13/05/2026
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan oo ay weheliyaan guddida qaban-qaabada munaasibadaha 18-ka May ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta ka qayb galay isla markaana la dabaal degay qaar kamid ah dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada, kuwaas oo si weyn loogu xusay munaasibadda qaran ee 18-ka May.
Munaasibaddan ayaa ahayd mid ay ardaydu kusoo bandhigeen bandhigyo kala duwan oo muujinaya waddaniyad, halgan iyo qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka Somaliland, iyadoo maamulka waxbarashaduna dhiirrigelin u muujiyey ardayda iyo macallimiinta ka qayb qaatay diyaarinta munaasibaddan.