayana si mug leh uu dhuuxaya dhegihiisana u raaricinaya ayaa yidhi, “Sufyaanaw waddankan Yaman meeshaad doonto kaga noolow, sidaad doonto na ugu noolow. Wallaahi haddii aad lugahaaga i dul saarto, iga qaad ku odhan maayo!” Waxa si dhab ah u taabtay hawraarta uu Suubbanuhu tilmaamay isagoo durbadiiba u beddelay mid fal. Sufyaan al Sawrii waxa uu muddo iska dhex mushaaxaayay waddankii Yaman isaga oo helay kalsooni buuxda oo geestii uu doono iyo gooshkii uu doona ba iska tagayay. Kolkii danbe waxa uu u anba-baxay magaalada barakaysan ee Maka al Mukarrama. Si weyn ayaa halkaas loogu soo dhaweeyay aqoonyahanka. Dhammaan dadkii ku dhaqnaa magaaladaas waxay u xidh-xidheen sidii ay aqoonta dihin ee Sufyaan lahaa uga faa’idaystaan. Waxa halhaleel loogu yagleelay rugo uu dadka ku baro geesaha kala duwan ee diinta. Sufyaan wuxuu dadka bari jiray aqoonta Xadiiska iyo Fiqiga. Abuu Jacfar oo weli ku daba jiray Sufyaan ayaa maqlay in Sufyaan uu ku sugnaa Maka. Aminkaas oo ku beegnaa Xajkii, waxa uu abuu Jacfar al Mansuur iska sii horreysiiyay koox ciidankii ka mid ahaa oo u oo uu ugu talo galay inay loox ku sii xidhaan Sufyaan si uu isagu ugu soo gaadho gacantiisa na ugu dilo. Kooxdii loo igmaday hawshaas waxay galeen magaaladii Maka. Waxa magaaladii ka bilaabmay guux xooggan iyo gardarro aan geed na loogu soo gabban. Waxay ku qaylinayeen, “Sufyaan mee.” “Sufyaan ayaanu u soconnaa.” Culimadii iyo caammadii kolkii ay u dulqaadan waayeen dhibta joogta ah ee ay ku hayeen ciidankaasi ayay Sufyaan ku yidhaahdeen, “Sufyaan intii annaga lana layn lahaa, adigu keligaa u bax oo u tag nimankan.” Sufyaan inta uu ka baxay dhufayskii uu ku jiray ayuu tagay Kacbada. Intuu daaheedii ku dhagay ayuu yidhi, “Ilaahayaw waan kugu dhaartaye, yaanu Abuu Jacfar al Mansuur soo galin Maka. Ilaahayaw yaanu abuu Jacfar al Mansuur soo galin Maka. Arrintii ugu yaabka badnayd se waxay dhacday kolkii abuu Jacfar soo gaadhay duleedka Maka oo malaggii naftu ka qaaday naftii, meydkiisiina la keenay magaaladii Maka si loogu tukado.

09/03/2017

HANADKII HILLOOBAY!
Sheekadii Sufyaan al-Sawrii
Qaybta koowaad
Diinta Islaamka ayuu dhabbadeeda dhab u qaaday. Farriimaha ay diintan suubbani gudbinayso ayuu geestiisa qabtay kolkaa ayuu si geesnimo ka muuqato guudkiisa u saartay.

Falalka togan ayuu si farshaxannimo leh u abbaaray isaga oo fiirinaya sugnaashaha xogta uu ku camal falayo – saddexdii raac ee ammaanta gaarka ah lagu jalbeebiyay ayuu ka sii joogay, loogamana baqanayn jaahwareer iyo jiicsin kaga timaadda guhaadda iyo gooddiga uu shaydaanku aadamaha u hayn jiray, u hayo una hayn doono. Wanaag oo idil waa lagu tilmaami jiray waracna hadalkiisaba daa. Hormoodnimadiisu waxay ahayd arrinta aan marnaba muranka gelin ee sida weyn taariikhda Islaamka ugu sugan.

