Mohamed Moge secondary school

Mohamed Moge secondary school

Share

waa dugsi facwayn oo kamida haldoorka dugsiyada somaliland

11/04/2026

Hambalyo hambalyo dhammaan bahwaynta dugsiga sare Mohamed Moge secondary school.

Photos from Mohamed Moge secondary school's post 11/04/2026

𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 & 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 JSL – 𝐍𝐀𝐓𝐈𝐈𝐉𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐈𝐍𝐀𝐋 𝐊𝐀 🏆
Tartanka Aqooneedka Fahamka Waddaniyadda & Barashada Dastuurka JSL oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Jaamacadda Shaafi, isla markaana loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee Gobolka Maroodi-Jeex, ayaa si rasmi ah u soo gebogeboobay Sabti 11 April 2026, laguna qabtay Hall-ka Jaamacadda Shaafi.
🔥 Kulankii K**a Dambaysta ahaa (FINAL) ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay ku tartameen saddex dugsi oo heer sare ah, kuwaas oo muujiyay aqoon, karti iyo tartan hufan.
🏆 𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚:
🥇 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 1𝐚𝐚𝐝: M. MOOGE Secondary School
🥈 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 2𝐚𝐚𝐝: DAYIB GURAY Secondary School
🥉 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 3𝐚𝐚𝐝: ALI SANYARE Secondary School
✨ Tartankan ayaa ahaa mid kor u qaaday fahamka dastuurka, dhiirrigeliyay aqoonta ardayda, isla markaana xoojiyay dareenka waddaniyadeed.

Hambalyo Mohamed Moge secondary school!

09/04/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨! 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐌. 𝐌𝐨𝐨𝐠𝐞 𝐒𝐞𝐜𝐨𝐧𝐝𝐚𝐫𝐲 𝐒𝐜𝐡𝐨𝐨𝐥

Barnaamijka Tartanka Barashada Dastuurka iyo Fahamka Waddaniyadda, oo loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee Gobolka Maroodi-Jeex, ayaa si heer sare ah uga dhacay Jaamacadda Shaafi

Dugsiga M. Mooge Secondary School waxa uu si rasmi ah ugasoo gudbay wareegga Labaad kulankiisa koobaad kadib bandhig aqooneed oo heer sare ah oo ay soo bandhigeen ardayda dugsigu.

14/03/2026

Tacsi
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxa caawa Hargeisa ku geeriyootay, Muuna maxamed Xuseen oo ahayd ardayad dugsiga ka baxday sanadkii u danbeeyay 2024-2025, inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun. Maamulka, macalimiinta, ardayda iyo sidoo kale halwadeenada dugsiga Mohamed Moge secondary school, waxay tacsi tiraanyo leh u dirayaan, waalidka, ehelka iyo qaraabada iyo dhammaan ardaydii ay ka baxday.
Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo.

Photos from Mohamed Moge secondary school's post 05/03/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 5March,2026 waxa si toosa usoo gabagaboobmay tartankii waxbarashada ee dugsiga sare Mohamed Moge secondary school, waxa final isugu soo hadhay laba fasal oo kala 4B iyo 2A, tartankaasi oo u dhacay qaab heer sare ah si fiican losoo agaasimay, tartamayaasha labada dhinaca waxay muujiyeen dadaal iyo karti dheeraada, waxay guushu raacday fasalka 4B, sidaana ku noqday fasalka guusha ee sanadka, dhigooda 2A ayaa si wayn ugu hambalyeeyay kuna qancay natiijada tartanka. 12 fasal oo uu dugsigu ka kooban yahay waxa saddexda kaalmood ee sare galay.
Kaalinta 1aad ahna fasalka sanadka 4B, kaalinta labaad fasalka 2A, halka kaalinta saddexaad ay galeen fasalka 2B. Dhammaan dugsigu waa uu u hambalyaynayaa.

Hambalyo 4B.
Hambalyo 2A iyo 2B, kaalinta labaad iyo kaalinta saddexaad.

04/03/2026

Berri oo taariikhdu tahay 5 March,2026 waxa dugsiga ka dhici doonta tartankii ugu danbeeyay, waxaanu dhex mari doonaa laba class oo ka soo hadhay 12 fasal. Waa laba fasal oo marna aan laga guulaysan intii tartanku socday, waxaanay labadan fasal tartankii 2025 ay ku hadheen wareegii 1aad, sanadkan se taariikhbay qoreen, halkan kumay soo gaadhin hadyad, shaqo iyo dadaal bay ku soo gaadheen. Waxay kala riixan doonaan kaalinta 1aad, iyo fasalka sanadka ee guusha waxbarashada.

Photos from Mohamed Moge secondary school's post 04/03/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 4 March, 2026, waxa dugsiga ka qabsoomay tartan aad u adag oo ah (Semi final), kaas oo dhex maray laba fasal oo kala ah 4B iyo 2B, waxa tartankaasi guushu raacday fasalka 4B, waxaana fasalka 2B ay sidaa ku noqdeen fasalka kaalinta saddexaad ku jira.
Dugsigu hambalyo ayuu u dirayaa, si gaar ahna guulaystaha maanta hambalyo wayn ayuu u dirayaa.

4B hambalyo.

28/02/2026

Wareegga saddexaad, waxa isugu soo hadhay saddexda fasal ee kala ah 2A, 2B, 4B.
Dhammaantood waxa si wada jira dugsigu ugu dirayaa hambalyo, intaa kadib maanta oo ay taariikhdu tahay 28Feb,2026, waxa dugsiga ka dhacay qori tuur waxaana laysugu beegmay sidan soo socda, fasalka 4B vs 2B.
Waxaana si nasiiba final ugu taagan fasalka 2A.

Photos from Mohamed Moge secondary school's post 25/02/2026

Tartankii 2aad ee wareega labaad waxa tartan adagi dhex maray labada fasal ee kala 4B iyo fasalka 1B. Waxay guushu raacday fasalka 4B.

Hambalyo 4B.

Photos from Mohamed Moge secondary school's post 25/02/2026

Tartankii 1aad ee wareega labaad waxa si adag u tartamay maanta oo ay taariikhdu tahay 25-feb-2026, fasalka 2A iyo fasalka 1c. Waxa u ahaa tartan aad u adag, ugu dambayn waxay guushu raacday fasalka 2A, sidaana ku noqday fasalkii 1aad ee ugudbay wareega saddexaad.

Hambalyo fasalka 2A.

24/02/2026

12 fasal oo tartan wada galay wareegii 1aad waxa isku soo hadhay 6 fasal oo kala ah kuwa hoos iddinka muuqda waxaana ay ugudbeen si toosa wareega labaad. Maanta oo ay bishu ahayd 24-feb-2026 qori tuur ka dhacay dugsiga waxa ay isugu beegmeen sidan hoose.
Waxaana wareega labaad si toosa u bilaabmaya Barri oo arbaca ah insha allaah.
Waxa dhammaan dugsigu hambalyo u diraya fasalada usoo gudbay wareega 2aad.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

24 Street
Hargeisa

Opening Hours

Monday 06:00 - 12:00
Tuesday 06:00 - 12:00
Wednesday 06:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 12:00
Sunday 06:00 - 12:00