22/07/2026
" SOO HALAWADAAY DEEQ ALLAAD, KA HIRQAN DOONTAANE "
Haddii Rabbi S.W.T. ogolaado, berri oo khamiis ah, waxaa ku wajahan magaalo aqooneedka Boorame, laba darsi oo xidhiidh ahna ka dhigi doona, sheekh DR. Xuseen Xasan Cali ( DR. Xuseen Faradi ), Raxmaanku ha maamuusee.
Sida qorshuhu yahay, labadan kitaab ee boodhkan hoose ka muuqda, berri ayaa la bilaabi doonaa lana dhammays tiri doonaa idamka Alle.
DR.ku waa shakhsiyad gooniya, xambaarsan aqoon durugsan oo daarran culuumta shareecada, waa aftahan heli og godka iyo shiishka, sidoo kale waa bulshaawi geed fadhi ah, gole jooga h.
نحسبه كذلك، والله حسيبه، ولا نزكي على الله على أحد.
Labadan kitaab ee sheekhu uu soo iclaamiyay, waxa ay leeyihiin hor tebintooda iyo habboonaantooda gaarka ah.
Midi waa xuquuqda ay leeyihiin, saxaabadii qiimaha badnaa, Rabbi ha ka raalli noqdee, mawduucaa oo aan horay dhexdeena uga helin, u hagar baxii uu mudnaa.
Midka labaadna waa caqiiqadii Imaamu Shaafici, Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxaa xusid mudan in ay jiraan, dadyaw sheekha is xigsiiya, lkn manhajkiisa caqiidada marka ay joogto, dhan isaga buusay kana baydhay oo cid kale caqiidadeed u dabran, maadaama oo uus duugashadaasi ay jirto, waa mid habboon bal in la ogaado caqiidadii Alle yaqaankaa aqoonta badnaa, ka dibna la raaco oon laga roorin.
Bulshada ku noo Boorame iyo nawaaxigeeda, intaa aqoonta xiisaynaysa iyo cid kasta oo arrintaasi ay khusayso, waxa aan ku baraarujinayaa, in ay ka faa'iidaysto, fursaddaasina aanay ciyaar ku dhaafin.
Duruustiyo xalqadahaa curtee, xawli soconaaya.
Goortii la xaradhaamiyee, xididka loo aasay.
Xagaagii gubaa noo baddalay, xaalufka ahaaye.
Xooxdiina godolbaa ku xigay, xiinku baxayaaye.
Oday xoosha iyo caydiguna, way xamdiyayaane.
Cilmigaa xumbayniyo nimcada, xoorku sare gaadhay.
Xirfadiisa ruuxii bartuu, xaraqu daayaaye.
Xigtiisana qof helaybaa kasbaday, libiyo xiisaane.
Nin xasiliyay oo qudhana waa, loo xarmanayaaye.
Jaahilbaana xooriyo agnaan, xaaduq gaamuraye.
Xaqiibada intii lagu ritoo, laga xisaab qaato.
Xasuusnaada Salafkii libbay, ku xarragoodeene.
Mahadsanidiin.
Cabdalle Maxammed Sigad.