Zakarie jama Aden

Zakarie jama Aden

Share

Waa madal loogu talo-galay Horumarinta Dhalinyarada

17/04/2022

Saxaabiga Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu madawyahay, dhererkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaale ahaan iyo magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina. Qabiilkiisa lama garanayo, wuxuu Nabiga ugu tagi jiray maryihiisa oo jeexjeexan, manuusan lahayn wax hanti ah marka laga reebo kabaha uu sito iyo maryahaa uu gashan yahay. Wuxuu seexan jiray Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nabigii Ilaahay u yeedhay kuna dhahay “Juleybiiboow Miyaanad guursanayn Julaybiibow?” Juleybiib waxa uu dhahay; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya? Qurux, jaah iyo xoola toona malihi. Hadana maalintii xigtay ayuu Nabigu waydiiyey isla su’aashii shalay, waxaanu dhahay; “Juleybiibow Miyaanad guursanayn?” Wuxuu dhahay Juleybiib; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya! Muuqaal, xoolo iyo qurux toona ma lihi. Maalintii xigatay ayuu hadana Nabigu sidii oo kale u waydiidyey, Juleybiibna sidii unbuu ku jawaabay.

Nabigu waxa uu ku dhahay; Juleybiibow bax oo tag guri uu lahaa Nin saxaabadii Ansaarta a mid ahaa kuna dheh; “Waxa isoo diray Rasuulkii Ilaahay waxaanu idinka doonayaa gabadhiina si aan u guursado”. Markii h**e reerkii waxay moodeen in Nabigu gabadha soo doonay markaasay isku dhaheen; Cidna uma diidayso gabadhan Rasuulkii Ilaahay. Kadibna waxa loo sheegay in Nabigu aanu nafiisa u rabin ee uu Juleybiib udoonayo. Gabadha aabaheed waxa uu yidhi; “Ma Juleybiibkan faqiirka ah ee muuqaal iyo xoolaba aan lahay ayaa gabadhayda soo doonay!! Markaasuu yidhi; waxaan la tashanayaa gabadha hooyadeed. Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in Juleybiib oo ah dadka ugu faqiirsan magaalada Madiina soo doonay gabadheedii ayey dhaaratay oo tidhi; Gabadhayda oo aan u diiday hebel iyo hebel sideebuu usoo doonay Juleybiib oo aan qurux, muuqaal iyo xoola toona lahayn!!!!

Gabadhii lasoo doonay oo ahayd gabadh Mu’minad ah oo ku kalsoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa waxay ku tidhi waalidkeed; Aabe iyo Hooyo Ma waxaad celinaysaan Nin uu soo diray Rasuulkii Ilaahay, Eebaan ku dhaartee waan guursanayaa Juleybiib, markaasay sii raacisay hadalkeedii Aayada Quraanka ah ee suurada Axzaab: 36

{وما كان لمؤمن ولا مؤمنة اذا قضى الله ورسوله امرا ان يكون لهم الخيرة من امرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالا مبينا}

{kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweenay Mu’minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay lumid Cad}. Axzaab:36

Gabdhii qalbigeeda iimaanku ka buuxay ayaa dhahday; Eebaan ku dhaartee Juleybiib waan guursan, Rasuulka Ilaahayna ima dayacayo. Markay gabadhii go’aankaa gaadhay ayey aabaheed iyo hooyadeedna waafaqeen, waxayna gudo galeen in laysu arooso.

Juleybiib gabadhii ugu qurxoonayd Ansaar ayuu guursaday, balse markii la gaadhay habeenkii arooska ama dhawr casho kadib arooskii ayaa yeedhmo yeedhay oo waxa loogu yaboohay dadkii Mu’miniinta ahaa Dagaal lagu dirirayo Jidka Ilaahay.

Juleybiib waa soo baxay oo wuxuu soo qaatay aaladii uu ku dagaalamayey, waana ka qaybgalay dagaalkii. Markuu dhamaaday Dagaalkii ayaa la tiriyey dadkii muslimiinta ka geeriyooday (Shuhadadii). Kadibna Nabigii Ilaahay ayaa waydiiyey saxaabadiisii; “Yaad maqan dadka geeriyooday? Saxaabadii waxay tiriyeen dadkii ay garanayeen, waxayna ka tageen Juleybiib. Markaasuu dhahay Rasuulkii Eebe; (Anigu waxaan waysanahay walaalkay Juleybiib)

Dabadeed waa la raadiyey Juleybiib oo waxaa la helay isagoo geeriyooday oo agtiisa ay yaalaan todoba ka mid ah gaaladii la dagaalamaysa oo mayd ah, kolkaasuu Nabigii Ilaahay ooyey oo dhahay; ” Wuxuu dilay Todoba, Isagana way dileen, kani aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isagaan ka ahaaday waana ku celceliyey weedhaas Rasuulkii Eebe dhawr jeer. Kadibna waxa uu madaxii Juleybiib saaray dhabtiisa (N.N.K.H)

Nabigu waxa uu faray saxaabadiisa inay qabri u qodaan Juleybiib, waana loo qoday qabrigii lagu duugayey saxaabigan qaaliga ah. Anas ibnu Maalik oo xadiiskan warinaya waxa uu leeyahay; Eebaan ku dhaartee intaan qodaynay xabaashii lagu aasayey Juleybiib waxa uu saarnaa jirkiisii daahirka ahaa bawdada Nabiga, kadibna isaga oo aan la maydhin ayaa la duugay.

