Machadka Ibofurka Maskaxaha

Machadka Ibofurka Maskaxaha

Share

Vision
We envision a world with purpose-driven people.

Mission
We commit to developing leaders who will help people find their purpose and develop their strengths through training, coaching and inspirational speaking.

24/12/2024

Waxa kali ah ee joogtada ah waa in aan waxba joogto ahayn. Waa aragti qofka aan ogeyn ama aan falgalin uu waligii nolosha anbad kaga jirayo.

Dadka Soomaalidu waxay ka mid yihiin dadka hab-fikirkooda aanay ku jirin arrintani. Waa dad lagu tilmaami karo “arki-jiray-doon.”

Si noloshu aanay kaaga saqiirin waa in aad barato mabda’an nololeed ee aadka muhiimka u ah.

Buuggan yar ee kooban ayaad ka bilaabi kartaa fahamka mawduucan iyo faa’idada balaadhan ee uu leeyahay. 😊

04/06/2024

"Midkiin iimaan dhammaystiran lama iman; ilaa uu walaalkii/walaashii la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay."
🥰 ~ Nabi Muxammed csw.

03/06/2024

Calaamadaha guusha waxa ka mid ah in qofku yaqaano awoodda naftiisa. Hawlaha aanu ku fiicnayn ama aanu ku filayn qabashadooda, waxa habboon in uu raadiyo cidda taqaan, si ciddaas ku fiicani ay u qabato, ama ay u wada qabtaan!

Nabi Muuse (cs) ayaa tusaale fiican inoogu ah arrintan. Markii Alle u doortay nabinimada, wuxu sheegay in carrabkiisu xidhanyahay. Sidaa daraadeed, waa kii dalbaday in walaalkii Haaruun la raaciyo, waayo isaga ayaa ka carab toosan oo ka aftahansan.

وَأَخِي هَارُونُ هُوَ أَفْصَحُ مِنِّي لِسَانًا فَأَرْسِلْهُ مَعِيَ رِدْءًا يُصَدِّقُنِي إِنِّي أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ

28/05/2024

Maskax wax shaandheyn karta in qofku yeesho waa lagama maarmaan. In la shiilo warka oo si fiican loo hubiyo runnimadiisa iyo ujeedoooyinka laga leeyahay kahor inta aan la aqbalin, laguna go’aan qaadan ayaa ah arrin qofka ka badbaadin karta in si yar oo fudud cid kale u isticmaasho.

28/04/2024

Ilmuhu marka uu soo dhasho, waxa la barbar dhigi karaa - oo la odhan karaa waxa uu la mid yahay geed khudradeed yar; sida geed tufaax ama liin, IWM. Geed khudradeedku waxa uu u baahanyahay beerfale xididka si fiican dhulka ugu tallaala. Wuxu u baahanyahay in la waraabiyo, la carreeyo iyo cadceed in uu helo. Geedku wuxu u baahanyahay in uu helo meel uu ku bixi karo, si uu u kor ugu dheeraado, isla markaana uu dhinacyada ugu fido.

Beerfaluhu waa in uu geedka yar ka ilaaliyo dabaylaha rujin kara iyo wax kasta oo keeni kara in uu qaadho. Muddo kadib, waxa uu geedku u baahanyahay in la qorqoro oo laamihiisa la isku simo, si uu geed toosan u noqdo. Waxa hubaal ah in muddo yar kadib uu geedku noqon doono mid isku filan oo jiriddiisa ku taagan, kaas oo dabayl iyo duufaan midna wax yeelayn.

Muddo kadib, geedku wuu midhaysan. Beerfaluhu wuxu arki in geedkiisii koray oo uu hadda midho dhalyahay. Wuxu hoos fadhiisan hadhkiisa, wuxuuna dhabarka saari jiridiisa - oo uu ku nasan. Wuxu mardhow ku raaxaysan cunista midhihiisa macaan.

Waa sidan in aad noqoto beerfale, waana sidan oo kale in aad noqoto waalid!

Tixraac
Buugga - Kompetenta föräldrar, Margrethe Brun Hansen, 2006.

15/02/2024

KUCELIS-2022.

Maanta oo aan dhammeeyey akhrinta buuggan waxaan jeclaaday in aan idinla wadaago hal wax oo yaab badan oo buuggani sheegay; kaas oo ah dhaqanka iyo raadka uu ku leeyahay horumarka iyo guusha. Wuxu tusaale u soo qaadanayaa Shiinayskii h**e iyo sida dhaqankoodii bariis falashadu uu maskax ahaan u qaabeeyey. Wuxu qoraagu eegayaa maahmaahda Shiinayska oo kuwani ay ka mid yihiin: ’dhiig iyo dhidid la’aan lama dhargayo.’ Iyo: ’dhulku caajis noqon maayo haddii qofku xoog u shaqeeyo.’

