26/08/2026
HANBALYO HANBALYO HANBALYO.
Maamulka Iskuulka Golden Peers Primary School waxaa uu hanbalyo iyo bogaadin u dhirayaa dhamaan ardeydii ku guulaysatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Hoose Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland.
Si gaar ah waxanu ugu mahad naqaynaa oo aanu bogaadin u diraynaa ardeydayadii iskuulka oo dhamaantoodba ku guulaystay kaalmo iyo dhibco aad u sareeya.
Sidoo kale waxaanu mahadnaq u diraynaa waalidiintii ardayda oo aan habeen iyo maalin ka seexanin sidii ay caruurtooda ugu dhiiri galin lahaayeen waxbarashada, iyaga oo dhiirigalin mastaxeed iyo mid maalba la garab taagnaa.
Ugu danbayn waxaan bogaadin aan lasoo koobi Karin u diraynaa maamulka Iskuulka iyo macalimiinta oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii ay ardeydaa ugu gudbin lahaayee aqoon waafiya, ugana caawin lahaayee sidii ay natiijo fiican u gaadhi lahaayeen.
Dhamaan Waxaan Bahda Golden Peers Primary School leeyahay Hanbalyo iyo sanado kale oo guulo waawayn ah.