Mahad muxumed

Mahad muxumed

Share

Rasuulkii Ilahay
Risaalada Saaree
Rabigiisu Doortow

Runta Kii U Doodi Jiray
Ee RabeeYey Ruuxaha
I

03/10/2025

Xildhibaan h**e Nadir Yuusuf ayaa habenkii afaraad ku xidhan magaalada Jigjiga ee Caasimada deeganka.

Nadiir ayaa xadhiggiisu uu salka ku hayaa gobolka cusub ee Jarar laga jarayo, kaas oo uu sheegay in ay qasab tahay in xaruntiisu ay noqoto Gaashaamo ama Daroor.

Madaxweyne Mustafe ayay xoguhu sheegayan in gobolka cusub uu xarun uga dhigayo Awaare, taas oo ay si adag uga soo horjeedaan shacabka Gaashaamo iyo Daroor.

08/08/2025
13/07/2025

"Nebigii Ilaahow,
Nuurkii Islaamkow,
Adigoo adduunkiyo
Ifka weli ka maqan baa
Lagu sii oddorosoo,
Ishaarooyin badan baa
Dadku kaa arkeenoo,
Ayaamaha Ilaahay
Qaar baa astaan lehe
Toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo,

Adduunyada xuskaagii
Ololaa ka dhacayoo,
Ururweyne goortii
Ugxantaadu bururtaa
Xiddiguhu ifeenoo,
Dayaxaa ilayskii
Arladoo dhan gaadhoo,
Onkodkiyo hillaacaa
Araggiyo wax maqalkii
Ashqaraar ku ridayoo,

Insigiyo jinkaa farax
Abshir dhaha la yidhiyoo,
Inta haadda duushiyo
Idil habar dugaag baa
Abaabulay ciyaaroo,
Dhirtu oogadaadiyo
Afartaada geesood
Ubax iyo caleen bay
Ku ilaa xidheenoo.
يا خير الأنام عليك السلام
Abtirsiimadaadiyo
Meeshaad ku ababtaa
Dadku wada ogaayoo,
Aaminatu Wahab baa
Kugu qaadday uurkoo,
Adigoo unk**ayoo
Weli soo ifbixin baa
Adoogaa xijaabtoo
Nafta laga aroorshoo,
Amran hooyadaa baa
Ummushii ku dhimatoo,
Allahay Xaliimuu
Igadh kaaga dhigayoo,
Iyaduu xilkaagii
Adhaxdeeda saaroo,

Iyadaa lafdhabartiyo
Kugu qaaday adhaxdoo,
Abuurtaada Nebiyow
Ulajeeddo weyn buu
Ka lahaa Ilaah oo,
Hadba guri ammaanuu
Rabbi kugu ogaayoo,
Arrintaada meel buu
Ku ilaalinaayoo,
Adigoo agoonaad
Makka adhi ku raacdoo,
Oon iyo harraad iyo
Arrad iyo cagaag baad
U adkaysanaysee;
Nebigii adeerkii
Abu Daalib koriyow.

Nebigii Ilaahow
Adoo jooga keligaa
Buur oogadeedoo
Adduunyada sirteediyo
Ifafaalaheediyo
Ku dhex jira ammuuraha
Ka qarsoon addoomaha,
Sow uur-kubaalliyo
Malag kuuma imanoo
Iqra kuuma dhiginoo
Aayadaha Quraankiyo
Magacyada Ilaahay
Kuma odhan guddoomoo
Runta kuma ogeysiin.

Dabadeed ayaantaas
Xaruntii Ilhaamkaa
Idan kaaga yimidoo,
Waxa Eebbe kaa wacay
Cirka oogadiisoo,
Nebow geenyo uguboo
Amran oo la yaabloo
Ashkiraa ku qaaddoo,
Carshigaa il bidhiqdeed
Irriduhu furmeenoo,
Allaheenna weyn baad
Afti kala hesheenoo,
Noloshiyo iftiinkuu
Kuu soo igmadayoo,
Gaal iyo Islaamkuu
U arrimi ku yidhiyoo,
Ururweyne waa taad
Ka akhriday dhambaalkee
Ummaddoo dhan shirisee
Arrintii dhacsiisee
Ulajeeddo hadashee
Oosha tidhi hoggaansama.