Bulsho ahaan innagu hadda sidee nahay? Abaar innaguma dhacdeen sanad walba haddii aan dhaqankeennu qaloocsanayn. Haddii aad aragto bulsho neceb shaqada, dhididka iyo tacabka oo jecel maneenada iyo maalin ku taajirnimada waxa hubaal ah in ay waligeed ahaanayso bukaan socod baahan.

04/02/2024

Xasuus qorka Obaama (A Promised Land)

Dadka jecel iyo kuwa aan jeclaynba waxay isku raacsanyihiin in Baraak Obaama uu yahay xiddig. Obaama wuxu taariikhda kugalay in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan ee madow ah.

Buuggu wuxu ina dhex marinayaa qisada wiil yar oo hooyo keli ah soo korisay oo noqonaya qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee fadhiista Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka. Waxaan ku naqaannaa in uu Obaama yahay hoggaamiye soo jiidasho leh oo hibo leh, laakiin waxaad la yaabi doontaa in aad maqasho sheeko halgan, shaki iyo qalalaase ka buuxay, xataa heer uu ku sigtay in uu siyaasaddaba faraha ka qaado.

Casharadan ayaan ka baran karnaa Obaama:

Baraak wuxu rabay in uu adduunka beddelo isaga oo da'yar. Wuxu doonayey in uu isbeddelkaa u maro dhanka siyaasadda, ilaa uu ku dhawaaday in uu ka tanaasulo iskudaygii uu ku noqon lahaa siyaasiga.

1: Haddii aanu sameyn lahayn halkii dadaal ee ugu dambeeyay, Obaama ma noqdeen madaxweyne.

Baraak Xuseen Obaama wuxu ku koray Honolulu, waxa soo koriyey ayeydii iyo awowgii hooyo. Qofna ma filayn in uu ku danbeyn doono xafiis dawladeed, iskaba daa in uu madaxweyne noqdee.

Dhallinyaranimadiisii wuxu isticmaalijiray maandooriyeyaasha, waanu iska baashaali jiray oo xataa darajooyinkiisa waxbarasho waxay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah.

Laakiin, wakhtigii dambe oo uu bilaabay in uu buugta akhriyo, wax weyn ayaa iska beddelay. Jacaylka iyo xiisaha uu buugta u qabo waxay gaadheen heer awawgii ku yidhaahdo: “waxan oo buug ah ee aad soo iibsatay, ma maktabad ayaad ku furaysaa.”

Markii uu aqoonta iyo buugta dhex galay, isla markiiba wuxu ogaaday in uu xiisaynayso aragtiyaha siyaasadda, wuxuuna doonay in uu aqoontiisa uga faa’iideeyo oo uu ku xaliyo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee bulshada haysta.

Kaddib markii uu ka qalin jabiyay jaamacadda Kolombiya (Columbia), wuxu la shaqeeyay ururrada bulshada ee magaalada Jikaago (Chicago), si uu u caawiyo dadka ay sida xun u saamaysay xidhitaankii warshadaha birta ee gobolkaa ku yaalay.

Obaama markii uu shaqadan dhexgalay indhaha ayaa u furmay, wuxu yaqiinsaday in isbeddelka laga sameyn karo ururrada bulshadu uu yahay mid gaabis ah, laakiin isbeddelka dhabta ah laga sameyn karo xafiisyada talada laga gooyo. Wuxu go’aansaday in uu waxbarashada sii kordhiyo, wuxuuna galay kuliyadda sharciga ee jaamacadda Haadhfaadh (Harvard).

Muddo kaddib markii uu ka qalin jabiyey jaamacadda, wuxu u tartamay xildhibaan gobol, wuxuuna noqday xildhibaan ka tirsan xildhibaanada gobolka Ilanoy (Illinois). Wuxu yeeshay reer oo waxay isguursadeen Misheel (Michelle). In kasta oo ay u muuqatay in uu Obaama hadda gaadhay heerkii uu doonayey, haddana ma ahayn meel uu rabay in uu ku sii nagaado, wuxu doonayey in uu wax intan ka badan qabto. Wuxu go’aansaday in uu u tartamo Golaha Wakiilada ee dalka (House of Representatives), in kasta oo Misheel diiday fikirkiisa oo ay rabtay in aanu reerka ka dheeraan, haddana wuu ku adkaystay.