Deggenaan, dulqaad badan iyo wax u fiirsi badan ayaa barbaarnimadii lagu bartay. Intaas oo dhan kolka laga yimaaddo ma ahayn af-garooc aan ereyada odhan karin ee murtidu afkiisa ayay ka soo qulquli jirtay, waxaana uu eray walba ku hubsan jiray halka uu ku habboon yahay. Waxa lagu tuhmi jiray aqoon bislaatay, asraartan yari iyo aftahannimo Eebbe Weyne ku arsaaqay. Dhiiranaantu waxay ahayd astaan lagu majeerto; goobaha dagaalka wuu ka sheegganaa. Kolka xurgufi soo kala dhex marto Muslim iyo gaal, waxa uu ahaa geesi warmaha ku soo ganan aan ka waaban ee laabta u soo dhigta. Kolka kobta la iskugu yimaaddo ee raggu gar iyo guddoon isku soo ururaan wuxuu ahaa daacad aan kanaa wadaad ah iyo kana wabiin ah u eegin ee sidii Rabbi ku ogaa wax u kala gooya. Dhammaan tilmaamahaasi ruuxay ku dhaboobeen iyo aanay dhaafin waa Sufyaan binu Saciid al-Sawrii, baanis na maaha ee wax bannaanka yaalla.

Kolka magaciisa aan soo hadal-qaado, waxa dad badan maankooda ku soo degdegaya Sufyaan iyo sidii uu u koobsaday hormoodnimadii iyo horseednimadii aqoonta xadiiska ee waagii uu noolaa dhammaan dadkii ay isku geyiga iyo gooshka ahaayeen la ashqaraareen, qaarkoodna siiyeen kaalinta koobaad. Tafsiirka kuma liidan ee waxa uu ahaa nin hillinka iyo hogta ayaadaha aan ku qunbucanin ee qummaati u fahansanaa. Dhan kasta oo ay noqoto diinta, Rabbi wuxuu ku galladay aqoon dihin iyo aragti fog. Dhigganayaal ayaa lagu qoray warkiisa, maqaallo luuqado kala duwan ku baxayna waa laga diyaariyay. Haddaba, aan soo minguuriyo mid ka mid ah ragga sida ugu fiican uga sheekeeyay; waa taariikhyahankii Muslimiintu u qirtay Dahabi iyo sheeko xiiso badan oo uu ka qoray. Sugnaanshaha sheekadaas shaki kuma jiro sababtuna waa hufe iyo haadiye weyn oo soo guuriyay. Maalin ayaa madaxeynihii Muslimiinta Abuu Jacfar doonay inuu magacaabo badhasaab. Kolkii la rog-rogay dadkii waxay isku raaceen in ninka keliya ee ka soo bixi kara hawshaas loo igmaday uu yahay Sufyaan al-Sawrii. Durbadiiba waxa la diray ergo u tagta Sufyaan si ay ugu sheegaan in Madaxweynihii doonayo araggiisa. Sufyaan waa yimid wuxuuna Madaxweynihii ku yidhi, “Maxaa doonaysaa, Madaxweyne?” Madaxweynihii ayaa ku warceliyay, “Inaan kuu magacaabo gobol hebel si aad uga taliso, maadaama oo aad tahay qofka ugu habboon ee xilkaas loo igmaday ka soo baxaya.” Sufyaan ma sugsugin hadalkii Madaxweynaha ee waxa uu ku celiyay, “Kuma fiicni garsoorka.” “Iska dhaaf, waad noqonaysaaye.” Sidaas waxa yidhi Madaxweynihii. Sufyaan oo aad u diiddan xilka loo magacaabay ayaa yidhi, “Ma doonayo inaan garsoore noqdo.” Intaas ka dib waxa aad u xanaaqay madaxweynihii Jacfar al Mansuur oo yidhi, “Meeye, ciidankii seefuhu?” “Maxaad doonaysaa, madaxeyne?” “Waxaan doonayaa salligii dadka lagu gawrici jiray iyo seeftii.” Degdeg ayaa dalabkii madaxweynaha loo fuliyay waxaana la soo diyaariyay darmadii dadka lagu gawrici jiray oo la goglay. Sufyaan oo amakaagsan ayaa yidhi, “Maxaad samaynaysaan?” “Waanu ku dilaynnaa,”ayay ku warceliyeen.

