Garowe Polytechnical Institute

Garowe Polytechnical Institute Welcome to home of skills and innovations.

Xirfadaha Waqtiga Gaaban ee ka baxa Machadka Farsamada Gacanta Garoowe
09/09/2026

Xirfadaha Waqtiga Gaaban ee ka baxa Machadka Farsamada Gacanta Garoowe

04/09/2026
04/09/2026

Qeybta 1aad: Soo jeedinta Cilmi-baarista Qiimaynta Saamaynta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha (TVET) ee Shaqo-abuurka, Dakhliga iyo Horumarka Bulshada Puntland "Assessing the Impact of Technical and Vocational Education and Training (TVET) on Employment, Income, and Societal Prosperity: Evidence from Puntland, Somalia.”

Cilmi-baaristan waxaan diiradda saaraysa doorka Waxbarashada Farsamada iyo Xirfadaha (TVET) ee kor u qaadista shaqo-abuurka, koboca dakhliga, iyo horumarka bulshada ee Puntland, Soomaaliya.

Cilmi-baaristaan waxaa soo jeedinaya Cilmi baare: Yahye Mohamed Ahmed oo kamid ah Maamulka Dugsiga Farsamada Gacanta Garoowe (GPI).














31/08/2026

Machadka Farsamada Gacanta Garoowe oo soo saaray kumanaan kun oo arday kuwaas oo bartay xirfado kala duwan. Beeraha ayaa kamid ah xirfadaha ay barteen.
Baro xirfad oo beegso shaqo.





Jumce Wanaagsan
28/08/2026

Jumce Wanaagsan

 # TACSI انا لله وانا اليه راجعون*Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Machadka Farsamada Gacanta Garoowe (GPI)*waxay tac...
27/08/2026

# TACSI
انا لله وانا اليه راجعون

*Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Machadka Farsamada Gacanta Garoowe (GPI)*waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Abdinajiib Ahmed Mohamed oo ka mid ah ardayda Machadka, oo aabihiis Ahmed Mohamed maanta ku geeriyooday degmada Dhahar.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa marxuumka inuu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, kana waraabiyo naxariistiisa iyo nuurkiisa.
Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa Abdinajiib iyo qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan intii uu ka baxay inuu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana ku xoojiyo sabir iyo tawakal. Aamiin aamiin.

BARO XIRFAD OO BEEGSO SHAQO!Maxaa Kuu Diyaarsan oo Aadan Ogeyn?1. Xirfado aad ku shaqaysan karto: Korontada, Tamarta Cad...
22/08/2026

BARO XIRFAD OO BEEGSO SHAQO!

Maxaa Kuu Diyaarsan oo Aadan Ogeyn?

1. Xirfado aad ku shaqaysan karto:
Korontada, Tamarta Cadceedda, Beeraha, Dhismaha, Qurxinta iyo Naqshadeynta Dhismayaasha.

2. Goobo tababar oo qalabaysan
Electrical Workshops & Labs, Agricultural Laboratory, Greenhouse, Construction Workshops iyo agab tababar oo dhamaystiran.

3. Shaqo-abuur iyo isku-filnaansho:
Waxaan kuu diyaarinay xirfad aad ku shaqaysan karto, xitaa adigoo weli ku jira dugsiga sare.

4. Macallimiin khubaro ah:
Waxaad wax ka baranaysaa macallimiin leh aqoon, takhasus iyo khibrad shaqo.

5. Field Practical Training:
Waxaa lagu geynayaa goobaha shaqada ee la xiriira xirfaddaada, si aad u hesho khibrad dhab ah iyo tababar wax-ku-ool ah.

BARO XIRFAD OO BEEGSO SHAQO!
Aqoon • Xirfad • Shaqo-abuur • Kartida Shaqo • Mustaqbal.

Ku dhis mustaqbalkaaga xirfad iyo karti shaqadaada maanta ka bilow, guushaada berrina dhis!

Jumce wanaagsan
21/08/2026

Jumce wanaagsan

14/08/2026

"Xirfadu Noloshayda door fiican bay ka bedeshay Aabe lix ciyaala leh ban aahay waa ku xamaashaa"Eng Daauud Yuusuf oo kamid dhalinyarada hal abuurka iyo kartida la yimi kana kamid ah dhalinyaradii Machadka Farsamada Gacanta Garoowe ka aflaxday.

Address

Garowe
Garowe

Telephone

+252907743325

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garowe Polytechnical Institute posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share