In uu booskan u tartamo ma ahayn mid sahlan. Waxa la odhan karaa waxay ahayd tallaabo geesinimo leh, waayo qofka ka soo horjeeday wuxu ahaa xildhibaan caan ah oo muddo kursigan ku fadhiyey.

Obaama muu helin doorashadii, waxa laga sarreeyey codod badan. Wakhtigan adag iyo guuldarradan uu doorashada kala kulmay waxay siisay fursad uu dib ugu qiimeeyo wuxu rabo iyo doorashooyinkiisa nololeed. Wuxu qaatay go'aan islaweyni ah oo uu ku doonayo in uu ugu tartamo tartan aan macquul ahayn.

Sababo badan awgeed, Obaama wuu ka bixi waayey siyaasadda. Muu rabin in uu ka hadho riyadiisa ah in uu wax ka qabto oo caawiyo dadka Mareykan. Wuxu go'aansaday in uu sameeyo hal iskuday oo kale, isaga oo ogolaansho ka helay marwadiisa. Waxay ku heshiiyeen in haddii ay markan shaqayn waydo, in uu siyaasadda faraha ka qaadi doono. Wuxu markan u tartamayaa Golaha Guurtida (US Senate).

2: Wuxu ka faa’ideystay caanimadiisii

Markii caannimada Obaama ay cirka isku shareertay, fursadaha uu ku noqon karo madaxweyne ayaa sii kordhay. Markii uu u tartamayey Golaha Guurtida (US Senate), wuxu martiqaad ka helay Shirweynihii Qaran ee xisbigiisa ee lagu cumaamadayey musharax Joon Keeri ee 2004-tii.

Khudbadiisii uu shirkaa ka jeediyey ayaa si layaab leh u faaftay. Farriintiisa xoogga badan iyo wax ka dhaadhicintiisa ayaa dadka kicisay, kuna soo jeedisay indhaha dadka Maraykan iyo kuwa adduunkaba. Khudbadiisaa ​​caanka noqotay ayaa Obaama ka dhigtay qof cid kastaa baratay oo caan ah. Dhawr bilood kaddib, Obaama wuxu si aqlabiyad ah ugu guulaystay kursigii golaha guurtida. Afar sano kaddibna wuxu ku guuleystay madaxweynenimadii.

Si kastaba ha ahaatee, Obaama wuxu qabay shaki badan oo naftiisa ah, waxyaabaha shakiga galiyey waxa ka mid ahaa khibryad yarida iyo magaciisa yaabka ah iyo muslinimada lagu xidhiidhinayo. Wuxu’se mowqifkiisu isbeddelay markii uu booqday xildhibaankii ruugcaddaaga ahaa ee Tedh Kenedi. Wuxu Tedh u sheegay in hadda ay tahay waqtigiisii oo uu h**e u socdo.

Markii uu Obaama ku dhawaaqay in uu madaxweynanimada u tartamayo, dad badan ayaa soo dhaweeyey. Markay arkaan way ku soo urrurayeen. Ma ahayn arrin fudud in madaxweyne uu u tartamo qof Obaama oo kale ah. Arrimaha isir-nacaybka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu darnaa. Dadka qaarkood waxay u arkayeen in Maraykanku aanu weli diyaar u ahayn madaxweyne madow. Qaar kale waxay sheegayeen in Obaama aanu madow dhab ah ahayn oo aanu mateli karin.

Ugu dambeyn, qofku haddii uu ogaado wuxu doonayo, kartideeda leeyahay, dadaalna la yimaado oo aanu ka hadhin, waxa hubaal ah in uu gaadhayo.

Qoraalkan waxaan ka soo turjumay four minutes books. 😊

02/02/2024

Buuggan Do It Today ee uu qoray Darius Foroux oo soo baxay 2018-kii, waxaan ka baranaynaa sida aan wakhtigii loo baahnaa ugu qaban karno shaqooyinkeenna iyo waxyaabaha muhiimka inoo ah.

Dhammaanteen waxaan dambiile u noqonnaa dib-udhigasho, halwo yaryar iyo kuwo waaweynba,
hadhowna waxaan isku qoomameynaa in aynaan hawlahaas ku qaban wakhtigoodii. Si kasta oo dib-udhigashadu ay wakhtiga dhow inoo siiso dareen fiican, haddana waa mid aynnu u dhitino wakhtiga dheer.

Dib-udhigashadu waxay badanaa ka dhalataa hubaal la'aanta waxa muhiimka inoo ah iyo la’aanta hadafyo iyo yoolal cadcad.