Gabadhii uu ka dhintay Juleybiib oo ajiibtay amarkii Rasuulkii Ilaahay ayadana waxa markay cido baxdayba soo doonay saxaabadii waaweynaa. Nabiguna gabadhaas waa u duceeye oo waxa uu dhahay;

“اللهم صبَّ عليها الخير صبّاً، ولا تجعل عيشها كدّاً كدّاً”

{Rabbiyow waxaad ku shubtaa ama ka buuxisaa (marwadii Juleybiib ka geeriyooday) khayrka shubis, hana ka yeelin nolosheeda mid kadeed ah.}

Eebana ducadii waa ka ajiibay Nabigiisa oo gabadhii waxay noqotay dumarka ugu xoolaha badan magaalada Madiina.

Juleybiib ilaahay raali haka ahaadee cidna maysan aqoonin, waxa uu ahaa miskiin faqiir ah oo gaaban oo madaw, cidna maysan danaynayn laakiin waxa uu ka cabsaday Allah subxaana wa tacaalaa, markaasu Eebana ku arsaaqy shahaadada xaqa oo isaga oo jidkii Ilaahay u dagaalamaya ayuu geeriyooday. Sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in markii uu Nabigu dhabta ku hayey maydkii Juleybiib la tusay haweenkiisa Xuural Caynta ahaa oo u kala dheeraynaya si ay soo dhoweeyaan xabiibkooda usoo kallahay maalintaas ee ay mudada dheer sugayeen.

Zakarie jama Aden

13/04/2022

Halkan uga yeer haddi uu jiro qof abaal kuu gallay oo aad niyadda ku hayso.
Waa Xalqad kale iyo Barnaamijkii Cajiibka ahaa ee انت كفو qaybtan waxa Marti ku ah Ummu Axmed, oo muddo dheer soo ahayd macalimad arday aad u fara badan wax bartay, waxa lagu balamiyey Iskuul waxana loo sheegay in ay la kulmayso arday kadibna waxa loo qabtay Kedis aad u qurux badan iyadduna ilmadda ayey Ceshan wayday...

Halkan uga yeer haddi uu jiro qof abaal kuu gallay oo aad niyadda ku hayso

07/04/2022

Waa kuma Sh.mustafe xaaji ismaaciil Haaruun.

Kulankii Ansaaru sunna Ee Culimada Dhawr tobanka ah Iskugu yimaadeen ayaa wuxuu si kooban uga hadlay, abtirkiisa, arrimaha qoyskiisa iyo dhalashadiisii, sh.mustafe

"Reer wadaaddo ah baan ka dhashay, aabahay xaaji buu ku magac dheeraa, nin sheekh ah ayuu ahaa." Wuxuu intaa ku daray in awowyadiina ay ahaayeen culimo.

Sheek Mustafa ayaa sheegay in uu ka mid yahay dadkii ku dhashay dhulalka baadiyaha ah, oo geed hoostiis lagu dhalay.

"Burco ayaan ku dhashay, wakhtigii isticmaarka ayaana dhashay, oo ah intii aysan dhalanin dowladda Soomaaliya".

Muxuu yahay hadalka la dhibsaday ee uu jeediyay Sheekh Saciid Raage?
Maxay khudbadaha Sheekh Cabdi Xayi u soo jiitaan dadka Soomaalida?
Intaas ka dib wuxuu ka war bixiyay taariikhdiisa dhinaca waxbarashada, ilaa heer jaamacadeed, wuxuuna yiri: "Gobolka Togdheer ayaan ka dhigtay malcaamadda, dugsiga hoose, ka dibna waxaan ka baxay machadkii Jarmalka ee burco ku yaallay. Takhasuskeygu wuxuu ahaa farsamada korontada, Jaamacaddii Soomaaliyeed baanna ka baxay sannadkii 1980-kii".

Waxbarashada dhinaca diinta wuxuu sheegay inuu ka helay culumada gudaha Soomaaliya joogtay.

"Anigoo magaalada Burco jooga ayey jabhadihii soo galeen, markaas ayaan waddanka ka baxay oo aan Yurub geeyay niman xanuunsan oo aan walaalo nahay, dowladdii Soomaaliyana waxay dhacday anigoo Yurub jooga", ayuu yiri Sheekh Mustafa.

Arrinta dad badan soo jiidatay ee qeybta ka ah taariikhda uu ka warramay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, waxay ahayd xarig marar badan ay u geysatay dowladdii h**e ee Soomaaliya.

"Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo bar ah markaan joogay ka dib waxaa i xirtay dowladdii Soomaaliya".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku kusii daray: "Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego laakiin inta meelood ee ay wax ku xiri jirtayba waan soo maray.

"Saldhig boolis waa la igu xiray, NSS waa la igu xiray, xero guulwade waa la igu xiray, xero milatari waa la igu xiray, dhabarjabin waa la igu xiray, jeel waa la igu xiray, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxk**ad la ima taagin".

Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray mar -1999 magaalada Hargeysa.

https://youtu.be/-2ZIMOU_mDw

Waa Kan Youtube aan Xogtan Ka helay Soo daawo hadadan Jeclahayn Akhriska.

07/04/2022

Sheekho; macalin iyo Ardaydiis 📚

Macalin iyo ardaydiisa ayaa waxa ay ku sugnaayeen makhaayad ( maqaaxi ) Shaaha laga cabo kadibna Macalinkii waxa uu jeclaystay inuu ardaydiisa baro Waayo aragnimada Noolasha in aan lagu soo koobi karin wax barasho laga qalin jabiyay balse qofkastaa looga baahan yahay inuu cashar ka qaato dhacdooyinka noolasha ,

Sidaa awgeed macalinki waxuu doonayay inuu ardaydiisa baro in aysan noqon qof isla weyn oo dadka yasa oo aan dhagaysan waayo mar marka qaar adigoo aqoon kasta yaqaan ayaad hadana u baahan tahay Talo qof waaya arag ah si aad u hesho xikmad adiga kaa maqan.

