10/02/2020
RASUULKA-S.C.W (Nuurul-Yaqiin)
(92aad)
7aad
#غزوة خيبر QASWADI KHAYBAR
Bishi dhexdiisa Sanadkii 7aad Wuxuu Nabigu (s.c.w) Asxaabta Amar Kusiiyay in loo in lagu duulo Yahuudi Khaybar daganayd, Waxay ahayeen Kiciyihii ugu Wayna Gashaanbuurta Nabiga Kaso horjeeday Qaswadi , Maysan daynin inay kudadaalaan inay Ree Miyiga Heshiis lagalaan si Rasuulka uga horyimadaan Sida aan kuso Aragnay Qisadi yahuudigii ladilay ee ibnu-Ashraf.
Nabigu Wuu soo Abaabuulay dagaalkaas ree Miyigii ku Haraaraysna ee raacay, Waxaa Nabiga uyimid ree Miyigii Xudaybiya ka hadhay si loogu fasaxo dagaalka, Wuxuu Nabigu kuyidhi "Aniga ha iraacina qof Jihaad Jecel mooye Qaniimadana Waxba idinka siin Maayo, Wuxuuna Amray Nin Ogaysiiska ku Dhawaaqa 《Ogaysiisku Wuxuu ahaa inuuna Khaybar Qaniimo lahayn Ninka hadhay Dagaalkii Xudaybiya Cudur daar la'aan oo hadana uraacaya Qaniimo dartii》
Wuu baxay Nabigu (s.c.w) Kadib marku Magaalada Madax uga dhigay Ibnu-Curfudata Al-Qafaari, Waxaa Nabiga Raacday Xaaskiisi -Salama, Markay gaadheen Colkii Muslimiintu (oo Madina ujirta 100 Mile/150KM oo dhanka Waqooyi galbeed Kaxigta Madina) Ayay Takbiirti & Duco Kor uqaadeen, Wuxuu kuyidhi 《Naftiina udhibriya/dabciya Idinku Mabaryaysaan Mid dhago la'a oo Maqan, Waxaad Baryaysaan Allah Idin Maqla oo Idiin Dhow oo Idin Weheliya》.
Waxay ahayd Qalcadaha Yuhuuda Khaybar Mid Koobnayd Sadex oo Midba Mibka kale ka go'an (Laba Qalcadood Waxay ahayeen Min 3dex Qalcadood Midna Waxay ahayd 2 Qalcadood Isku gayn 8 Qalcadood),
Waxay kala ahayeen
1) ta Koobaad Waxay ahayd Qalcada -nada (النطاة) waxay usi Qabsanta 3dex oo ah Naacim, Sacbi & Qala
2) ta Labaad Waxay ahayd (الكتيبة) oo usi Qabsanta Qamuus, Wadiix, & Sulaalim
3) ta Sadexaad Waxay ahayd (الشق) ooka Koobnayd Ubayi & Bari'i.
Wuxuu Rasuulku ku Bilaabay An-nada Waxayna Muslimiintu isku urursadeen Qalcada geesteeda Bari meel ka durugsan Toogashada Leebka, Wuxuuna Nabigu amray in lajarjaro geed si ay Ucabsadaan oo isu dhibaan, Waxay Muslimiintu Jareen 400 geed Timireed ah, Marku arkay Nabigu inayYuhuudi ku adkaysteen dagaal wuxuu ka Nahyiyay Goynti............
LA SOCO QAYBTA DARSIGA XIGA
INSHA ALLAH .........
⏩Guulloow Allahayoow
⏩Gobolladaa Islaamkee
⏩La Go'doonshay ji'ridii
⏩Gaallkuna Cidhiidhshe
⏩Guryahoodi Nololeed!
⏩Xabsi Loogu Guur'she
⏩Galladahay Lahaayeen
⏩Gumaystuhu Ka Qaate
⏩Gaashaankoodi Xooree
⏩Goosan Wayay Libinte
⏩Gaadhi wayay Sharafke
⏩Garan'waayay Noloshe
⏩Goodin Waayay Ciilkee
⏩Cab'siduun Gudoontee
⏩Gabax-yidhi Hankoodii
⏩Rabbi Garan Xalkoodow
⏩Guull'ba Waa dhankaage
⏩Raxmadaada Gaadhsii!🤲😭
👉Share💯