Dallada Rejo

Dallada Rejo

Share

Dadka halyey lagu yahay.

22/04/2026

Dhalinyarooy waddooyinka guushu waa cadaab, waddooyinka fashilkuna waa janno! Mar kale akhri. Haa waddooyinka guusha loo maro waa lagu dhibtoodaa oo lagu kadeedmaa. Tusaale dhaw. Jannadu waa guusha ugu weyn si Rasuulku casharkan inoo baro wuxuu yidhi jannada waxa lagu deyray wax kasta oo naftu nacdo, naartana waxa lagu deyray wax kasta oo naftu jamato. Halkan waa halka qaacidadani kasoo baxayso (haddii laba arrin isku kaa dhex murmaan, oo aad garan weydo midka liibaanta leh khilaaf naftaada waayo nafuhu waxay innagu hogaamiyaan wax la ceebaysto.) Sidaasuu imaamu Shaafici u yidhi
إذا حارَ أمرُكَ في مَعْنَيَيْن* ولم تدرِ حيثُ الخَطَا والصَّوابُ
فخَالِفْ هَوَاكَ فإنَّ الهوَى* يقودُ النفوسَ إلى ما يعاب

Dhalinyarooy raaxo suuleysa iyo daal waaraya waxa ka wanaagsan daal suulaya iyo raaxo waaraysa, kala doorashadooda iyo go’aankaba adigaa leh. Shay kasta oo leh raaxo suulaysa iyo cataw waaraya daqiiqad haku lumin wakhtigaaga. Balwadaha, macaasi ku hoobadka, han la’aanta wuxuba waa cadaab yar oo aad naftaada marba gobol ku ololinayso illaa heer aad isku baxdo ruux iyo jidhba!

22/04/2026

raaxada la sheega doqonkay u roontee, ha rafaado geesigu.

22/04/2026

Umadii daryeel weli ma helin daacada ahayde.
Daab gudimo weli sooma jarin wiilashan diraye.
Sidii bay docaha aqalladii uga daloolane.
Sidii baa digaalow biyaha loo dawaroyaaye.
Dembi ku hadli maaye ma helin, dawladaan rabaye.
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.
Dusha midabka soomali baad, dugulka mooddaaye.
Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii kakale.

27/02/2026

ramadaan kariim

09/10/2022

Maxey kula duwanyihiin labadaas hadal
Mise waaaba iskumid????

06/10/2022

The process is better than goals
Dedication
Commitment
Mahadsanidiin brothers

06/10/2022

Foreman

18/08/2022

Love isreally feeling

12/08/2022

Dhagaysi wacan

02/05/2022

MACALUUSHA MASKAXDA

Hadda oo aan kursi ku fadhiyo, waxa aan dhammeeyey qoridda arrinti maskaxdayda ka guuxaysay, ee aan ka fakarayey caawa markii aan jidka dheer ku soo lugaynayey.

Waxa la sheegaa in ay jiraan fikrado badan oo waxtar leh, balse ku dhex duugooba maanka dadka, nasiib-wanaagse tan caawa qoraal baan u beddelay.

Haddaba aniga oo aan ararta idinku asqayn waatan sheekadi na dhex martay aniga iyo isla aniga:

Buuggaan yar ee aan gacanta ku wato, waa kii aan dhawr maalin ka hor akhriyey, haa, waa kii, xaafaddiina kuma ogi mid ii dihin oo aan caawa baalashiisa dhex dabaasho.Laakiin maan sii gato soo magaalo dhan ma joogo?

Sii gato! Xaggee?

Oo waxa aan xarumo ganacsi sii dhex marayo, ma waan laga heli karin mid buug laga iibsado?

Maya meeshaan suuq weyn ma ahan, raashinka iyo cuntada daruuriga ah bes baa laga helaa.

Horta maxaa loo yiri "Sida jirku cuntada ugu baahan yahay baa maskaxduna akhriska ugu baahan tahay"?