Inkastood wax yaabliyo
Tustay dhawr astaamood,
Waa tay addoomuhu
Afar iyo shan mooyee
Kaa aamuseenoo
Iimaansan waayeen
Aayadaha Quraankee
Dhegahana ka awteen
Ulajeeddadaadoo,
Adyadaa carruurtiyo
Gardarada abwaannada
Ushu kuma damqaynoo
Samirkii Ayuub baad
Kaga uur samaydoo,
Eeddooda waa taad
U adkaysanaysee.

Waanwaanta Eebbiyo
Amar baad sugaysee
Goortii af daalee
Odayadi Quraysheed
Ergo lagala quustaa
Abbaanduulayaashii
Ka irdhoobay Diintee
Ashahaada diiddiyo
Arbayaashi qooqaa
Beder lagu umaadoo
Lagu adhax wareemoo,
Ajar iyo jihaad baa
Birta loo afaystoo
Waaberi arooryaa
Uxud layska helayoo,
Eebiyo gantaal baa
Lagu wada idlaadoo,
Dhiiggii ordaayaa
Oodaha la tegayoo,
Ololkii Xuneyn baa
Boqorkiyo ugaaskii
Indhashoodi duushoo,
Goobtii Axsaab baa
Axan loogu kariyoo,
Utin kaa maqnayd baad
Aarkeeda gudatoo,
Kabcaada ajarankii
Nafta lagula eertoo,
libta lagu aroostaa
Xarameynku iidoo,
Uskaggii ka maydhoo,
Waxa laysku aaminay
"Aaway ku aaway
Ambaqaad higgaadoo
Addin yaa Bilaal".

"Dhammideed adduunyada
Afarteeda waaxyood
Eedaanka gaadhsii
Addin yaa Bilaal".

"Awliyada qarsoon iyo
Iilkiyo xabaalaha
Aammiinta maqashii
Addin yaa Bilaal".

Allaahu Akbartii bay
Daateen asnaamtii
Abu Jahal rumeeyoo,
'Ilaahyadi' la beertee
Ninba toban abuurtaa
Eedaankii dumiyoo,
Allahay sir iyo caad
Inu yahay mid keliyaad
Asaraar ka saartoo,
Udubbada Furqaan baad
Ku adkaysay ciiddoo
Xididada u aastoo,
Ummad kala qabweyn oo
Ashahaada karinoo
Anbatoo hallawdoo
Abtirsiimo lumisoo
Is addoonsanaysoo
Utin kala dhex taalliyo
Aardoon ku madhatoo
Usha laysku dhacayoo
Ooduhu dhex yaalliin
Soo ururshihiiyow."
يا خير الأنام عليك السلام
— ERGADII FURQAAN | 1978.

24/06/2025

Laba kala duruufo ah
Dariiq k**a dhexeeyee,
Daw waxaad la qaaddaa
Danta kaad wadaagtaan.

salaan sare saxiiboyaal🙏

24/06/2025

"Marbay xooluhu madhaan
Maryana waad ka arradaaye
Adduun magac baa ka hadha
Ifkana maanta un ha moodine
Hadduu mawdku ina daayo
Maalmihii qaarbaa dambeeye
Taariiqduna waa ma guurtee
Naanays kuu meel martiyo
Maahmaahi ayey ku raacine
Milgaha guurka ha xumayn."

-- Abwaan Xasan-Ganey
Caynaanshe

20/06/2025

Qaar kamid ah Xikmadaha Ustaad Muxiyadiin.

• iskaba Foolxumow laakiin dantaada aqoonso uun hadii aan Foolxumahay oo aanan cidna wax weydiisan dadka anaa ugu qurux badan.