Qoraagu wuxu buugga ku iftiiminayaa sida looga adkaan karo dib-udhigashada, loo kordhin karo wax-soosaarka shaqo, wakhtiga xaddidan ee aynnu haysannana wax badan loogu qaban karo.

Buuggu wuxu ka kooban yahay saddex qaybood – 1) Ka adkaanta dib-udhigashada, 2) Sida loo kordhiyo wax-soosaarka shaqo iyo 3) Sida wax badan loo qaban karo.

Qaybta I – Ka adkaanta dib-udhigashada

Marka aad ogaato waxa muhiimka ah ayey hawsha xigta ee ugu weyni bilaabmaysaa, taas oo ah in aad u dhaqaaqdo ka shaqaynteeda. Isla marka aynnu go’aansanno in aynnu ka dhaqaaqno bartii h**e aynnu u joognay ee aynnu ku xasilloonayn oo aynnu bilawno in aan hirgalinno riyooyinkeenna, yoolasheenna, waxaan dareennaa caabin ka imanaysa gudaheenna, waxaanan ku dhacnaa ka-mashquulid.

Wuxu buuggu soo jeedinayaa talooyin lagaga adkaan karo dib-udhigashada:-

1) Maanta samee, berri maya –

• Dhammaanteen wakhtiyada qaar waan ka fakannaa shaqada markay tahay mid soo-noqnoqota, culus, aad u badan, cusub ama adag, hayeeshee ay tahay in la qabto, si aan u gaadhno yoolasheenna. Wuxu qoraagu tilmaamayaa talooyin dhawr ah oo jidka innagu hayn kara.

• Qoro shaqooyinka kuwooda ugu yaryar. Markasta oo aad dareento in aad jeesanayso, qabo mid ka mid ah shaqooyinka yaryar ee kuu qoran, waxaad dareemi fiirfircooni, waxaanad ku joogi jidkaagii. Waa sida h**e loo yidhi, “ma jiro wax ka weyn oo ina dhiirigelin kara oo aan ahayn in aan dhammayno hawl aan gacanta ku haynay.”

• Jimicso maalin kasta, inyarba ha noqotee waxay saameyn weyn oo wanaagsan ku yeelanaysaa heerka firfircoonidaada iyo wax-soosaarkaaga shaqo.

2) Ha maareyn wakhtigaaga ee maaree jihaysnaantaada –

• Marka si fiican loo dhigo, ka-jeesashadu ma aha dhib la kowsatay qarniga 21-aad, ka-jeesashadu waa mid joogto ah oo ilaa weligeed soo jirtay. Sidaadaraadeed, wuxu qoraagu soo jeedinayaa in la maareeyo jihaysnaanta oo aan la maareyn wakhtiga.

3) Abuur hannaan shaqo socod iyo nidaam –

• Haddii aad u fiirsato qofkasta oo guul gaadhay ama aad wax ka waydiiso jidkoodii guusha, waxaad ogaan hal wax oo ay ka simanyihiin. Dhammaantood waxay leeyihiin hannaan shaqo socod iyo nidaam. Sida uu qoraagu u dhigay ‘awoodda rabitaanku ma shaqayso, nidaamka ayaa shaqeeya.’

• Adkaysi iyo samir u yeelo isbeddelka, talooyinka raac, nidaamkaagana adigu abuuro. Ma jirto cid kaaga xogogaalsan yoolasha aad leedahay.

4) Xoogga saar kartidaada –

• Hal usbuuc si fiican ugu fiirso sida aad wakhtigaaga u isticmaasho. In aad ogaato sida aad wakhtigaaga u isticmaasho waxay fure u tahay in aad si quman u maareyso.

• Marka aad sawir fiican ka hesho sida aad wakhtiga u isticmaasho, waxaad kala saartaa wakhtiga aad wax muhiim ah oo wax soosaar leh aad galisay iyo wakhtiga aad galisay waxaan muhiim iyo wax-soosaar kuu lahayn.

• Meesha ka saar ama sida ugu weyn u yaree hawlaha aan muhiimka iyo wax-soosaarka kuu lahayn.

Qaybta II – Sidee loo horumariyaa wax-soosaarka shaqo

Qoraagu wuxu soo jeedinayaa talooyin wanaagsan oo aan ku dabiqi karno horumarinta wax-soosaarkeenna. Talooyinka waxa ka mid ah:-

1) Meesha ka saar iska isticmaalka baraha bulshada

• Khadka internetka ee mar walba kuu furan u beddel in uu markasta kaa xidhnaado (mid moobil iyo mid kombuyuutarba), keliya furo marka aad ogtahay in aad wax uga baahan tahay.

