05/06/2025
Maanta Oo Ah Khamis Bishu Tahay 5 June 2025 Waxaa Booqasho Noogu Yimid Oo Aan kusoo Dhawaynay Aniga Iyo dadka deegaanka Cuun Ee Degmada Garowe Qaar Ka mid Ah Xildhibanada Golaha Deeganka Ee Degmada Garowe.
Ujeedka Safaraka Xildhibanada Oo Ahaa ukuurgalida Iyo Indha Indhaynta Baahiyaha Deeganka Waxaan Warbixin Baladhan Oo ku saabsan Baahiyaha Iyo Horumarka Deeganka U Gudbiyay Xildhibnadada Gaara Ahaana Waxbarshada Iyo Caafimaadka.
CUUN GUUl PUNTLAND
23/05/2025
Waxaan Shalay Magaalada Cuun Kusoo dhawaynay Wafdi Heer sare ah oo ka Socday Shirka Golis Si Aan ugu Wareejiyo Boos Ay Ka Taagato Towerkii Ama Anteenkii Shirkada Ee Tuulada Si ay U Shahaso Adeegyada Isgaarsiinta Iyo Internetka.
Waa Waxqabadyada Aan ku Faanayo Inaan Geed dheer Iyo Mid Gaaban U Fuulay Si Ay Tuuladu U hesho Adeegyada Aasaasiga U Ah Nolosha.
23/03/2025
Allah Ayaa Mahad iska leh Waxaaa Soo Gabagaboobay Shaqa Baxadeeda Lahayd Oo Bishii udamaysay Ka Socotay Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare Ee Tuulada cuun Oo Hoostimaada Degmada Garowe Ee Gobollka Ahna Caasimada Puntland Allah Fadligii Waxa Hayada Somacare Oo Uu Madax ka yahay Mohamed Ali C/raxman Iskuulka Ku Siyaadisay Suuliyaal Dayr Haan Iyo Lix Fasal Oo ardadu Wax ku Baran doonto.Bulshada Deeganku Oo Aan Afkooda Ku Hadlayo Anoo Ah Gudoomiyaha Tuulada cuun Waxa Mahad baladhan Usoo Jeedinaysaa Hayada Somacare Iyo Madaxdeeda Iyo Dhaman Intii Hawshan Ku Lug Lahayd.
09/03/2025
Allah Ayaa Mahad Iska Leh Waxaan maanta Kormeer Iyo Indha indhayn ku Sameeyay Dhismaha Iyo Balaadhinta Hoose Dhexe Ee Tuulada Cuun Shaqa Bogaadin mudan Ayaan Kusoo Arkay. Waxaan Rajaynayaa Sanadka Wixii Ka dameeya In Dugsigu Uu Dabooli Doono Dhaman Baahiyaha Waxabarasho Ee Aas Aasiga Ah Oo Ay Ugu Horayso Waxbarshada Dugsiga Sare.
23/02/2025
Waxaa si Habsi ma leh Usocda Dhismaha Masaajidka Jaamaca Tuulada Cuun Dhamaan Waa Mahadsanyihiin Dadkii Ka Qayb qaatay Waxan Sidoo Kale Mahad Balaadhan Usoo Jeedinaya gudiga Gacanta Ku Haya Dhismaha Masjidka.
GUUL INSHALAH