Sufyaan oo amakaagsan ayaa yidhi, “Hagaag, haddii ay sidaas tahay, berri aan soo diyaar garoobo.” “Haye, ee ha soo habsaamin,”ayuu boqorkii ugu hal celiyay. Intaas ka dib, Sufyan degdeg ayuu uga huleelay madashii lagu jirrabay isagoo u anba-baxay dhankaas iyo gurigiisii. Aminkii is-beddel. Kolkii mugdigii soo kordhay, qiyaastii habeen badh na ay ku beegan tahay, Sufyan inta uu alaabtiisii soo urursaday ayuu fuulay baqal. Sufyaan goor habeen ah ayaa ka guureeyay Kuufa iyo Ciraaq ba isagoo la baxsanaya diintiisa. Kolkii uu waagu baryay, boqorkii Abuu Jacfar al Maansuur wuxuu ka dhursugayay Sufyaan. Muddo haddii uu sugay, Sufyaanna la laayahay weli, ayaa boqorkii dhawr jeer yidhi, “Sufyaan mee, Sufyaan mee?” Kolkii uu iman waayay ayuu diray koox Sufyaan gurigiisii ugu tagta. Markii ay soo gaadheen gurigii Sufyaan, waxa ay waayeen isagii; dadkii jaarkuna waxay u sheegeen in xalay saqdii dhexe uu Sufyaan guureeyay kana baxay gurigiisa. Boqorkii aad ayuu u cadhooday. Waxa uu bilaabay inuu warqado u diro dhammaan badhasaabyadii u joogay Masar, Shaam, Yaman, Xijaas, Najdi.

26/02/2017

SOOMAALIDII H**E IYO SUUGAANTA
Qormada koobaad
HORDHAC
Diyaarintii Guuleed Maxamed Yaasiin "Dalxa"
Soomaalidu waxay ka mid yihiin ummadaha hillinkooda iyo hayaankooda nololeed aan dhab loo ogayn illaa haatan iyadoo ay ugu wacan tahay reer guuraanimada ay muddo dheer ku soo jireen iyo yaga oo aan ahayn dad aan waxba qorin waxna akhriyin ee afkooda maala. Badi hawraartooda waxay ku gudbin jireen hab-suugaaneed aan filayo in saddex ay ugu badnaayeen: gabayga oo ahaa mansabka ugu sarreeya, geeraarka iyo jiiftada. Hadh iyo habeen waxay ku foogganaayeen curinta maansooyin foolaad ah oo si dhab ah u taabin jirtay dareenka dhiggoodii waagaas ka warsugayay. Sidoo kale waxa jiray hab afaraad oo hees ahaa guud ahaanna waxa laysku odhan karaa maanso sida ay qabaan suugaanyahanno illaa haatan carriga Soomaaliga ku nool. Dabcan way jireen niman taariikhyahanno ah oo Soomaalida wax ka qoray, malahaygana Ibnu Batuuta uu ugu horreeyay, waayadii danbe na Lewis iyo Richard Barter – geesta taariikhda ma eegi doono ee waxaan millicsan doonaa badweynta suugaantoodii maad oo idili dhex muquurtay, maamuus na u dheeraa. Guud ahaan luuqadaha adduunka uu tiro ahaan kor u dhaafaya 6500 oo luuqadood, kolka la daraasaynayo, waxa laga eegaa tix iyo tiraabta. (Prose and Poetry; الشعر والنثر 1