Hadaba macalinki si uu ardaydiisii cashar u siiyo waxa uu u yeeray Nin da’ ah oo maskiin ah waliba madaxa looga jiro oo makhaayadi ay iyagu fadhiyeen ka tuugsanaya, Ninkan da’da ah ee madaxa looga jiro iyo macalinkaba horray ayay uwada sheekeysteen oo waa nin uu garanayay ( yaqaanay ) macalinka.

Waxa uuna macalinki ogaa ninkan xanuunsan inuu hayo aqoon aysan garanayn ardaydiisa qaar kamid ah hadaba si’ uu utuso ardaydiisa waxuu u yeeray ninkii waalnaa waxa uuna ku yiri .
Kaalay inta nala soo fadhiiso anigaa shaaha kaa bixinaya ?

Ninkii maskiinka ahaana wuu ka aqbalay waxa uuna soo fadhiistay halkii ay fadhiyeen ardaydii iyo macalinkoodi .

Kadibna macalinkii waxuu ardaydiisii ku yiri

” Waxaan doonayaa maanta in aan idin baro xikmada noolasha in aysan u gaar ahayn dadka wax barta balse mar marka qaar ay tahay wax waaya aragnimada noolasha lagu dhex barto ”

Ardaydi qaar kamid ah ayaa macalinki waxay ku yiraahdeen .
” Macalin ninkan waalan miyaad lee dahay waxbuu faa iidaynayaa , hadiiba uu qof u faa’ iidaynayo isagaa wax isku fali lahaa oo sidaan ma ahadeen ”

Macalinki waxuu ugu jawaabay .
” Cudurka iyo caafimaadka Alle ayay gacantiisa ku jirtaa , Caqliga iyo caqli daradana alle ayaa ciduu doona siiya qofna siduu yahay ma uusan dooran ee alle ayaa u doortay inuu sidaa noqdo , waxaanse doonayaa in aan su’aal idin waydiiyo , su’aashaal oo aan horay u waydiiyaay Ninkan miskiinka ah jawaabteeduna aan ku qancay idinkana waxaan eegayaa sidaad iigu jawaabtaan ”

Intaa kadib ardaydii waxa ay yiraahdeen
” Na waydii su’ aasha Macalin kolay su’aal uu ninka jawaab u helo anagu jawaab uma wayn doono ”

Kadib macalinkii waxa uu ku yiri :

Waxaad ii sheegtaan Kalmada ama Erayga SHAAH goormuu Shaah noqdaa ??

Mid kamid ah ardaydii ayaa waxuu yiri .
” Macalin shaah waxuu shaah noqdaa marki aad haysato oo aad isku darto caleen iyo sonkor iyo biyo iyo dab aad ku kariso ”

Macalinki waxuu ugu jawaabay ardaygii
” Jawaabta wali ma aadan haleelin ee yaa kaloo isku dayaya ”

Arday kale ayaa waxuu yiri :
” Macalin shaahu waxuu shaah noqon karaa marki aad dhadhankiisa ka hesho amaba aad dhadhamiso oo ogaato inuu shaah yahay ”

Macalinkii waxuu mar labaad ku jawaabay :
” Jawaabta sidaa ma ahan ee yaa kaloo isku dayi kara ?

Arday kale ayaa hadana isku dayay waxuuna yiri .
” Macalin shaahu waxuu shaah noqdaa markii uu kariyo qof wayn oo aqoon u leh shaaha misana uu udhamaystiro wixii uu ubaahnaa shaaha .

Mar seddexaad ayuu macalinkii yiri :
” Jawabta su’aasha sidaa ma ahan ee yaa kaloo haya jawaab intaa ka duwan ?

intaa kadib ardaydii way iska aamuseen oo qaarkood ayaa macalinkii su’aal ku celiyaay oo yiri :
” Macalin bal hadii aad adigu jawaabta nasiin karto way fiicnaan lahayd ”

Macalinkiina waxa uu ku yiri ardaydii :
” Jawaabta anigu idinma siinayo balse waxaa idiin kaga jawaabaya ninkan aad ku tilmaamteen inuu yahay qof aan waxba fahansanayn ”

Kadibna macalintii waxuu isla su’aashii waydiiyay Ninkii madaxa looga jiray kadibna ninkii waxa uu ku jawaabay sidan :
” Waxuu yiri Aniga erayga shaah waxuu shaah ii yahay marki aan Aniga u garto ”

Ardaydii qaar kamid ah ayaa ku qoslay jawaabtii Ninkii maskiinka ahaa waxa ayna macalinkooduu ku yiraahdeen :
” Macalin soo kuuma aanan sheegin ninkan inuu iska hadlayo uusan waxba la socon ”

Macalinka waxuu ugu jawaabay ardaydii :
” Ninkan aad arkaysaan waxuu idiin sheegay jawaabta saxda ah ee ku habboonayd su’aashii aan idin waydiiyay taasoo ahayd kalmada shaaha layiraahdo goormeey shaah noqotaa balse idinku waxaad isku daydaan in aad iigu jawaabtaan sidii in aan idin waydiiyaay ” Shaaha noocee ah ayaad jeceshihiin ” balse Ninkaan waxuu gartay su’aasha aan waydiiyaay sidaa darteed baa waxaa u sahlanaatay inuu jawaabta si fudud ku helo .

