08/11/2021
(Hayaan Professional Training and Research Academy) oo kaashanaysa Jaamacadda Washington ee dalka Maraykana (University of Washington e-Learning Department of Global health) ayaa u qabtay munaasabad lagu gudoonsiinayo shahaadooyin xirfadlayaal dhamaystay Koorsooyinka habka fogaan dhigashada (online courses).
Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socdey Haya'daha dowladda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, W/xigeenka Horumerinta Haweenka iyo arrimaha qoyska , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha ,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland, Gudoomiyaha Jamacada Bossaso, dhakhaatiirta, aqoonyahano iyo marti sharaf kala duwan.
Munaasabadan oo lagu qabtay Jaamacada Boosaaso Garowe ayaa madaxdeedu dhankooda bogaadiyeen horumarka dhanka tacliinta sare ee muwaadiniintu dalkooda ka helayaan iyaga oo jooga.
Xirfadlayaaasha oo dhamaystay koorsooyin kala duwan kuwaas oo loogu talagay in ay kor ugu qaadaan aqoontooda xirfadeed ee shaqo, xirfadlayaasha oo gaarayey 120 una badna dad u shaqeeya hay’adaha dowladda laamahooda kala duwan, hay’adda caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, xirfadlayaasha caafimaadka, iyo shaaqalaha rayidka ah iwm.
Xarunta Tababaradda iyo Cilmi-baarista ee Hayaan waxay diyaar idiinla ah tayeynta iyo tababarka xirfadlayaasha kala duwan ee ka hawlagala deegamada Puntland.