Gabaygu waa bad-weynta suugaanta kan ugu sarreeya sidoo kale waa il muhiim u ah maahmaahda Soomaaliga ah oo badanaa lagu yaqaanno inay leedahay xaraf raaca gabay ga loo shardiyo ‘qaafiyad’ na loo yaqaanno. Tusaale ahaan: Qammaan Bulxan gabay uu tiriyay laba meeris oo maahmaah noqday ayaa ahaa:
Baadida nin baa kula daydayoo, daalna kaa badan e,
Doonahayn in aad hesho daa’in abidkaay e,
Sidoo kale, gabaygii uu tiriyay Dhaqan yaqaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Muuse Cali Faruur, waxa ku jiray tuduc ahaa:
Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaa.

Isugeynta labadaas caddeymood iyo kuwo kale oo aynaan halkan ku soo minguurin, waxay tibaaxaysaa in meerisyada gabayada qaarkood isku rogaan maahmaah – taas beddelkeeda qaar ka mid ah ragga sida weyn loogu yaqaanno afka Soomaaliga aqoonta durugsan ee ay u leeyihiin waxay sheegaan ba in maahmaahdu ka hadhay gabay intiisii kale luntay! Si kasta oo ay ahaataba, maahmaahdu waxa kale oo ay ku timaaddaa dhacdo kol dhacday hawraar ka hadhay oo si weyn loola ashqaraaray kaddibna raacii ay ku dhacday oo gaadhsiiyay raacii xigay sidaasna ay bari iyo bogax ba uga dhacday maqalkeeduna dheeraaday.

1. Saddex Alle kuma bado, hadduu ku bado na saddex kaagama dhigo. Waalid inkaar Alle kuma bado, hadduu ku bado na inanka reerka u weyn Ilaahay kaagama dhigo.2
2. Ilaahay talo xumo kuma bado, hadduu ku bado na Ilaahay odayga reerka kaagama rido.
3. Ilaahay hunguri weyni kuma bado, hadduu ku bado na islaanta reerka kaagama rido
4. Saddex waa mugdi; saddex baa u miciin ah; saddex baa ka macaan; saddex na waxba uuguma taallo.
Saddex waa mugdi: abaari waa mugdi, caws baa u miciin ah, doogaal baa ka macaan, qofkaan xoolo lahayn se waxba uuguma taallo
Habeen waa mugdi, dayax baa u miciin ah, dharaar baa ka macaan, qofkii aan indho lahayn se waxba uuguma taallo
Colaadi waa mugdi, heshiis baa u miciin ah, nabad baa ka macaan, qofkii dhintay se waxba uuguma taallo
5. Talo siyaasad baa ka hadhay; oday samir baa ka hadhay; dumar socod baa ka hadhay; dhul na sagaro ayaa ka hadhay; geel na seeto ayaa u hadhay
6. Saddex abaarood ayaa jira: abaar rag, abaar dumar, iyo abaar geel
Abaar geel waa ilko la’aan
Abaar dumar waa ubad la’aan
Abaar rag waa arrin la’aan
7. Jeerin lagamana boodo lagamana duso;
8. Nin rag ah dhiil baa lagu rartaa, dhoon aad ka furatid e’
9. Soomaalidii h**e waxay yidhaahdeen dumar ninkee ugu fiican? Ninka hayinkeeda noqda, haybaddeedana ilaaliya, hantideed se lama noqdo.

RAAD-RAAC:
1 – Ibnu Khaldun, Muqaddima. Daarul Jeyl, Beyruud. 642.
2 – Abwaan Muuse Cali Faruur

19/02/2017

KABBASHADA CILMIGA GAABAN WAA LAGU KADEEDMAA!

