03/04/2017
SALMAAN SAMIR BADNAAYE E,
Waa sheekadii Salmaan al Faarisii
Mid ka mid ah waddooyinka ugu habboon ee aadamaha maankiisa wax looga dhaadhiciyo waxa ka mid ah in loo soo tebiyo sheeko dhabnimadeeda aanu shaki ka taagnayn. Salmaan al Faarisi waa mid ka mid ah jaalleyaashii ugu faca weynaa ee Suubbanaha muddo dheer la deggenaa. Sida ku sugan dhigganaha weyn ee Axmad binu Xanbal ku ururiyay axaadiista loona yaqaanno Musnadu Axmed, waxa uu u warramay saxaabigii la odhan jiray Ibnu Cabbaas. Hadalkiisii oo dhammaystiran ayaanu idiin soo tebin doonnaa. “Waxaan ahaa nin u dhashay waddankii Beershiya, gaar ahaan reer Asfahaan ayaan ahaa. Tuulada aan degi jiray waxaa la odhan jiray Jayi. Aabbahay wuxuu ahaa duqa tuulada aan ku noolayn. Waxaan ahaa wiil aabbihii aad u jecelyahay. Wuxuu ii ilaalin jiray sidii gabadh gashaanti ah loo ilaalin jiray.
Dedaalka ugu xoogganaa waxaan dul dhigay diinta Dab-caabudka ama Majuuska illaa aan ka noqday qofka dabka shida. Sidoo kale, aabbahay wuxuu lahaa beer weyn. Maalin ayuu aad ugu mashquulay dhisme uu lahaa. Ka dibna wuxuu ii sheegay inaan beertii tago, soona eego. Waxa kale oo uu i faray inaan hawlo ka qabto. Waan baxay si aan beertii aabbahay u tago. Kolkii aan waddadii marayay ayaan arkay kiniisad ka mid ah kiniisada Nasaarada. Way tukanayeen dadkii ku sugnaa, codkooduna dhagahayga ayuu ku soo dhacayay. Laakiin ma dhaadsanayn waxay ka hadlayaan waayo aabbahay ayaa guri igu hor joogi jiray oo ma ahayn nin ka warqaba waxa dibadda ka dhacaya. Goobtii ayaan gudaha u galay, bal si aan u fiirado waxay samaynayeen. Kolkii aan galay, waxa aad ii soo jiidatay salaadda ay tukanayeen, waxaanan jeclaaday diintoodii. Durbadiiba naftayda ayaan ugu sheekeeyay inay diintani tahay diin ka fiican tii aabbahay iyo dadkayagu ku dhaqmi jireen. Eebbe Weyne ayaan ku dhaartaye, k**a tagin goobtii illaa ay cadceeddii dhacday; beertiina maba tagin. Waxaan intaas ka dib weydiiyay waddanka ay ka soo farcantay diintani. Waxay iigu warceliyeen in diintani ka timid dhulkii la isku odhan jiray Shaam. Waxaan u imid aabbahay. “Inankaygiiyaw xageed tagtay? Saaka maanan kula sii ballamin?”ayuu aabbahay yidhi. Aniguna waxaan ku idhi, “Aabbo saaka waxaan sii maray qolo kiniisad ku cibaadaysanaysa, waxaana aad ii cajabiyay wixii aan ka arkay diintooda.” Aabbahay markiiba wuxuu igu yidhi, “Aabbo diinteenna ayaa ka fiican.” “Mey, aabbo k**a fiicna. Diintooda ayaa teena ka kheyr badan”, ayaan idhi. Lugta ayuu iga xidhay oo weliba silsilad bir ah ayaa la igu xidha, guriga ayaana laygu xabisay mar labaad. Farriin ayaan u dirsaday dadkii kiniisada joogay. Waxaan ka codsaday in ay ii soo sheegaan haddiiba ay arkaan socoto ka timid Shaam. Socoto ayaa Shaam ka timid, arrintiina waa la i soo gaadhsiiyay, waxaanan u sheegay in la ii soo sheego kolka ay dib u noqonayaa ee ay alaabtooda dhammaystaan. Salmaan wuxuu yidhi, “Birtii ayaan lugtayda ka furay, yagiibaan raacay, illaa ay i geeyeen Shaam. Dadkii aan Shaam ugu imid ayaan weydiiyay diintan ay haystaan cidda ugu fadliga badan. Waxa loo sheegay ninkii ugu aqoonta badnaa ee kiniisadda haystay. Waxaan ninkii ku idhi, “ Waxaan jeclaystay diintan, waxaan sidoo kale jeclaystay inaan kuu adeego. Inaan waxkaa barto, isla markaana kula cibaadaysto ayaan rabaa. Wuu iga aqblay, hawraarsan ayuuna ku warceliyay. Saw ninkani waa nin xun – dadka sadaqada ayuu farayaa, kuna dhiiri galinayaa, kolka loo soo ururiyana isaga ayaa dib u qarsada oo qasnado hoose ku aasta. Dadka masaakiinta ahna waxba muu siin jiray. Xaddi badan oo dahab iyo maar ah ayuuna qarsaday. Kolkii danbe aad ayaan u nacay ninkaas, waxaan gebi ahaanba diiday wuxuu samaynayo. Waxa geeriyooday sheekhii Nasaarada ahaa. Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.