Idinkuse waxaad isku qaladeen anigu idin ma waydiin in aad ii qeexdaan shaaha iyo waxa uu ka kooban yahay iyo sida loo sameeyo iyo cida laga rabo in ay samayso balse waxaan idin waydiiyay kalmada ama erayga shaah goormuu shaah noqdaa !! sidaad lawada socotaan dunida waxaa ku nool balaayiin dad ah oo kala luqad ah oo kala dhaqan ah oo aan isku medeb ahayn oo aan isku diin ahayn waliba ku kala nool wadamo aan isku cimilo ( jawi) ahayn balse mid waliba waxuu leeyahay Kalmad uu garanayo amaba ay u baxsadeen Erayga aad idinku u taqaanaan Shaah, waxaana dhici karta shaaha sidaad adiga u samaysato in aysan iyagu u samaysan waxaa dhici karta shaaha ay iyagu karsadaan in uusan u dhadhamayn sidaad adiga shaaha u karsato hadii ay noqon lahayd caleenta aad u isticmaasho , sidaad sokorta ugu darsato iyo wax yaabaha carcarfiska ah ee aad ku darsato,

Hadaba isku soo wada duuboow erayga shaah waxuu adiga shaah kuu noqdaa marki aad adigu u aqoon sato inuu yahay shaah waayo marka koowaad erayga shaah kalmadaa adigaa u baxsaday oo dad badan ayaa u garanaya magac taa ka duwan marka xigta dhadhanka iyo waxa aad u isticmaalaysidna adigaa u doortay oo waxaa jira dad badan oo aysan ugu dhadhamayn shaaha sida uu adigu kuu la dhadhamayo.

Run ahaantii ninkan aad aflagaadayseen waxuu u hadlay si caalami ah idinkuse waxaad u hadasheen si gaar ah oo waxaad wixii oo dhan ku cabirteen sidaad idinku u doonaysaan inuu noqdo shaaha balse ninkaan waxa uu bixiyay jawaab dadka oo dhan ku filan waxuuna fursad siiyay cid kasta in ay iyadu go’aanka leedahay oo aan loogu qeexin sida ay adigu kuugula muuqato waana hadal Qof waaya arag ah amaba caaqil ah uu fahmi karo ”
DHAMAAD:

Hadii aan seddex arimood oo muhiim ah ku soo koobo faa’iidada qisadaan waxa ay noqon karaan sidan.

1- Waxaa la yiri caaqilka carabkiisa waxuu ka shisheeyaa caqligiisa oo inta uusan hadlin ayuu ka fikiraa waxa uu ku hadli lahaa. Doqonkase carabkiisa waxuu ka soo h**eeyaa caqligiisa oo markii uu wixii uu doono sheego kadib ayuu is waydiiyaa. hadaba iska ilaali in aad hadalka la dag dagto adigoon ka fiirsan waxaa la arkaa inbadan si aadan filayn in aad khalad ugu dhacdo.

2-Hadii ay dhacdo in aad go’aan ka qaadato arin ummad dhan ka dhaxaysa marna ha isku dayin sidaad adigu jeceshahay in aadan ku xukmin dadka intiisa kale ee waa in aad tixgelisaa aragtida dadka kale oo aad u hadashaa si dhexdhexaad ah oo daacadnimo ku dhisan.

3- Jooji isla waynida oo dadka ha quudhsan ( ha yasin) waxaadna ogaataa aqoontaada mar waliba in aysan kugu filnayn ee aad u baahan tahay xikmad ruux waaya arag ah , Mar marka qaarna waxaaba dhacda ruuxa aan aqoon lahayn balse waaya arag ah oo alle caqli siiyay inuu keeno maskax ama aragti uusan keeni karin ruuxa aqoonta leh , Taa macnaheeduna waxa ay tahay xikmada iyo fahanka iyo tala bixintaba waxay ku jirtaa gacantii alle ciduu doono ayuuna siiyaa.

Ugudambayntii waxaan Alle (SW) waydiisanaynaa inuu qalbigeena ka saaro isla wayni iyo xaasid nimo iyo inuu qalbiyadeena isku furo oo aan noqono ummad is jecel oo isku naxariisata oo keeda liita garab qabta .

Ramadan kariim
Zakarie jama Aden

07/04/2022

Qeybta | 2aad

Xajaaj oo dhabarka u jiifay ayaa soo fadhiistay, dadkii xajaaj ka ag dhawaa ayaa wiilkii yaraa ku yidhi wax edab ah ma lihid ma garanaysaa qof aad sidan ula hadlayso, markii aad soo gashayna ma aanad salaamin salaam u qalananta saw ma ogid inaad ku jirto guriga amiirkii ciraaq.
Wiilkii yaraa waxa uu yidhi waxaad tihiin digada dameerka oo kale inaan salaanta noocaas ah ku salaamo xajaaj waxaa ii diiday waan daalay waayo waxaad isoo mariseen wado dheer iyo jarjarooyin badan markaan guriga soo galayay, salaanta aad doonaysaan inaan xaajaj ku salaamo waxaa ku salaami lahaa amiirkii muslimiinta (Cali Ibn Abi Taalib) iyo asxaabtiisa.

Xajaaj waxa uu yidhi wiilyahow maanta waxaa soo dhamaatay rajadaadii ahayad inaad sii noolaato oo waxaa soo dhaawatay geeridaadii waayo waxaa tahay wiil da’yar, wiilkii yaraa waxa uu yidhi xajaajoow haday geeridaydu gacantaada ku jirto ma dhibsanyo waxaad I tidhaahdo, intaas markii ay dhacay ayaa waxaa hadal ku bilaabay dadkii xajaaj ku dhawaa oo leh wiil xun baad tahay oon edab lahay markaad sida wiilasha facaaga ah ula hadlayso amiirka, miyaad ogayan inaad lahadlayso amiirkii ciraaq iyo shaam.

Xajaaj ayaa bilaabay inuu suaalo waydiiyo wiilkii yaraa waxana uu yidhi wiilyahow markii dhawayd ee aad lahayd salaanta gaar ka ha yaad ula ula jeeday salaantaas gaarka ah? Wiilkii yaraabaa yidhi waxaa ula jeeday amiiral muumin cali binu abu daalib iyo asxaabtiisi baan ka waday oon ula jeeday, adigana xajaajow hadii lagu dhihi lahaa qof salaan yaad salaami lahayd?