• Soomaalida ayaa laga helaa qof Iphone sita oo leh bilaa Camal baan ahay.

• Guul darradaadu waxay bilaabanaysaa marka aad qof kale guul darro urajayso ama dhib la jeclaato.

• Gacantu haday Murkacato waa lasoo celin karaa bal Af Murkacday sidee loosoo celin.

• intaad Shaqo yasaysid meel ma gaaraysid Dawarsigaba waad ubadheedhaye inaad tabcato maxaad kuu diiday.

• Qofba Qofkuu ka waxtar yaryahay waa ka mixnad badanyahay oo waa ka macan - gagsanyahay, Qofba Qofkuu ka waxtar badanyahayna waa ka dabeecad wanaagsanyahay

• Guusha iyo Xasilloonidu waxay kujirtaa Amarka alle oo la qaato

• Hadaad Qof Far kufiiqdo isaga hal Far ayaad kufiiqday Saddexda kale xagay kujeedaan

20/06/2025

Qoraal loogu talagalay Haweenka Xaasaska ah ee Isticmaala Facebook iyo Baraha Bulshada Kale

Markaad wax kusoo qorto baraha bulshada, kadibna aad aragto faallooyinka nooca ah:

("Waa ku qurux badan tahay" - "Waa iftiinka nolosha" - "Maxaad u qurux badan tahay" - "Qamar baad tahay")
iyo erayo kale oo la mid ah oo quruxsan,

Kadib waxaad eegtaa ninkaaga miskiinka ah ee sariirta la jiifa daal iyo tamar la’aan, isagoo maalintii dhan la halgamayay sidii uu u heli lahaa quudkiinna.

Qaar ka mid ah haweenka waxay markaas is barbardhigaan noloshooda dhabta ah ee ay ninka la joogaan iyo erayada quruxda badan ee lagu leeyahay baraha bulshada.
Kadib waxay bilaabaan caro iyo diidmo ninkooda, mararka qaarna waxay gaartaa heer qoyskaas uu burburo — illaa uu guurka ku dhamaado furriin.

Walaashay xaas ah...

Ha ku dagmin erayadaas quruxda badan. Baraha bulshada waa aduunyo been abuur ah oo aan dhab ahayn. Ragga badan ee erayadaas qoraya waa la mid ninkaaga, xitaa qaarkood way kasii liitaan.

Gurigaaga, caruurtaada, iyo ninkaaga ilaali. Ha u ogolaanin dunidan beenta ah inay dumiyaan naftaada, qoyskaga, iyo mustaqbalka caruurtaada.

Tan ugu muhiimsan: Nadiif ahaanshahaaga, sharaftaada, iyo damiirkaaga ilaali. Ka baqa maalinta aad Alle hortiisa istaagi doonto.

Xusuusnow: Ninka isku dayaya inuu kaa lumiyo sharaftaada wuxuu rabo kaliya inuu naftiisa ku raaxeysto oo kugu ciyaaro — wax qiimo ah kuma lihid isaga agtiisa.

Qofka kugu sharafay oo kaa dhigay xaaskiisa, magacaaga kuu xambaaray, sharaftaada ilaashaday — isaga ayaad u tahay mid mudan inaad ixtiraamto oo aad sharaftiisa ilaaliso. Waa ninka kaliya ee kuu istaagay.

Xitaa haddii uu xilliyo kulul kula dhaqmo ama uu hadal adag yiraahdo, ogow: adigu ma ogid culayska uu maalinta la kulmo, dhibta uu u maro si uu idinka kugu quudiyo, una ilaaliyo naftiina, caruurtiina, iyo sharaftiina.

Ha iloobin: Dunida kuma jiro qof kuu istaagaya, kuu qiimeeya, kanaaga adkaada ninkaaga oo kaliya — sidoo kalena adiga adigaa isaga asturaysa.

Qofkii caqli leh ayuu fariintani u socotaa.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Hargeisa