11/09/2026
Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday dood-aqooneed ku saabsanaa " From Students to State Builders" kaalinta ardayda ee ka qayb-qaadashada dowlad dhiska dalka. Waxaana soojeedinayay Mawduuca Ustaad Khalid A. Egal
Barnaamijkaan oo ay soo wada qaban qaabiyeen GIU Center for Research and Development iyo Hope Institute For leadership Studies, ayaa waxaa kasoo qaybgalay ardayda jaamacadda, qaybo ka mid ah aqoonyahanka gobolka iyo qaar kamid ah Barayaasha jaamacadda Gedo International University
Kulanka oo la iswaydaarsaday aragtiyo muhiim ah iyo su'aalo ku saabsan Cinwaanka ayaa lagu ballamay in kulamada noocan oo kalaa la badiyo si fahanka iyo wacyiga bulshada ee ku aadan dowlad dhiska iyo siyaasadaba loo kordhiyo.