Salaama Primary Schools

Salaama Primary Schools

Share

Ku Soo Dhawaada Bogga Rasmiga ah ee Dugsiyada Hoose Dhexe ee Salaama oo aad kala Socon Doontan Casharada Dugsiyada Hoose / Dhexe ee Salaama oo Toos ah.

Photos from Salaama Primary Schools's post 13/05/2023

Waxa Shalay Galab Munaasibad Sagootina U Sameeeyey Macalimiintoodiii Fasalka (8A Girls ) ee Galinka h**e , Waxaana Kala Soo Qayb Galay Maamulka, Macalimiinta iyo Kormeerayaasha Dugsiga. Waxaan Halkaa Maamulka Iyo Macalimmintu Dardaaran Ku Siiyeen Ardayda Fasalka 8A ee sanadkan u fadhiisaneysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/2023. Waxaa Iyaguna Dhankooda Ardaydu Macalmiintoodii Ku Sharfeen Shahaadooyin iyo Alaabo kale oo Qiimo Badan Uguna Mahadceliyeen Sidii Qiimaha Badneyd Ee Ay Wax U Bari Jireen.

03/03/2023

Tartan Kubadeed U Socday Fasallada Dugsiga Hoose Dhexe Ee Salaama 4 Faraciisa Calaamada Ayaa La Soo Gabegabeeyey, Iyada Oo Uu Tartankaasna Uu Koobkii Ku Guulaystay Fasalka 8A . Tartankan Ayaa Ah Mid Sanad Kasta Loo Qabto Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Salaama Qaybahooda Kala Duwan.

Photos from Salaama Primary Schools's post 16/02/2023

Waxaa Maanta Uga Furmay Horyaalka Ciyaaraha Kubada Cagta Garoonka Libaaxyada Fasallada Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Salaama Faraciisa Calaamada [Branch 4].

Photos from Salaama Primary Schools's post 19/12/2022

: Tartan Aqooneed Loo Qabtay Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Salaama Faraciisa 1aad Oo u Dhaxeeyey Fasallada 4aad ilaa 8aad Ayaa La Soo Gabagabeeyey Iyadoo Uu Tartankaasina Ay Ku Guuleysteen Fasalka 7B.

Photos from Salaama Primary Schools's post 16/12/2022

Dugsiga Hoose/Dhexe Ee SALAAMA 1 Ayaa Si Rasmi Ah Loo Soo Xidhay. Koobkan Oo Muddo Soo Socday Ayey Finalkii Isugu Soo Hadheen Labada Fasal Ee 8A Iyo 7A Taasoo Ay Kuna Soo Bandhigeen Ciyaar Qurux Badan. Ugu Danbayn Waxay Guushu Raacday Fasalka 8A Oo Kuna Guuleystay Koobkii. Maaha Markii Koobaad Ee Uu Dugsigu U Qabto Tartan Kubadeed Ardayda Dugsiga.

15/09/2022

𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢!

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u Diraynaa 10-kii Arday Ee Ugu Sareysay Dugsiyadda Hoose/Dhexe Ee SALAAMA Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Fasallada 8-aad Ee JSL Sanad Waxbarasheedkii 𝟮𝟬𝟮𝟭 - 𝟮𝟬𝟮𝟮. Waxaanu Sidoo Kale u Hambalyo u Diraynaa Waalidiintii Ku Soo Tacabtay iyo Macalimiintii Wax Soo Bartay.

14/09/2022



Maamulada Dugsiyadda Hoose/Dhexe Ee SALAAMA Waxa Uu Ku Wargalinayaa Ardaydii Fasallada 8-aad Ee Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Sugaysay Natiijadii Imtixaankii Shahaadiga Ahaa In La Shaacin Doono Imtixaankii Shahaadigga Ahaa Berito Oo Ay Taariikhdu Tahay 15/Sep/2022 Laguna Shaacin Doono Xarunta Dugsi Kasta.
ALLAA MAHAD LEH

Photos from Salaama Primary Schools's post 25/08/2022

: Xafladii Furitaanka Sanad-Dugsiyeedka Cusub 2022-2023 Ee Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Salaama 3 - Daloodho Iyo Abaalmarintii Ardaydii Kaalmaha H**e Ka Galay Imtixaankii H**e.

