05/06/2025
๐ช๐๐๐
๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐.
Waxan halkan Hambalyo uga diraynaa dhamaan ummadda Muslimiinta ah, si gaar ah ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, munaasabadda Ciidul Adha awgeed.
Alle ayaa mahad leh, oo nabad nagu soo gaarsiisay, isla markaana noo suuragaliyay in aan ka faaโiidaysano oo aan gudano acmaasha wanaagsan ee malamahan kooban.
Waxan Alle ka rajeynaynaa in ciiddaan ciiddeeda kale nagu gaarsiiso caafimaad, nabad iyo Barwaaqo, hadii Alle idmo.
Adan HassanAdan:
Xoghayaha, MAKDH&M.
02/06/2025
๐๐ฅณ Hambalyo iyo Bogaadin
Midowga Ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka GIU waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadda Caalamiga ee Gedo(GIU).
Hoggaan cusub, himilo cusub, iyo rajo cusub! ๐๐
Waxaan kuu rajaynaynaa guul, horumar iyo in aad noqoto hoggaan horseeda isbeddel iyo horumarin waarta oo ku wajahan ardayda Soomaaliyeed.
02/06/2025
๐ Hambalyo & Bogaadin ๐
Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyaha cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee Gedo, Abdikafaar Cumar Buulle, oo ka tirsan ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, iyo ku-xigeenkiisa Cabdifataax Shukri Siraad, oo dhigta Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka.
Xilka aad qaadateen waa masuuliyad weyn oo u baahan aragti, hufnaan, iyo u adeegid daacad ah oo aad u muujisaan bahda ardayda. Waxaan idiin rajaynaynaa guul, midnimo, iyo isbeddel togan oo aad ku hoggaamisaan midowga ardayda si ay u noqoto cod mideysan, madal firfircoon, iyo saaxad lagu dhiirrado.
Hoggaan wanaagsan waa iftiinka ardaynimo.
Guul baan idiin rajaynaynaa!