27/08/2024
Culimada ku takhasustay waxbarashadu waxa ay ardayda u qaybiyaan saddex qaybood oo kala ah:
1. Arday fahamkoodu sarreeyo (gifted learners)
2. Arday waxbarashadu ku adagtahay (slow learners)
3. Arday dhexdhexaad ah faham ahaan (normal learners)
Mawduucan waxa aynu ku dul istaagi doonaa ardayda fahamkooda iyo hab curintoodu ka sarrayso ardayda kale ee loo yaqaan kuwa leh hibooyinka sare.
Waxa ay dhiggooda kaga horreeyaan dhinacyada garashada, hal-abuurka, farshaxanka, ama hoggaaminta. Ardaydani badanaa waxay soo bandhigaan xirfado sare oo ku saabsan xallinta dhibaatooyinka, hal-abuur, iyo awood fahan oo ay si degdeg ah ugu bartaan fikradaha cusub.
astaamohooda waxa ka mid ah:
• Eray-bixin iyo xirfado hadal oo horumarsan
• Xusuus xooggan iyo awoodda in ay macluumaadka kaydiyaan
• Heer sare oo rabitaan waxbarasho ah
• Awood ay si degdeg ah ugu fahmaan fikradaha/waxyaalaha adag
Ardaydaasi waxa ay mar walba jecel yihiin in ay bartaan ama qabtaan wax cusub oo adag si ay u tijaabiyaan awooddooda sidaas darteed haddii ay waayaan caqabado u dhigma garaadkooda iyo waxqabadkooda, inta badan way niyad jabaan iyagoo wax kasta u qaata wax fudud oo aan macno lahayn sidoo kalena ka hooseeya awooddooda. Taasi waxa ay ku keentaa in qaar badan oo ka mid ahi ay ka dhacaan nolosha markii ay waayaan wax ay ku qabtaan hal-abuurkooda.
Nimaaka waxbarasho ee ay ardaydaasi ku jiraan maaha mid dhiiri gelinaya qaab fikirkooda iyo awooddooda curineed, bal e waxa dhacda in uu ragaadiyo oo uu meeshaba ka saaro kartidooda.
Sidaas darteed, ardayda sifooyinkan leh waxa aan usoo jeedinayaa talooyin kan hoos ku xusan si ay noolosha heer fiican uga gaadhaan awooddoodana uga faaiidaystaan:
- In aanay waqtigooda ugu badan ku bixinin ku dedaalista waxbarashada dugsiga/jaamacadda, ee ay waqti u sameeyaan in ay hal-abuurkooda geliyaan. Ardayda garaadka sare lihi inta badan waxa ay ku dedaalaan in ay keenaan darajooyin sare imtixaanka dugsiyada ama jaamcadaha, marka ay dhameeyaan ee darajadii saraysay waxba suuqa uga goyn waydana waxa ku dhaca han-jab qaarkood ku keena in ay nolosha ka dhacaan. Si aanay taasi u dhicin waa in qofku noloshiisa isku dheelli tiro oo waqtiga ugu badan ku bixiyo waxa uu ku fiican yahay halkii uu waqtiga ugu badan ka galin lahaa darajooyinka dugsiga/jaamacadda.
- In ay bartaan xirado badan oo iskugu jira kuwa fudud iyo kuwa gacanta labadaba iyaga oo aan ka tagayn waxbarashada tooska ah. Taasi waxa ay ka caawin kartaa in ay ogaadaan hibooyin kale u qarsoon oo ay ku baddali karaan noloshooda iyo nolosha bulshada ay ku dhex nool yihiin labada.
- In ay ku dedaalaan xirfadaha tiknooliyadda si ay ula jaan qaadi karaan isbaddalka cusub iyo hayaanka dunida ee casriga ah si ay kartidooda iyo tiknoolojiga isku waafajin lahaayeen.
- In ay soo bandhigaan hibooyinka ay leeyihiin iyaga oo kaashanaya waalidkood, bareyaasha dugsiyada/jaamacadaha ama cid kasta oo ku dhiirri gelin karta arrintaa. Taasi waxa ay ka caawin kartaa in ay xilli h**e oo noloshooda ah wax ku qabsan karaan hibooyinkooda.
Ariimahani waxa ay ka caawin karaan ardayda aynu sifooyinkooda kasoo sheekaynay:
1. In aanay niyad jabin hadii ay darajooyinkooda sare ee dugsiga/kjaamacadda sidii ay filayeen shaqo ku waayaan
2. In ay hibooyinkooda qarsoon u badali karaan kuwo muuqda oo xallinaya mushkilado ka jira dhinacyada kala duwan ee nolosha
3. In ay noqon karaan dad hal-abuur leh oo iyagu ay shaqooyin samaysan karaan iyaga oo ka faaiidaysanaya awooddooda hab fikir iyo kartidooda.
Waalidiinta, bareyaasha iyo cid kasta oo ka ag dhaw arday/ardayad leh karti aad uga sarraysa ardayda la fil ka ah, waxa la gudboon in ay ku dhiirri geliyaan in qofkaasi uu sida ugu fiican uga faaiidaysto awoodda Ilaahay siiyay, tani waxa ay inoosoo saari kartaa jiilal badan oo kartidooda garta oo ka faaiidaysta bulshadana wax ugu qabta.
..............DHAMMAAD.............
W/q: Abdifatah Yusuf