Waa hawraar dhabnimadeeda aan laba Cali is weydiinayn. Adeegsiga cinwaankaas oo aan ka soo dheegannay gabay uu tiriyay Abwaanka weyn ee Muuse Cali Faruur waxa aan ku caddaynaynaa dad maan-gaab ah oo bulshada marinhabaabiya isla markaana ka leexiya tubta toosan.
Sida guud ahaan Muslimiintu ka warqabaan diinta Islaamku waa diin fudud, ku dhaqankeeda ummadda Alle wuu u fududeeyay, hase ahaatee, dhibtu waxay tahay yadoo Rabbi fududeeyay in doxorro maan-gaabnimo u dhashay dadka ku adkeeyaan iyagoo aan wax badan ka ogayn xogaha sugan ee diinta isla markaana aan daba galin baadhitaannada dhaadheer ee sida xeesha dheer ay u lafa gureen aqoonyahannadii h**e(ISTIQRAA).

Waa amin galab ah goor-sheegtu waxay tilmaamaysaa shantii galabnimo, cadceedduna waxay ku sii siqaysaa godkeedii. Waa laba kuray oo gaashaan-qaad ah iyo weydiin deg-deg ah, “ Tusbax ayaad sidataa, waana xaaraan, sawtii aad waxoogaa diinta ka taqaannay.” Yaab iyo af-kala qaad ayay noqotay, waayo dhawaan ayay ahayd kolkii labadan kuray ka yimaaddeen dhinaca baadiyaha; weli si rasmi ah Qur'aanka umay khatimin, rug waxbarasho ayay galeen oo kutubta hoose loogu laqbeeyo. Wareysi ka dib, xitaa waxay durayaan aqoonyahankii diinta ugu waaweynaa magaalada. Warcelintaydii waxay ahayd, “ Sida aan ka warhayo, wax diidayaa ma jiro adeegsiga tusbaxa.” Haddaba, masaladaas aan ummadda u caddeeyo si aan mar danbe mugdi u galin.

MAXAY DIINTU KA QABTAA ADEEGSIGA TUSBAXA?

Hillinka iyo ujeeddada weydiintu waa kolka lagu tasbiixsanayo. Sida ay tibaaxeen aqoonyahannada diinta xogaheeda sugan u kuur galay, ma jiro xog sugan oo xadiis ama aayad leh oo sheegayay tusbaxa laftigiisa; hase ahaatee, waayadii danbe ayuu soo baxay adeegsigiisu. Ummadda Muslimiintu waxay leedahay dhaxal – dhaxalkaasi waa aqoonyahanka diinta sida ku xusan xadiiskii Abuu Dardaa’ ee Bukhaari iyo Muslim ba soo saareen. Kolka ay masalo cusubi (naasilo) ahi timaaddo, iyaga ayaa dedaala kaddibna war-murtiyeed soo saara, kaas ayaa bari iyo bogax ba u baxa, bulshadana la faraa inay u hoggaansanaadaan. Sidee ayay ku helaan xal? Ma ku habsadaan dhabbada saxda ah mise way garab maraan? Weydiimahaas hadda muhiim maaha inaan ka warceliyo.

