“Lab-bilkeedsha, laaskii hiddaha, laacday kelidaaye,
Han-libaaxley, ruuxaad ladhaa gaadhe laxahaase,
Kun-lihiinley, jiilaal lin-tiri, kaama jaro laane,
Laqwi-diida, weedhii lafjaba, liiday dhihideede,
Qalbi-laaqa, luunkii kalgacal laaste hilibkayga.
Igu laashay laaggii tabciyo loolli haliseede
Isku looxday liilkii qalbiga, laaxin-tirihiiye
Igu loohnid, jeeraad laftiyo, raacday ludihiiye,
Lulo diiday, jeeray libdhadu leebab ridataaye,
Lib ma sheegto jeeraan laggiyo seexdo labacaaga.”
Weedhsame
Abdifatah Mohumed ibnu Aftag
Asc dhaman umatul mohamed chumaca mubarki
Tukuhuba dadkuu barey
tartiib mayd aasee
Tacabkiyo wax kaydsiga
Ka tixraac qudhaanjada
La tashoo aboorkana
Tacliintiisa waydii
Markii nebigu ﷺ tagay Madiina, ayuu arkay yuhuudda oo soomaysa maalinta caashuura, dabadeed wuxu weydiiyey sababta ay u soomayaan. Waxay ku yidhaahdeen “waa maalintii Alle nebi Muuse iyo reer bini Israa’iil ka guuleeyey Fircoon, kolkaa weynayn aanu weynayno darteed ayaan u soomaynaa.” Markaasuu xabiibkii Alle ﷺ yidhi: “Annagaa idinka xigna muuse” asxaabtiina wuxu faray inay soomaan.
Maalmaha gaarka ah ee Alle kugu gallado nimcooyinka, waa la weyneeyaa, loona mahad celiyaa. NEBI MUXAMED DHALASHADIISU WAA DHALASHADII NUURKA IYO NAXARIISTA KOWNKA WAANAN WEYNAYNAYNAA.
Shaarshaari ceel geel shubtoo guurti shirinaysa
Shiidaaday ii dhashaan sii shinsanayaaye
Shanba caynta xoolaha jirtaay shiilcadkana daaqa.
Jumca Mubarak dhamaantiinba
umada ISLAAMKA
Nin ku yidhi “I daw mari”
Duudsiguu tirsanayoo
Laga daayo mooyee,
Wixii kalaba doogiyo
Dacar bay ku kiciyaan.
- Gaarriye رضي الله عنه
Ninka kani Gondaalkuu shalay igaga gaax maalay,
Haddaad galabta soo qaadatoo igaga guul doonto
Garaadkayga inad caayeysood igu geftaan sheegay.
Saw ciddaad ka soo guur lahayd uma ganaanaysid?
Gudcurkaan mar uun dhaaf lahaa dib u gal saw maaha?
14/11/2024
Ninka kani Gondaalkuu shalay igaga gaax maalay,
Haddaad galabta soo qaadatoo igaga guul doonto
Garaadkayga inad caayeysood igu geftaan sheegay.
Saw ciddaad ka soo guur lahayd uma ganaanaysid?
Gudcurkaan mar uun dhaaf lahaa dib u gal saw maaha? Ninka kani Gondaalkuu shalay igaga gaax maalay,
Haddaad galabta soo qaadatoo igaga guul doonto
Garaadkayga inad caayeysood igu geftaan sheegay.
Saw ciddaad ka soo guur lahayd uma ganaanaysid?
Gudcurkaan mar uun dhaaf lahaa dib u gal saw maaha?
“Nin shalay gacmaha kaaga jaray gaadmo iyo duudsi
Saw in uu guntiga kuu xidhaa geeri kale maaha?
Saw in uu qalbiga kaa gubuun kuuma garab joogo?
Qosol in aad u gabangaabsataa saw gunimo maaha?”
Intaad dalka Qawdhanoow
Sidii qadawgii sudhnayd
Waxaa batay qaaqlihii
Xishoodka ka qaawanaa,
Waxaad qiyam dooriseen
Dadkii qiimaha lahaa.
Intaad dalka qaybiyoow
Qallaylka ku xiiraysaa
Qadoodigu sii kordhoo
Waxay toban qaybsadaan
Kun qoys dhaxalkay lahayd.?waa xaqiiq jirta kkkkk
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa
ASCDHAMAANBAPAGE