Xirfad-maal Technical School

Xirfad-maal Technical School

Share

xirfad maal Technical School waa dugsi lagu baranayo xirfadaha casrigaa laguna shaqo tagi karayo wax

22/10/2022

Shaqadiisii ayuu uga tagey !😓
.......................................

Qormo xanuun badan oo uu qoray Walaalkeen Cawil Qare Cali, dhalinyaradda Qardho kamid ah😭😭 wuxuu ku bilaabay. Xitaa inaad sii faafiso waa caawin.

Qormo ka timi walaalkiin iyo waalidkiis
Fadalan dhamayso walal.

Qof waliba waxa uu leeyahay saaxiib uu la qaato waqtigiisa farxada iyo waqtigiisa murugtaba .

Waxa uu ahaa saxiibka igu dhow dunidan oo dhan waxa uu ahaa qof alle ka sokow sababta u ahaa in aan dunidan joogo.

Alle ha ii cafyee wuxu xanuunsaday 15 bishii 09 2022.

Xanuunkiisa isbuuc kadib waxa uu gabay hadalkii cunta cunidii iyo gebi ahaanba dhaq dhaqaaqi jirkiisa.

Alle ha ii cafiyee abbe waxa 22 beri kadib kusoo celiyey halkii aanka qaaday anigoo raja xumo kasoo qaday dhakhaatiirtii aan u geyey wallow tabar dhaqaalle awadeed ana meel gobolka ka baxsan u dhigin.

Waqtigayga 24 saac 15 saac oo ka mida waxa madaxa hayaa abbe oo aanku ilaaliyo tuubo cunto iyo kateetarka cadiida kuwaas oo uu is siibayo hadan gacnta la hayn.

Taas oo sababtay in aan ka tago shaqo aanka shaqaynayey.

Marxalda jamacadeed oo aan ku jirey iyo shaqoba waxa uga haray sandkii 2021 xanuun ku yimi hooyo oo xanunsanady 8 bilood alx hada wey ii cafimaad qabtaa iyo xanuunka xanuunka abbe oo hada taagan ayaa ah xanuunka igu daran ee aan dareemo .

Walalayaal igu caawiya duco iyo waxkasta oo aad igu garab istaagi kartaan.

Abbe oo xaldiisa ah mid dalka dibediisa rajo la iigeliyey in wax looga qaban karo hooyo oo xameetida darteed u dhiban hada iyo deynta bangiyada aan ka galay kuwaas oo sababo cafimaad ay igu badaynd oo aan u galay ayaa ah duruufta aan ku jiro .

Allow adigaa gar gaar kaa dalbanayaa 😔😔😔

04/10/2022

Masha allah

03/06/2022

Dugsiga xirfadaha gacanta ee xirfad maal tech wuxu ogaysiinayaa dhaman dadka daneeya xirfadaha in la qaadanayo arday cusub oo ma kooban 4 fasal oo qadan dona
1 dab galinta guryaha (korontada)
2 cilad saarka aaladaha sida
Talagadah, Qasaaladaha iyo Tv yada
3 CCtv
4 solar system
Hadaba way socotaa is diiwaan galintu
Fadlan nagala soo xidhiidh 0634518499,4421449

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Xero Hadhuudha Fooqa Alnour Dabaqa Sare
Hargeisa