ODHAAHDA AQOONYAHANKA DIINTA

Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya waa ruug-caddaa diinta Islaamka u soo halgamay; aqoonyahan masaa'ilka diintu u bislaatay. Dood-diineed weligii dhankiisa dhulka lama dhigin. Gaal iyo Islaam uumiyahan dunida guud jooga, waa nin maan dheeri, mutuxnaan aqooneed, ay ku tuhmaan. Dhigganayaasha uu qoray waa nin lala ashqaraaray oo diini iyo maadi ba Eebbe ku mannaystay, waxa uu ahaa ruuxa keliya ee xitaa dadkii la doodi jiray ee Muslimiinta ahaa (Ashaaciro iyo Suufiyo) ay gebi ahaan ba ka amakaageen wax uu Rabbi nimcooyin ku maasheeyay. Qofka doonaya macluumaadkiisa ha eego SIYAR ka iyo ammaanta uu Dahabi qoray. Xaafidka waxa laga hayay , “ Ammaan waxa ugu filan inuu arday giisa noqday Ibnul Qayim.” Hawraarta ay durabadiiba ku hal-gaadeen ayaa ah, “ Kaana Baxran Fil Cilmi,” oo ay ula jeedeen waxa uu ahaa bad cilmi ah. Carabtuna waxay ku maahmaahdaa, “ Xaqiiqdu waa waxay xitaa cadawgaagu kuu qiraan.” Kolkii ay tii Alle u timid, waxa ku tukaday halqigii ugu badnaa inta la weriyay ee qof dhinta ku tukada, taasina waxay ku tusinaysaa mansabka uu Alle ninkaas gaadhsiiyay. Weydiintu waxay haddaba tahay, muxuu ka yidhi tusbaxa? Weli ma soo marin dabadii ummadda Muslimiinta ruux ka cilmi badan oo gees kasta sidaasi ugu bislaatay meelna u saaray, qof kasta oo wax akhriyaana wuu ila qirayaa.” Sheekhul Islaam: Tusbaxa wuxuu ku tilmaamay wax wanaagsan oo aan makruuh ahayn haddii niyaddu fiicnaato.” Tix-raac: Majalladda 22aad bogga 506 – majmuucul fataawaha.

Kol Sheekh Ibnu Cusaymiin oo isna ahaa ruug-caddaa fiqiga yaqaan oo casrigan ahaa ragga ugu horreeya la weydiiyay xukunka tusbaxa: “ Tusbaxu maaha bidco diineed, waayo ulama jeedaan dadku inay isaga caabudaan, ee waxay ula jeedaan inuu tirsado inta uu ridayo tasbiixda; waa waddadii la sii marayay ee maaha maqsadkii. Hal mid oo se ii dihin: Wasiilada la iskuma bidceeyo, ee maqsadka ayaa la isku bidceeyaa. Waxa se fadli badan in faraha la isticmaalo waayo waa laga dhawaajinayaa.” Majmuuc Fataawa wa Rasaa'il Mj 13

Sheekh Ibnu Baas

Kol la weyddiiyay oo isna ahaa aqoonyahankii Casriga ee Alle ummadda Muslimiinta ku anfacay waxa uu ku warceliyay, “ In la iska daayo ayaa fiican, laakiin dhib ma laha haddii qofku gurigiisa ay u taallo oo uu iska ilaaliyo istusnimada. Tusbaxa, dhagaxa iwm wuu ku tirsan karaa wardiga, waxa se kaba sii fiican adeegsiga faraha.” Kadibna sheekhu xadiiskii ayuu keenay. Soomaalida culimada u dhexda ah ee aan ku jirin wax xarako ama koox diimeed waa Sh Shibli oo ah caalim Soomaaliyeed ku fogaaday diinta Islaamka, mar la weydiiyay adeegsiga tusbaxa, wuxuu tibaaxay inuu bannaanyahay. Sidoo kale, Sh Maxamed Dirir oo isna ah Muftiga Somalilaand wuxuu sheegay in la adeegsan karo.

GUNTII IYO GABOGABADII

Haatan waxaan filayaa ruuxii xaq doon ahi inuu gartii qaatay. Meeris gabay ah oo aan ka soo gaadhnay odayga gadh-caddaaga ah ayaa ahayd: Wuu darajo beelaa ruuxii loo danleeyahay. Ugu danbayntii, waxa la gudboon dadka diinta suuban ee Islaamka baranaya is dhul-dhigid badan, af-gaabnimo ballaadhan, ixtiraam badan, u naxariisasho bulsho – uma se bannaana dhega-adkaan, asraartan badan, iyo akhlaaq dhalanteed ah. Waxay iila muuqataa in talada aan soo jeedinnay si dhab ah loo qaato ee aanay noqon, “ Dhurwaa ul lala gaadhi waa, afna wax lagaga qaadi waa.”

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

26 June
Hargeisa
00252