22/01/2024
Isra Cabdirashiid Siciid oo 14 jir ah waxa ay la dhibban tahay xabbad wiifto ah oo madaxa fadhiisatay taasi oo qoyskeedu sheegeen in ay ahayd israsaaseyn todobaadyo ka hor, ugu tagtay gurigooda.
Qoyskeeda oo danyar ah waxa ay dalbanayaan; Daryeel caafimaad, cadaalad iyo dowlad wax ka qabata rasaasta aan loo meeldayeyn ee habeennada qaar iska dhacda, gudaha caasimadda Puntland waxa wajib ah dhalinyarada rer puntland inay meel fog garsiiyaan una is tagan si ay cadalad u hesho isro oo ay cafimad keedii dib u hesho haduu alle idmo