Intaas ka dib, waxa uu Salmaan soo saaray toddoba kiish oo dahab iyo maari ka buuxdo. Waxayna ku dhaarteen in aanay aasayn weligiiba. Ka dib loox ayay ku daldaleen, waxay na ku ganeen dhagaxaan. Salmaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “ Nin kale ayay Nasaaradii ku soo beddeleen kii h**e booskiisii. Waxa uu ahaa nin salaadda ka adag; habeen iyo dharaarba salaad u taagan, adduunyada ka saahiday, aakhirana jecel. Waan jeclaaday; jaceyl aanan qof la mid ah jeclaanin. Gu’yaal ayaan la joogay, illaa ay u timid geeridii. Kolkaas ayaan ku idhi, “ Waan kula joogay muddo, aad ayaanan kuu jeclaaday, waanad aragtaa inay maanta kuu timid tii Alle, markaa maxaad igula dardaarmaysaa? Maxaad se i faraysaa? Sheekhii wuxuu ku warceliyay, “ Inankaygiiyaw, wallaahi maanta ma garanayo cid ku sugan dhabbada togan ee aan ku taaganahay, dadkii diintii way beddeleen wayna ka tageen. Keliya waxaan xusuustaa nin jooga magaalada Moosil.
Ninkaasi wuxuu haystaa diintii xaqa ahayd ee u tag isaga. Salmaan wuxuu yidhi. Markii uu dhintay waxaan u tagay ninkii Moosil joogay ee uu ii tilmaamay.Waxaan ku idhi, “Hebel ayaa ii kaa soo tilmaamay, iina sheegay inaad diintii xaqa ahayd haysato, wuxuuna ii sheegay inaan kula joogo.” Wuxuu iigu warceliyay, “Ila joog.” Ninkani wuxuu noqday nin dariiqii haya oo wanaagsan, waxyar kaddibna wuu dhintay. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay, ayaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo dardaarmay ina faray inaan kuu imaaddo, haddana waad aragtaa inay geeridii kugu soo xaadirtay, maxaad igula talinaysaa? Wadaadkii wuxuu ku warceliyay, “Inankaygiiyaw, wallaahi ma garanayo cid ku sugan diintii aanu haysannay marka laga reebo nin jooga Nasiibiin. Waxaan u imid ninkii Nasiibiin joogay. Muddo kolkii aan la joogay wuu dhintay. Waxaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo tilmaamay waanan kuu imid, de waa taan oo geeridiina kugu soo xaadirtay, de ii dardaaran, ina tilmaan.” Wadaadkii waxa uu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, maanta cid sii nool oo diintan haysata waxaan garananayaa oo keliya nin jooga Camuuriya.” Waan tagay waxaanan u anbabaxay Camuuriya, anigoo la kulmay ninkii. Waanan u warramay. “Ila joog,” ayuu igu yidhi. Muddadii aan la joogay ninkaas waxaan shaqaystay waxoogaa xoolo ah oo isugu jira adhi iyo lo’. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay ayaan isna intii in le’eg ku idhi. Markaa bal ila dardaaran. Wadaadkii wuxuu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, cid aan kuu tilmaamo ma garanayo; anigaa ugu danbeeya qof haysta diintii saxda ahayd. Laakiin waxa soo dhaw waagii uu soo bixi lahaa Nebi laga soo saarayo dhulka Carabta oo ku abtirsada diintii Nebi Ibraahiim. Nebigaasi wuxuu u soo haajiri doonaa dhul ku yaalla laba dhagax-shiil dhexdooda; laba taag oo leh dhagaxaan madmadow oo timirtu ka baxdo. Sidoo kale, Nebigaasi wuxuu leeyahay summado aanad hilmaami karin. Tilmaamaha aanad gafaynin waxa ka mid ah: hadyadda wuu qaataa, sadaqada ma qaato; labadiisa garab dhexdoodana waxa ku taalla shaanbaddii nebinnimada.
Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.
Intaas ka dib, waxa uu Salmaan soo saaray toddoba kiish oo dahab iyo maari ka buuxdo. Waxayna ku dhaarteen in aanay aasayn weligiiba. Ka dib loox ayay ku daldaleen, waxay na ku ganeen dhagaxaan. Salmaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “ Nin kale ayay Nasaaradii ku soo beddeleen kii h**e booskiisii. Waxa uu ahaa nin salaadda ka adag; habeen iyo dharaarba salaad u taagan, adduunyada ka saahiday, aakhirana jecel. Waan jeclaaday; jaceyl aanan qof la mid ah jeclaanin. Gu’yaal ayaan la joogay, illaa ay u timid geeridii. Kolkaas ayaan ku idhi, “ Waan kula joogay muddo, aad ayaanan kuu jeclaaday, waanad aragtaa inay maanta kuu timid tii Alle, markaa maxaad igula dardaarmaysaa? Maxaad se i faraysaa? Sheekhii wuxuu ku warceliyay, “ Inankaygiiyaw, wallaahi maanta ma garanayo cid ku sugan dhabbada togan ee aan ku taaganahay, dadkii diintii way beddeleen wayna ka tageen. Keliya waxaan xusuustaa nin jooga magaalada Moosil. Ninkaasi wuxuu haystaa diintii xaqa ahayd ee u tag isaga. Salmaan wuxuu yidhi. Markii uu dhintay waxaan u tagay ninkii Moosil joogay ee uu ii tilmaamay.Waxaan ku idhi, “Hebel ayaa ii kaa soo tilmaamay, iina sheegay inaad diintii xaqa ahayd haysato, wuxuuna ii sheegay inaan kula joogo.” Wuxuu iigu warceliyay, “Ila joog.” Ninkani wuxuu noqday nin dariiqii haya oo wanaagsan, waxyar kaddibna wuu dhintay. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay, ayaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo dardaarmay ina faray inaan kuu imaaddo, haddana waad aragtaa inay geeridii kugu soo xaadirtay, maxaad igula talinaysaa? Wadaadkii wuxuu ku warceliyay, “Inankaygiiyaw, wallaahi ma garanayo cid ku sugan diintii aanu haysannay marka laga reebo nin jooga Nasiibiin.