Kusoo dhawoow Arday Xirfad mustaqbal shaqo oo fiican kuu horseedi karta.
Dugsiga H/Dhexe Cali Binu Abi Daalib
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dugsiga H/Dhexe Cali Binu Abi Daalib, m. mooge Street, Hargeisa.
Muuqaalka Fasallada 8aad ee Hablaha Cali Bin ABII DAALIB iyo Imtixaankii Khamiistii. Guul ayaan idiin rajaynanaa insha ALLAH.
Waa Qaybo ka mida Muuqaallada Dalxiiskii barakaysnaa ee Fasallada Hablaha ee 8aadka 8A iyo 8B ay khamiistii dhawayd 07 May 2026 ugu baxeen Deegaan Dalxiiseedka Cagaaran ee Geed Deeble .
Kusoo dhawoow Waalid Dugsi kuu heellan, tayada waxbarashadiisana la hubo.
WAR GELIN MUHIIM AH
Dhamaan ardayda G.Dambe waa fasax Roobab jira awgood
07/01/2026
TACSI
إنا لله وإنا إليه راجعون
Dhamaan Maamulka, Mucallimiinta iyo Ardayda Dugsiga CALI BIN ABII DAALIB waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan intii ay ka baxday gaar ahaanna macallin Maxamuud Cismaan Cilmi oo ay Hooyadii (Maryan Jaamac Nuur) ku geeriyootay Magaalada Hargeisa. Marxuumadda ilaahay SW qabriga ha u nuuriyo Jannadiisa fardawsana haku casuumo Qoyskii iyo qaraabadiina Sabir iyo iimaan saadiq ah haka siiyo Aamiin Aamiin
إنا لله وإنا إليه راجعون
Wargelin Khaas ah
1) Gelinka Dambe Dugsigu waa fasax geerida awgeed.
2) Xiisadaha Khamiista ee Hablahu ku talo galayaan waa iyo .
Dugsiga Cali binu Abi Daaliib waa goob waxbarasho oo dhiirrigelisa aqoon iyo akhlaaq wanaagsan, iyadoo ardayda lagu barbaariyo dadaal, ixtiraam, iyo horumar bulsho.
Dugsigu waxa uu leeyahay deegaan ku haboon waxbarasha iyo bareyaal aqoon sare u leh hagista iyo soo saarista jiil ku hubaysan aqoon la jaan qaadi karta nolosha casrigaa.
Maanta waxaa dugsiga Cali Binu Daalib soo booqday Musharrax Golaha Wakiilada Cabdikariim Cismaan Axmed (Odey) Musharax Abdikarim-Oday.
Ujeeddada booqashadiisu waxay ahayd in uu ardayda dugsiga u jeediyo wacyigelin muhiim ah oo ku saabsan qiimaha iyo muhiimada waxbarashada.
Musharrax Cabdikariim Odey wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyey in ay aqoonta ka dhigtaan hubka kaliya ee ay noloshooda ku horumarin karaan, isla markaana uu tilmaamay in mustaqbalka bulshada iyo dalka uu ku xidhan yahay dadaalka iyo aqoonta dhalinyarada maanta wax baranaysa.
Intii uu joogay, musharrax Cabdikariim wuxuu si gaar ah ugu boorriyey ardayda in ay ixtiraamaan macallimiintooda, waqtigooda si fiican u maareeyaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo waxbarashadooda carqaladayn kara.
Maamulka dugsiga iyo macallimiinta ayaa uga mahadceliyey booqashada qiimaha leh iyo fariinta dhiirrigelinta ah ee uu soo gudbiyey.
16/09/2025
Barnaamijka Safka
Dugsiga Dhexe ee Cali Binu Abi Daalib Waxa marti noogu ah barnaamijka safka sheekh Farxaan Cabdi Cismaan.
Mowduuca: Xuquuqda Waalidka ku leeyahay Carruurta
Maalinta: Arbaca – 17/09/2025
Waqtiga: Galinka H**e
Khudbad-jeediyaha: Sheekh Farxaan Cabdi Cismaan “Qurxiye”
20/08/2025
Maamulka iyo Mucallimiinta Dugsiga CALI BIN ABII DAALIB waxa ay Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ardayadda Xafsa Farxaan Maxamed oo kaalinta 1aad u gashey dhammaan schoolka Al-Irshaad Secondry qeybta galinka danbe. Il iyo Cawriba ilaahay hakaa hayo dadaalkana halkaa kasii wad.
19/08/2025
Dugsiga Cali Binu Daalib waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan bulshada, geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdinajiib Maxamed Cismaan, oo ka mid ahaa ardaydii sanadkan ka baxay dugsiga.
Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu u naxariisto, dembiyadiisana dhaafo, jannatul firdowsana ka waraabiyo. Qoyska iyo ehelkiisana waxaan ALLE uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Telephone
Website
Address
Hargeisa