Horyaal Primary Schoool

Horyaal Primary Schoool

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horyaal Primary Schoool, Education, Hargeisa.

Horyaal Primary school is a school aimed at bringing quality education for young children in the country, particularly those living in the Capital City of Hargeisa.

12/07/2025

Horyaal Primary Schoool Horyaal Primary school is a school aimed at bringing quality education for young children in the country, particularly those living in the Capital City of Hargeisa.

06/07/2024

Maamulka dugsiga Horyaal Primary Schoool waxa uu dhamaan waalidiinta,Ardayda iyo Macaliinta ugu hambalyaynayaa curashada sanadka cusub ee Hijriyada.
Ilaahay sanadka sanadkiisa barwaaqo iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo.

09/04/2024

Maamulka dugsiga Horyaal Primary Schoool waxa uu farxada ciida la wadaagayaa dhamaan waalidiinta, ardayda iyo shaqaalaha dugsiga. Ilaahay ha inaga aqbalo acmaashii bishii radamadaan.

13/03/2024

Ardaydii ugu saraysay imtixaanka termka koobaad; qaybta barbaarinta ee dugsiga Horyaal Primary Schoool oo safar dalxiisa ku tagay Kaah Playground.

15/02/2024

OGAYSIIS.
Dugsiga Horyaal Primary Schoool oo h**e loogu bartay aqoon tayo sare leh, waxa uu waalidiinta iyo ardayda dagan xaafada calaamadaha iyo nawaaxigeeda ugu bushaaraynayaa in uu dugsigu furay qayb lagu barandoono luuqadaha (Carabiga, English ka) iyo xisaabta.
Tirada ardayda laqaadanayaa way koobatahay isqoristunu waxay ka socotaa xarunta dugsiga wixii faahfaahina la xidhiidh telefoonada.
063-4405981/063-4611334/063-4818888.

31/01/2024

Daacadnimo, karti iyo aqoon.

Photos from Horyaal Primary Schoool's post 30/01/2024

Maamulka dugsiga Horyaal primary school isaga oo tixgalinaya mihiimada ay leedahay in barayaasha aqoontooda sare loo qaado, waxa uu soo qaban qaabiyay tababar soconayay mudo laba maalmood ah kaasi oo ay bixinayeen macalimiin aqoon sare u leh. Tababarayaasha oo kala ahaa Ustaad Sh Khadar Badeed, Dr Daahir Cali iyo ustaad Cabdicasiis. Sheekh Khadar Badeed wuxuu aad ugu dheeraaday laba mawduuc oo kala ahaa 1. Dhiiri galinta ardayga isagoo tusaaleeyay sida ardayga loo dhiirigaliyo aadna ugu dheeraaday in aanay wax dhigistu ciqaab ahayn balse ay tahay tilmaan iyo toosin, 2. In macalinku iska saaro masuuliyad balaadhan ardayga uu wax u dhigayo, waxaanu aad u dul istaagay sida ay mihiim u tahay macalinimadu, Dr Daahir ayaa isna aad u faahfaahiyay hab maamulka fiican ee fasalka waxaanu xusay in fasalka oo macalinku si fiican u maamulaa ay iba fur u noqonayso gudbinta macalinka, waxa kale oo Dr Daahir faahfaahiyay qaab diyaarinta fiican iyo qaabab ka ardayga loo gaadhsiiyo, ugu dabmayntii Ustaad Cabdicasiis ayaa isna aad ugu dheeraaday qaababka qoraalka iyo akhriska. Gabagabadii tababarka waxa hadalka iska daba maray maamulaha Dugsiga iyo maamule xigeenka Ustaad Barre Cismaan iyo Sakariye Cabdi waxaanay macalimiinta ku booriyeen in casharadii ay tababarka ku qaateen ay ku dar dar galiyaan wax dhigistii dugsiga.

02/12/2023

Ustaad Maxamed Jaamac iyo Jibriil Ciise oo ku hadlayay afka macalimiinta iyo ardayda dugsiga Horyaal Primary Schoool ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan booqashadii xarunta Ciimada Deb-demiska Somaaliland.
Waxaanay si qotadheer uga warbixiyeen waxyaabihii ay halkaa ku soo arkeen iyagoo u mahad celiyay Ciidamada Deb-demiska sida fiican ay bulshada ugu adeegaan.

Photos from Horyaal Primary Schoool's post 29/11/2023

Maamulka dugsiga Horyaal Primary Schoool waxa uu u mahad celinayaa Hogaanka Ciidamada Dab-demiska Somaaliland oo ugu h**eeyo taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan, sidii diiraynd ee ay ardayda iyo maamulka dugsiga u soo dhaweeyeeen. Ardayda ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee taliska waxaanay soo mareen Gaadiidka, Qalabka, isgaadhsiinta iyo xafiisyada uu ka koobanyahay taliska guud ee ciidanka dabdemiska qaranku. Ugu dambayn waxaanu u mahad celinaynaa dhamaan ciidamada Deb- demiska sida naf hurnimada leh ee dadkooda iyo dalkoodaba ugu shaqeeyaan.

08/05/2019

Maamulka,macalimiinta iyo dhaman ardayda dugsiga Horyaal Primary Schoool aya maanta xaflad sagootin iyo dardaan ah uqabtay ardayda sanadkan ka qalin badalanaysa dugsiga ee imtixaanka shahaadigaa ee fasalka 8aad sanadkan 2019 u fadhiisanaysa.

Guulaysta.

Photos from Horyaal Primary Schoool's post 05/10/2018

HAMBALYO IYO BOGAADIN.

Xaflad lagu abaalmarinaayo ardaydii kaalmaha h**e ka gashay imtixaankii shahaadiga aha ee JSL ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 iyo abaalmarinta ardaydii kaalmaha h**e ka gashay imtixanadii dugsiga sanad dugsiyeedkaa aya lo qabtay dugsiga.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Hargeisa