Xajaaj: Waxaan salaami lahaa cabdimalik binu marwaan (Cabdimalik Ibn Marwaan waa reer binu umayaha waana boqorka wakhitigaas talinaya ee xajaaj uu ka amar qaato)
Wiilkii Yaraa: Ma cabdimalikga faajirka ah baad salaami lahay, Dadkii goobta fadhiyay ee xilka xajaaj waxa ka yahay baa xajaaj ku yidhi xajaajow wiilkan yar dil waayo waxa uu ka baxay daacadii amiirka iyo in jamaacada lagu dhex jiro oon laga dhex bixinba dabada ayuu ka yahay cabdimakil binu marwaana waa aflagaadeeyay in la dil ayaan ku xukunay ee dil.

Wiilkii yaraabaa waxa uu xajaaj ku yidhi dadkan edab u yeel waxaan ahay ma fahmayaane, xajaaj baa dadkii ku yidhi ka aamusa idinku oo ii daaya aniga,Intaas ka dib waxa xajaaj uu waydiiyay suaal tiro badan wiilkii yaraa waan ta xajaaj iyo wiilkii yaraa qisadii cajiibka badan ee dhex martay.

1.Xajaaj: Ma garnaysaa walalkay? (waxaa xajaaj walal la ahaa mid dhib badan oo yeman masuul ka ah)
2.Wiilkii yaraa: Haa waan garanayaa walalkaa oo waa fircoon oo markii uu nabi muuse iyo haruun oo wada socdaa u yimaadeen fircoon dadkii la fadhiyay buu la tashaday adigana fircoon baa walal kula ahoo dadka kula fadhiya ayaad la tashanaysaa.

Xajaaj: Waxaa uu dadkii la fadhiyay ku yidhi qoorta ka gooya mar hadiiba uu fircoon soo qaaday,
Cuqaashi nin la yidhaahdo oo ahaa dadkii goobta fadhiyay ayaa waxogaa intuu wiilkii yaraa u naxay yidhi xajaajow alle ha kuu gargaaree isku day in aanad dilin wiilkan oo aniga isii anigaa akhlaaqda u hagaajinaye oo barbaarniye,
Xajaaj: Ka xayso waa kaase alle kuuma barkeeyo’e

Wiilkii yaraa: u mahad celina maayo kii I bixiyay oo ah xajaaj (mahad ma mudna ) iyo cuqaashi oo la I siiyay midna mahad ma mudan inay dil iga bad-badiyeen.
Cuqaashi: waryaa sidee u hadalaysaa inaan geeri kaa bad-baadiyaan doonayaya adiguna waxaa leedahay mahad iguma laha oo hadalkan maad igla hadalaysaa buu yidhi inta uu xajaaj eegay oo yidhi ma rabo amiiroow inan ka xayasto’e ee waxaa rabto ku samee waa wiil edab darane.
Intaas ka dib ayuu xajaaj bilaabay inuu waraysato wiilku xaga uu ka yimid iyo deegaanka uu ka soo jeedo isir ahaan, wiilkii yaraa isagoo eegay fikrada uu ka qabo xajaaj dhulka badan ayuu kolba sheegtay maagalo isagoo xajaaj tijaabinaya waxa uu ka aaminsan yahay dhulalkaas kale duwan, waxaan uu yidhi xaajaaj.

Xajaaj: wiilyahow I dhagso wadan keed ka timid?
Wiilkii: waxaan ka imid wadanka masar
Xajaaj: waxaad ka timid magaaladii faasiqiinta, waayo waxaa ku nool dumar heesaha ciyaara oo meelahaas ka bood-booda, biyaheedana waxaa lagu cabaa weelal dahab ah, wabiga niil waa wabi cajiiba oo dadku ay la yaabaan, dadka ku noolina wabiga agtiisa carabna maaha cajabna maaha.
Wiilkii Yaraa: anigu habada magaaladaas kaam iman la soco, waxaan ka imid ahlu khuraasaan (dhulkii ay ka soo baxeen bukhaari iyo muslim waa wadamada Iran iyo afgaanistaan)
Xajaaj: Meel ka sii shar badan baad ka timid, diintuna ay ku yar tahay waayo waa dad cajaba ah oon carab ahayn waa sida xoolaha adiga , geela iyo lo’da oo kale, hadalkood waa culus yahay oo lama karo, midkooda qaniga ah oo hantida lehina waa bakhayl.

Willkii: Hadaba anigu magaaladaas k**a aanan imin, waxaan ka imi dhulka shaam la yidhaahdo.
Xajaaj: Waxaad ka timid dhul fiican (waa dhulkii mucaawiye looga gar-garaaya markii ay cali is hayeen) lakiin, waa dhul aan anigu necebahay waa meel dadka ka yimaada uu jidhkoodu uu adag yahay.
Wiilkii: Anigu hadaba dhulkaas k**a aanan imin, waxaan ka imid dhulka yeman.
Xajaaj: Waxaa ka timid magaalo aysan dadkeed garanayn hadii ixsaan, wanaag iyo samo fal loo sameeyo erayga ah (waad mahadsan tahay) waayo cadkoodu wuu mac yahay, hadalkooduna waa uu jilicsan yahay, midkooda caqliga badani waxa uu isticmaalaa muusiga iyo heesaha, kooda jaahil ka ahi khamiriga ayuu cabaa.
Wiilkii: Hadaba aniga k**a mid ahi kuwaas k**ana aanan dhalan, waxaan ka imid dhulkii barkaysanaa ee maka oo reer makaan ahay.
Xajaaj: Waxaad ka timid kuwo shar badan oo jaahiliina ah dhul ay ku nool yihiin waayo qolo uu illahay nabi wanaagsan ka soo dhex saaray, nabigii bay eryeen oo caydiyeen qol ayuun illahay ku bad-baadiyay oo uu kusoo dhaweeyay kuwaas oo jeclaaday oo karaameeayay (reer madiina).

