27/09/2026
๐๐ข๐ ๐ง๐ข๐ข๐ง
๐๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฒ๐ซ๐ญ๐ ๐๐๐๐.
Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo ilaha gorfeeya isbeddelka cimilada iyo roobabka ee guud ahaan caalamka, iyo si gaar ah Soomaaliya iyo Puntland ayaa laga dheehan karaa saadaalinta roobab ka badan xaddigii h**e. Roobabkaas Elnino ayaa la filayaa in ay ka bataan sidii h**e, sida oo Kalena ay yeeshaan saamayn ay sababaan Daadad xooggan oo laga filayo roobabka Dayrta sannadkan.
14 gobol iyo 29 dagmo ayaa ay dawladdu shaacisay in ay saamayn ku yeelan doonaan roobabka Dayrta ee sannadkan 2026, loona baahan yahay diyaargarow iyo tallaabooyin degdeg ah si looga hortago saamaynta roobabkan. Waxaa loo baahan yahay qorshayn iyo wacyi gallin xooggan sida oo Kalana Waa in taxaddar badan laga qabo meelada biyo mareennada ah. Dadka dagan meelaha u nugul daadadku waa in ay sameeyaan taxaddar buuxa, waxa mudan in aysan sugin xilliga roobabka ee ay ka guuraan meelahaas si ay uga hortagaan waxyeellada roobabka iyo daadadka iman kara. Waxaa muhiim ah in laga taxadaro in roobabkani horseedaan khasaare nololeed iyo mid maal, burbur kaabayaasha dhaqaale, beeraha, iyo isgaarsiinta.
Waxa aan kula talinaynaa dhammaan maamulka, dadwaynaha, warbaahinta iyo cid kasta oo door ciyaari karta in ay dedaal fiican galiyaan kor uqaaddida wacyiga bulshada ee ku aaddan ka taxaddarka saamaynta roobabka Elnino.