• Ka bax dhammaan akoonadaada baraha bulshada, keliya fiiri maalintii wakhtiyo kooban oo go’an.

• Markaad aad internetka furato ee aad wax uga baahantahay, ku koobnow waxa aad u baahantahay, kana digtoonow in aad iska dhex mushaaxdo. Waxa internetka iyo baraha bulshada dhex socda wax badan oo ku mashquulin kara, haddii aanad ka digtoonaan, waxaad is arki adiga oo dhankan iyo dhankaaba u raacay oo wakhti badan oo aanad dareermayn ku lumiyey waxaan waxba kaa soo galayn.

2) Fasax qaado –

• Fasax ka qaado shaqada si aad tamar iyo firfircooni cusub u hesho, si aad mar dhow adiga oo xiise u haya aad u bilawdo wax-soosaarkaaga shaqo.

3) 20 wax oo aad ku horumarin karto wax-soosaarka shaqo –

Qoraagu wuxu ina siinayaa labaatan istiraajiyadood oo uu raaco, kuwaas oo uu ku horumariyey wax-soosaarkiisa shaqo. Kuwan ayaa ka mid ah:-

• Qor fikradahaaga oo dhan.
• Yaalaaba maya dheh.
• Meesha ka saar waxkasta oo ku mashquulinaya.
• Jooji in aad weelayso warar tiro badan.
• Abuur hannaan shaqo socod.
• Hal mar ha wada qaban hawlo badan oo kala duwan.
• Sii qorshee berri waxaad qabanayso.

Qaybta III – Wax badan qabo

Dhammaanteen waxaan jecelahay in aan wax badan qabano, hayeeshee waxaan haysannaa wakhti isku mid ah, in wax badan kuu qabsoomaan waxay ku imanaysaa in aan si quman uga faa’ideysato wakhtiga xaddidan ee aad haysato.

Talooyinkan ayuu buuggu bixinayaa, si aad wax badan u qabsan karto:-

1) Joogteyntu waa furaha koowaad –

• Imisa jeer ayey kugu dhacday in aad hawlo bilawday oo maalmo yar kaddib aad ka daashay oo aad faraha ka qaaday? Darius wuxu soo jeedinayaa in sida ilmaha yar aad talaabo talaabo qaado. Weligaa ogow in aad waxyar ka bilawdo, wakhti sii hawsha, hana degdegin.

• In aad waxyar si joogto ah u qabato ayaa ka wanaagsan in aad wax weyn mararka qaar qabato.

2) Fiiri aagga xasiloonidaada –

• Darius wuxu soo jeedinayaa in aad aaggaaga xasiloonida aadyar aadyar uga talaabsato intii aad hal mar ka dhex bixi lahayd oo aad hal mar ugu boodi lahayd waxyaabo aan ku xasilooni galinayn.

• Xasiloonidu waa waxyaabaha lagama maarmaanka inoo ah sida horumarkuba inoogu yahay. Wuxu qoraagu leeyahay ma aha inta aad muuqaal daawato ama aad qoraal akhrido kaddib aad hal mar isku qaado wax iyo meel aanad ku xasiloonayn, taa beddelkeeda waxa fiican in aad qaado talaabo talaabo, laakiin aanad istaagin.

3) Awoodda oo dhan waxay ku timaadaa kucelcelinta –

• Awooddu waa aasaaska h**e, in aad meelsare gaadho waxa keenaya aasaaska aad soo adkaysay. Tusaale, qofka higgaada ka booda way ku adkaan in uu wax akhriyo. Dhibta dad badan ku dhacda ayaa ah in ay yaraystaan ama hilmaamaan aasaaska h**e.

Waxaan ka soo turjumay myreadforchange. 😊

24/01/2024

Madaxdu waa murayaadda bulshada. Madax horumarsan ayaa bulsho horumarin karta. Madax aan waxba akhriyin ma soo saari karaan bulsho wax-akhrida.

Photos from Machadka Ibofurka Maskaxaha's post 24/01/2024

Alxamdulilaah, si heersare ah ayuu saaka u furmay Bandhigga Buugaagta Berbera. ✌️

24/01/2024

Bandhigga Buugaagta oo hadda furmaya iyo akhyaar aan kulannay. Ibraahin Cumar

23/01/2024

Reer Berbera, h**e badda ayeynu u eegi jirnay oo bangaali ma soo xidhay ayey ahayd arrinkeennu, hadda buugna way inoo soo xidhatay ee aan xisaabta ku darsanno.

Bandhigga Buugaagta ee Berbera waa diyaar, berri ayuu furmayaa, inshallah. 😊

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Main Road
Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00