Wiilkii: Hadaba aniga dhulkaas ka imin?
Xajaaj: Wiilyahow jawaabahaagu way igu badteen qalibgayguna waxa uu ii sheegayaa inaan ku dilo.
Wiilkii: Xajaajow hadii geeridaydu gacantaad ku jirto adigaaban ku caabudi lahaa ee xajaajow waxaad ogaataa inaan ka imid magaaladii rasuulka (NNKHA) ee madiina.
Xajaaj: Waxaad ka timid magaalo wanaagsan dadka dagani waa ehulu iimaan, waa dad wanaag jecel, ee qaliibkee baad ka dhalatay?
Wiilkii: Waxaan ka dhashay qaliib la yidhaa binu qaalib oo isir ahaana uu ka dhashay cali binu abuu dhalib nasabkayganu waligii ma baaba’aayo oo waligii waan jiraynaa.
Xajaaj intuu aad u cadhooday ayuu yidhi;
Xajaaj: Wiilkan madaxa ka gooya. Dadkii meesha fadhiyay oo caadifada nabigu yara qaaday baa yidhi xajaaj waa wiil yare ee maad iska daysid ma mudan in la dilo e’
Xajaaj: Maya waa in la dilaa xataa hadii mid samada ka dhawaaqo uu yidhaa ha la daayo
Wiilkii: Nabi ma tihide yaa samada kaaga dhawaaqaya?
Xajaaj: Oo inaan ku dilo oo nafta ku dhaafiyo yaa iga kaa hor taagan?
Wiilkii: Waxa iga kaa hor taagan oo inaad I dhisho kuu diidaya allaha kala dhex gala qofka iyo qalbigiisa
Xajaaj: Illaahaga aad sheegayso isagaa igu kaalmayna inaan ku dilo
Wiilkii: Illaahay kuguma kaalmayna ee shaydaankaaga ayaa kugu kaalmayna inaad I dhisho ee illaahay baan ka magan galay adiga iyo shaydaankaba.
Xajaaj: Wiilyahow waxaan arkaa in jaawabahaagu igu bateen ee
3. waxaad ii sheegtaa waxa ruuxu alle ugu dhawaado?
Wiilkii: Waxa uu ruuxu alle ugu dhawaado waa soonka, salaada, sakada iyo xajka

Xajaaj: Anigu waxaan illahay ugu dhawaanayaa dhiigaaga waayo waxaad I tidhi waxaan ahay ilmihii faracii xasan iyo xuseen. xajaaj oo raadinay waxaa uun uu ku daayo wiilkan yar ayaa waydiiyay
Xajaaj: ii sheeg wiilyahow yaa ku dhalay?,Wiilkii yaraa isagoo hadalka ku adkaynay ayuu ugu jaawaabay
Wiilkii: Waxaa I dhalay hooyo iyo aabo uun baa I dhalay,
Xajaaj: Xageed baad ka timid? Wiilkii: waxaan ka imid dhulkan balaadhan ee illaahay abuuray meel ka mid ah uun baan ka imid

Xajaaj: Wiilyahow waxaa ii sheegtaa
4.carab yaa u karaamo badan? ama yaa u deeqsimo badan oo u waxa bixin badan?
Wiilkii: carab waxaa u deeqsino iyo karaamo badan waa qabiilka la yidhaa banuu dayiq waayo waxaa ka dhashay xaatumul asam ninka la yidhaahdo.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa
5.carab yaa u sharaf badan? Wiilkii: waxaa u sharaf badan banuu mudar baa u sharaf badan waayo waxaa ka dhashay nabi muxamed (NNKHA),
Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa carab yaa u geesimo badan? Wiilkii: carab waxaa u geesimo badan waa binu haashim waayo waxaa ka dhashay waa cali binu abuu daalib

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa
6.carab yaa u ugu xun oo ug najaasaysan?
Wiilkii: Carab waxaa ugu xun oo ugu najaasaysan waa qabiilka la yidhaado banuu saqiif waayo waxaa ka dhashay adiga oo xajaaj ah horana waxaa uga dhashay musaylam binu kadaab oo nabinmo sheegtay
xajaaj intuu aad u cadhooday ayuu dadkii meesha ka ag dhawaa ku yidhi;
Xajaaj: Wiilkan madaxa ka gooya? Dadkii meesha joogay baa xajaaj ku yidhi wiilku waa yar yahay ee maad iska dayside, xajaaj intuu cadhadii waxogaa iska dajiyay ayuu ku yidhi

Xajaaj: Geelaagii geesaha lahaa ee aad raacaysa xaagad kaga soo tagtay?
Wiilkii: Waxaa kaga soo tagay geelii geesaha lahaa ee aan raacayay isagoo daaqaya geedka la yidhaa “SUWAAT” ( suwat waa geed aan caleen lahay oo kaliye leh godox oon waxa ceelan u dhalan)
Xajaaj: Intuu aad u qayliyay ayuu ku yidhi waryaa wiilyahow xunka ahi oon caqliga lahan “SUWAT” miyaanuu ahayn geed aan caleen lahayn oo kaliya qodox leh sidee buu geelu u daaqayaa geed aan caleen lahayn
Wiilkii: Xajaajow, adiguna xageed ku aragtay geel geeso leh, markaad geed aan caleen lahayn caleemo u diidayso

