11/06/2026
🌷 WACYIGELIN MAANTA – QAYBTA 2AAD 🌷
Walaal, qalbigu wuxuu degaa marka uu xuso Alle, wuxuuna cidloobaa marka uu ka fogaado.
Dhibaato kasta oo ku haysata, u laabo Rabbigaa, maxaa yeelay albaabka Alle mar walba waa furan yahay. Ducadaada ha yaraysan, ilmadaada ha qarin, rajadana ha lumin.
Alle wuxuu jecel yahay addoonka mar kasta u noqda oo ka baryaya khayrka adduun iyo aakhiraba.
Maanta samee hal camal oo wanaagsan: ✅ Akhri Qur'aan. ✅ Sadaqo bixi. ✅ Waalidkaaga u ducee. ✅ Qof muslim ah u samee wanaag.
🤲 اللهم أصلح قلوبنا، واغفر ذنوبنا، واجعل خير أعمالنا خواتيمها.
Alle ha inaga dhigo kuwa qalbiyadoodu ku xiran yihiin Qur'aanka iyo xuska Alle. Aamiin. :::