Photos from Salaama Primary Schools's post 25/08/2022

Waxaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Hoose/Dhexe Ee 4 Qaybtiisa Calaamada Xafladii Furitaanka Sanad-Dugsiyeedka Cusub Ee 2022-2023. Xafladan Oo Si Heersare Ah Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb-galay maamulka, Macalimiinta, Waalidiinta Iyo Ardayda Dugsiga Dhigata. Maamulaha Dugsiga Siciid Jirde Maxamed Ayaa Waxa Uu Halkaa Ku Gudoonsiiyey Abaalmarino Ardaydii Kaalmaha H**e Ka Gashay Imtixaankii Sanad-Dugsiyeedkii H**e. Waxa Uu Maamuluhu Uga Mahadnaqay Waalidiinta La Socoshada Tacliinta Ubadkooda Iyo Xidhiidhka Dhow Ee Ay La Leeyihiin Dugsiga.

Photos from Salaama Primary Schools's post 25/08/2022

Xafladii Furitaanka Sanad-Dugsiyeedka cusub 2022-2023 Ayaa Lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Salaama Primary 2- Daloodho Qaybtiisa Galinka Danbe. Waxaa Halkaa Lagu Gudoonsiiyey Abaal marino Ardaydii Kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad U Gashay Fasaladooda.

Photos from Salaama Primary Schools's post 23/08/2022

23.08.2022
Waxaa Maalintii Shalay Lagu Qabtay Dugsiga Hoose/Dhexe Salaama 3 Qaybtiisa Goljano Xafladii Furitaanka Sanad-Dugsiyeedka Cusub Ee 2022-2023. Xafladan Oo Si Heersare Ah Loogu Soo Agaasimay Xarunta Dugsiga Kana Soo Qayb-galeen Maamulka, Macalimiinta, Waalidiinta Iyo Ardayda Dugsiga.Ugu H**eyn Waxa Halkaa Ka Hadlay Maamulaha Dugsiga Cabdiwali Xasan Maxamuud Oo Ka Waramay Sooyaalkii Taariikheed Ee Dugsiga Iyo Kaalinta Uu Dugsigu Kaga Jiro Kor U Qaadida Waxbarashada Dalka Iyo La Dagaalanka Aqoon Darada.
Waxa Isna Halkaa Ka Hadlay Kormeere Xasan Xaamud Muxumed Oo Ka Warbixiyey In Masuuliyadi Ka Saaran Tahay Waalidka Inay La Socdaan Waxbarashada Ubadkooda Xidhiidh Joogto Ahna La Yeeshaan Dugsiga. Waxa Iyana Halkaa Ka Hadlay Waalidiin Ugana Mahad Celiyey Maamulka Iyo Macalimiinta Sida Masuuliyada Ay Ku Dheehan Tahay Ee Ay U Barbaariyaan Waxna U Baraan Ubadkooda. Ugu Danbeyn Waxa Halkaa Abaal Marino Lagu Gudoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha 1aad, 2aad Iyo 3aad Ka Galay Imtixaankii Sanad-Dugsiyeedkii La Soo Dhaafay.

Photos from Salaama Primary Schools's post 15/08/2022

Maamula Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Salaama Primary School 3 Daloodho, Sh. Cabdixakiin Maxamed Axmed Ayaa Maanta Kagala Hadlay safka Ardayda Dugsiga Qiimaha Iyo Wanaaga Uu Leeyahay Soo Xidhashada Direysku Iyo Inaan Laga Iman.

Waxa Uu Sidoo Kale Maamuluhu Ku Dhiirigaliyey Ardayda Inay Ku Tartamaan Tacliinta Laguna Dadaalo.

Dugsiga Ayaa Ka Kooban Laba Qaybood Oo Hablaha Iyo Inamada U Kala Gaar Ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

150 Streat
Hargeisa