7.Xajaaj: Wiilyahow quraanka ma xafiday? Wiilkii: quraanka markaan xafidaayo quraanka miyaa iga cararaayo
Xajaaj: Wiilyahow quraanka ma kulmisay oo ma ururisay? Wiilkii: quraanka miyaa ka daadsanaa markaa ururinayo. Xajaaj: imaad fahmin su’aashayda miyaad, wiilkii: waxaa I tidhaadaa quraan akhrisay, ma fahamtay sidaas ii waydii suaasha.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa:
8.Quraanka aayada ugu wayn..?
9.Waxaaa kaloo ii sheegtaa aayad quraanka ugu xukunka dheer..?
9.Quraanka aayad ugu cadaalada badan ii sheeg?
10.Quraanka aayad marka la akhriyo ugu cabsida badan ii sheeg?
11.Quraanka aayad marka la akhriyo ugu rajada badan ii sheeg?
12.Waxaad ii sheegtaay aayada ay ku jiraan toban ayaadood oo ALLE (SW) waynidiisa lagu garanayo ay ku jiraan?
13.Waxaa ii sheegtaa aayad ay ku jiraan been ay sheegeen ilmo nabi uu dhalay?
14.Iyo aayada ay ku jirto run ay sheegeen yuuhuda iyo kiristaanku?
15.Aayada uu ku jiro ILLAHAY hadalkiisu?
16.Aayada ay malaa’ig hadalkeedu uu ku jirto?
17.Ayaada uu ku jiro hadalka ahlu janaha?
18.Aayada hadalka ahlu naarku ku jiro? Iyo aayad hadalka ibliisku ku jiro?

Wiilkii yaraa ayaa uga jaawabay su’aalahaasi oo dhan si waafi ah balse uu xajaaj la yaabay sida uugu kalo dhigay.
Xajaaj markii wiilkii intaas dhameeyay ayuu hadan suaalo kale sii waydiiyay

Xajaaj: Wiilyahow waxaa ii sheegtaa
19. qof laga abuuray hawada, iyo qof lagu bad-baadayiya hawo, iyo umada hawo (dabayl) lagu dilay?
Wiilkii: Qofka hawo laga abuuray waa nabi Ciise (CS) oo neef baa laga abuuray, qofka hawada lagu bad-baadiyayna waa nabi Sulayman (CS) oo hawda ayuu loogu garaari jiray oo adeegsan jiray, qolada hawadii am dabayshii lagu halaagayna waa reer caad markii nabigii alle (SWT) u soo diray beeniyeen.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa:
20.Shay geed laga abuuray
21. Ruux geed lagu dilay
22.Ruux geed lagu bad-baadiyay..?

Wiilkii:
Shayga geedka laga abuuray waa ushii nabi Muuse (cs) markii ay abeesada isu badashay waxay ahayd ulu waxaan ay noqotay abeeso,

Ruuxa geedka lagu bad-baadiyayna waxaa uu ahaa nabi Nuux (CS) markii ay dhulka iyo cirkaba ay biyo xidheen waxaa alle (SWT) dooni geed ka samaysan,

Ruuxa geedka lagu dilayna waa nabi sakariye (CS) oo qawmkii ay ku dileen siday u qaraacayeen.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa
23.Ruux biyo laga abuuray, ruux biyo dhexdooda lagu lagu bad-baadiyay iyo ruux biyo lagu halaagaya?

Wiilkii: Waxaa biyo laga abuuray nabi Aadam (CS), waxaa biyo lagu bad-badaayiya nabi Muuse (CS), waxaa biyo lagu halaagay fircoon iyo qoomkiisii

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa
24. cid naarta laga abuuray,iyo qof naar laga bad-baadiyay
Wiilkii: Waxaa naar laga abuuray ibliis, waxaan naar laga bad-badaayay nabi ibraahim (CS) markii qoomkiisu ku tureen

25. wabiyada janada iyo tiradooda inta ay tahay?
Wiilkii: Wabiyada janada maraa aad bay u tiro badan yihiin oo illahay ayuun baa tiradooda garanaya saw alle ma dhihin janada waxaa ku jira wabiyo aan biyahoodu is badalayn, kuwa caano aan dhadhankoodu anuu isbadalayn, iyo kuwa wabiyo khamri ah oo qofka cabtaa ay dhandhansanyso, iyo wabiyaal malab ah oo saafi ah, wabiyaashaa dhamaantooda waxay ka soo burqadaan hal meel ah iygoo caano, khamri, biyo, iyo malab isla ah, iskumana darsamaan.
Mid la mid ah kuwaas hal meela ka wada yimaada oo isku darsamayn oo kalane aduunyada ayaa laga helaa oo waa madax qofka dadka waayo wabiyo dhadhankoodu waa macaan wabiyona waa khadhaadh halka qaaran ay yihiin dhanaan madaxa qofkana waxaa ka yimaada candhuuf waa macaan dhadhan ahaan, ilinta qofka isha ka timaadana waa dhanaan, halka dukayga qofka dhagta ka yimaadana uu yahay khadhaadh. Dhamaantoodan waxay ka wada yimaadaan madaxa qofka oo isku meel weeyaan hadan iskuma darsamaan.

Xajaaj: Eluhu janahu way cabaan, waanay cunaan cuntooyin kale nooca ah mana saxaroodaan ee waxaa ii sheegtaa
26.Ruux dunida guud keeda jooga oo inta uu cuno, cabo hadana aan saxaroon sida eluha janaha oo kale?
Wiilkii: Haa waa laga helaa dunida guudkeeda oo waa ilmaha yare ee uurka hooyada ku jiro, ilmahaas yari waa cabaa, waana cunaa hadan ma saroodaa

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa
27.Dhiigii ugu h**eeyay ee dunida guud keeda ku dibca markii aadam alle SW abuuray ka dib?
Wiilkii: Waxaa uu ahaa dhiigaasi dhiigii hooyadeen xaawa ee xayadka ahaa isagaan ugu h**eeyay dhiig dunida guudka ku dhibca

Xajaaj: Wiilyahow bal waxad ii sheegta
28..Caqliga binu aadamiga wax iiga sheeg..?
29.Iimaanka wax iiga sheeg..?
30.Xishoodka waxa iiga sheeg..?
31.Deeqsinada waxa iiga sheeg..?
32.Geesinimada wax ii sheeg?
33.Shahwada iyo qooqana wax iiga sheeg?

