08/08/2026
Ardaydani Way Daalayaan — Fariin U Reeb Iyaga iyo Dhalinyarada Doonaysa Inay Bartaan Farsamada Gacanta
Ardaydani maanta way daaleen, waxayna u baahan yihiin eray wanaagsan iyo dhiirrigelin.
Adigan daawanaya, fariin u reeb iyaga iyo dhalinyarada kale ee doonaysa inay bartaan farsamada gacanta.
Maxaad kula talin lahayd?
Maxaad ku dhiirrigelin lahayd?
Maxaad kula dardaarmi lahayd?
U sheeg in daalku aanu ahayn in la iska daayo. Xirfadda ay maanta baranayaan waxay berri u noqon kartaa shaqo, nolol iyo mustaqbal wanaagsan.
Dhalinyarooy, farsamadu ceeb maaha. Farsamadu waa hanti. Haddii aad maanta daashaan, yara nastaa, laakiin ha ka tegin wixii aad baranaysay.
Hal eray oo wanaagsan oo aad maanta u reebto, waxa laga yaabaa inuu noqdo dhiirrigelintii ay berri ku sii wadan lahaayeen xirfaddooda.
( Halhays“Ilaahay Waxba K**a Qarsoona)