Waaba run oo waa kii abwaan Hadraawi lahaa "Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa wali" oo hadday sidaas tahay xaggee salaaddu iska qaban la'dahay?

Xaruntaas dhinac midig iga xigta waxa lagu gadaa caanaha geela, dukaankii aan hadda soo dhaafayna waxaa laga helaa dhammaan raashinka la karsado, meeshaas dumarku hor dhoobanyihiinna waxaa laga iibsadaa qudaarta, tan ka soo horjeeddana hilibka, waxaas oo dhan soo ma'ahan cunto daruuri ah? Haa waa cuntadii jirka. Haddaba aaway tii maskaxdu? Ma ogi, yaa iiga jawaabaya oo ila socda!

Tolow dhaliishaas ma ganacsatada ayaa leh? Waxa ay ila tahay haddii dadku wax akhrin lahaayeen in meel kasta buug laga heli lahaa.

Waxaaba cajiib ah, qofku haddii uu cunto waayo waxaa ku dhacda macaluul, waxa uu yeeshaa calool kuusan, lugo dhuudhuuban sidoo kale waxaa ku dhaca cudurro, wax qabadkiisuna waa uu yaraadaa, maskaxdeenuna ma sidaas baa, Illeen akhris la'aan baa ku dhacdaye,macaluul miyay la jiiftaa, muuqaalkeedu ma wayd baa, wax qabadkeeduna ma wahsibaa, Alla amay baahi u dhimataa! Oo hada ma nooshahay? Ma aqaan midhaa jirka waa ay ka adkaysi badan tahay.

Waxa kale oo is weydiin mudan, dadku marka ay raashin waayaan, waa tii loo gurman jiraye maskaxda iyo caqliga maa loo gurmado oo maraakiib buugaag ah lala soo gaaro?

Yaa u gurmanaya?

Kani sow maahan jidki gurigayga looga leexan jiray, waaba dhaafi gaaray, intii aan mashquulsanaaye.

Horta Dadkaan koox-kooxda u socda, kuwo mid midka u lugaynaya, kuwa baabuurta saaran ee i dhaafaya, kuwa jidka geeskiisa fadhiya ee anigu aan dhaafayo, kuwa ka dhex hadlaya guryaha ii dhaw iyo kuwa ay la hadlayaanba, ma waxa ay ka fakarayaan arrintaan maskaxdayda ka guuxaysa mise hawlahooda kale bay iska wataan?

"Soo gal, albaabku ma xirnee ha garaacine" qof guriga dhexdiisa ka soo tannaagooday baa hadalkaas igu yiri isagaana fikirki soo afjaray.

Abdiqani Ali Aden (Xigmad)

02/05/2022

Maxaynu u garan weynaa qiimaha iyo weynaanta qof nolosheena ku jira? Qof ka mid ah qaybaha ugu quruxda badan nolosheena maxaynu u maamuusi weynaa oo u weynayn weynaa wakhtiga uu qofkaasi nolosheena joogtada ku yahay? Marka uu qofkaasi wax walba diyaarka inoola yahay maxaynu u tusi weynaa baahida aynnu u qabno iyo wanaagga aynnu u hayno? Maxaynu u tebnaa oo isugu daynaa in aynu waxaas oo dhan qabanno goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen? Maxaynu mararka qaar ugu dhaqanna sidii dad aan kala saari karin midabka madawga ah iyo madabka cad? Maxaynu se mar walba habsanka u nahay? Maxaynu wax qiimo leh wax aan qiimo lahayn ugu doorsannaa? Maxaynu wax yar wax weyn ugu baabiinaa? Maxaynu dano iyo sababo isugu jeclaanaa, marka aynu iska dhex weyno dantaa iyo sababtaana isugu nacnaa? Qof aynaan ahayn maxaynu u matalnaa?

Jawaab la’aanta su’aalahani waa kuwo dhawaanahan iga dhigaya qof door bidaysa in aan cidna sinnaba ugu lahaan saamayn nolosheda.

W.q. asma muqdishaawi

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Jigjiga Yare
Hargeisa