Wiilkii: Hadaan waxa kaaga sheego:

Caqliga illahay toban buu u qaybiyay, sagaal raga la siiyay halna dumarkaa la siiyay,

Iimaanka illahay toban buu u qaybiyay sagaal reer yeman baa la siiyay halna aduunka kalaa loo qaybiyay,

Xishoodka illahay toban buu u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay,

Deeqsinimada illahay waxa uu u qaybiyay toban sagaal raga ayaa la siiyay halna dumarkaa la siiyay,

Geesinimada toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal carab baa la siiyay halna dunida kale oo dhan ayaa la siiyay,

Shahwada iyo qooqana toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa
34.waxa sanadkii mar kugu waajiba ah iyo waxa noloshaada oo dhan mar kugu waajiba ah?
35 waxa imika adiga agtaada kuugu dhaw?

Wiilkii: ayaa Ku jawaabay sidan
Waxa sanadkii mar kugu waajib waa soomka

waxa noloshaada oo dhan mar kug waajibi waa inaad bayta illahay xagto oo soo xajido, waxa imika aniga iigu dhawina waa geeri am inaan aakhiro tago aayaa iigu dhaw, ama inay naftu iga baxado ayaa iigu dhaw.

36.Xajaaj: waxaad wax iiga sheegtaa dumarka?

Wiilkii: Xajaajow wali waan yar haya oo dumar maan guursan lakiin waxaa ka aqaan ayaan waxa kaaga sheegi ee hadii aad hesho gabadh toban jira waxaa haysaa xuural cay nee ha sii dayn, hadii aad hesho gabadh labatna jira waxaad haysaa jano iyo barwaaqo iyo qurux la daawado ee ha sii dayn.

Xajaaj ayaa qosol dheer la dhacay ka badin waxaa uu sii watay suaalihii waxaana uu yidhi
Xajaaj: waxaa ii sheegtaa
37. qofkii ugu h**eeyay ee tiriya gabay?
38.cidii ugu jaawabtay gabay?

Wiilkii: waxa uu ugu jawaabay
waxa uu ahaa qofkii ugu h**eeyay ee gabay am shicir tiriyaa nabi Aadam (CS), gabay ahaa calacal oo ugu baroodiiqayay wiilkiisa uu dilay walalkii ,

waxana u jaawabay ibiliis oo taagnaa meel aan sidaas uga fogayn.

Xajaaj: Subaxaana lahaa illahay ayaa xumaan ka fog qofkuu doona ayuu xikmada iyo cilmi siiyaa ma arkin adiga wiil cilmi iyo caqli iyo kaa garsho badan, wiilyahow cilimgaagii farah badanaa waad noogu deeqday ee waxaa khasab ah inaan ku karaamayno oo aanu ku waanaajino, waxaan ku siinayaa ku siinaynaa kun diinaar, waxa kaloo ku siinaynaa dhar qurxoon, seef, gabadh iyo waliba faras.

Xajaaj oo ayna wali ka go;an damacii ahaa inuu dilo ayaa mar kale u dhigay hal-xidhaalaha waxaanu inta uu hoos isu faqay yidhi hadii faraska qaato waa iga bad-baadayaa lakiin inta kale hadii uu qaato waan dilayaa.

Xajaaj: Wiilyahow kalo dooro alaabtan aan had-yad ahaan kuugu keenay?, wiilkii yaraa intii uu kale dooranaayay ayuu gabadhii oo waxa la kalo dooranyo ku jirtay tidhi aniga I qaado wiilyahow maxay taryaan maro qurxoon, lacag, seef iyo faras anigaa kaaga wanaagsan ee aniga I qaado waxaan kuu noqo doonaa gabadh aad ku raaxaysato oo raaliyo ahe.

Wiilkii: Gabadhyahay dan kaama lihi ee iskay daa; xajaaj ayaa dareemay sanqashadii iyo il jabintii gabadha oo ku yidhi xajaaj: maad isku xishootid gabadhyahay intaad wiilka yar u il-qabinayso markaas buu gabay u tiriyay gabadhii xajaaj.
Wiilkii: Xajaaj hadaad I kale dooran siiyo alaabtan ah kun diinaar, gabadh, seef, iyo faras, aniguwaxaa qaadan lahaa faraska lakiin adiga hadii aad dheecaan xalaal ah ka dhaltay oo aad tahay nin wanaagan waa I wada siinaysaa.
Xajaaj: Wada qaado dhamaantood illahay kuuma barkeeyee

Wiilkii: waan kaa gudoomay alaabtaas ee adiga illahay mida ka danbaysa kuma siiyo, adiga iyo aniga illahay mar danbe nama kulan siiyo.
Markii uu wiilkii yaraa alaabtii oo dhan isku qaatay ayuu yidhi xajaajow xageen baan ka baxaa oo maraa

Xajaaj: Waxaad ka baxadaa iridaas halkaas ah ( inta uu u tilmaamay albaab aan cid dhibto aanuu arkayn)
Xajaaj ayaa dadkii aga joogay yidhi maxaad igu tilmaantay albaabka uu ku nabad galayo ee aad ugu tilmaami wayday ka aanu ku xidhayno,
Xajaaj: Waxaa ugu tilmaami waayay waa uu ila tashaday qofku haduu kula tashada waa uu ku aaminay markaas ma haboona in la khiyaameeyo. Sidaas ayuu wiilkii yaraa ku badbaaday oo kaga baxay qasrigii xajaaj isagoo wato alaabtii oo dhan.

Zakarie jama Aden

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Hargeisa
Hargeisa