12/08/2026
Dabayaaqadii 2022 ayaan bilaabay Baroxirfad Academy. Tan iyo markaas, in ka badan 8,000 oo Soomaali ah ayaa iska diiwaangelisay sidookale website ku wuxuu noqday number one google seo xitaa heer ay ai chatgpt/gemini iyo claud ay u aqoon sadaan academy yad ugu fiican somali ee online.
Anigoo developer ah, muddadaas waxaan la kulmay arday badan oo Soomaaliyeed oo doonaya inay xirfado cusub bartaan, balse aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka koorsooyinka 90% ardayda nalasooxiriiri jirtay qarashaadka ma awoodin.
Koorsooyinka Baroxirfad markii h**e waxay ahaayeen lacag iyo kuwa hada kujiraaba, sababtoo ah koorsooyinka anigu ma lahayn, macallimiintii diyaarisayna waxay xaq u lahaayeen dakhligooda.
Laakiin hadda waxaan go'aansaday inaan Baroxirfad ka dhigo meel waxbarasho oo bilaash ah.
Laga bilaabo maanta, koorsooyinka Baroxirfad waxaa loo heli doonaa si bilaash ah anigoo dhammaan lafadhiisan doona macalimiintii h**e.
Sidoo kale, qof kasta oo Soomaaliyeed oo leh xirfad ama aqoon uu doonayo inuu bulshada dib ugu celiyo wuxuu Baroxirfad kusoo gelin karaa koorso bilaash ah, si ay uga faa'iidaystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Koorsooyinka noocaas ah wax lacag ah k**a qaadi doonno ardayga ama qofka koorsada soo gelinaya.
Haddii aad tahay developer, designer, macallin ama qof leh xirfad aad u malaynayso inay anfici karto dhalinyarada Soomaaliyeed, kusoo biir oo aqoontaada la wadaag bulshada.
Ujeeddadu waa mid fudud: **Aqoonta aan haysanno qayb ka mid ah aan dib ugu celinno bulshadeenna. weliba anoo balanqaadi doonna dhammaan qarashaadka kubixi doona website sida servers ka , video hostings aan isticmaalno all mahadsanidiid halkaan iska diwaangalsha saaxiibayaal : **https://baroxirfad.com/
Share dhaha postga suu dad badan ugaaro sidookale xogaha kale ee dheeraadka ah igala sooxiriira : +252771705966
🖋️ Eng Saed Mohamed